Islaamku siyaabo kala duwan ayuu dadka ugu boorriyey guurka, waxaana ka mida: 1. Wuxuu sheegay inuu guurku ka mid yahay dhaqankii (sunnadii) rushusha. Alle wuxuu yiri: “ waxaan hortaa soo dirnay rusul, waxaana u samaynay xaasas iyo ubad”. Bukhaari iyo Muslim waxay ka wariyeen Anas inuu yiri: seddex nin baa yimid guryihii nabiga صلى الله عليه وسلم iyagoo weydiinaya cibaadada nabiga, markii loo sheegay ayay yaraysteen, waxayna dheheen annagu xaggee ka joognaa nabiga, isaga dambigiisii hore iyo dambigiisii dambeba waa loo dhaafaye. Midkood wuxuu yiri: anigu habeenkii ayaan tukanayaa waligey, midna wuxuu yiri: anigu samankoo dhan waan soomayaa mana afurayo, midna wuxuu yiri: aniguna naagaha ayaan isaga dheeraanayaa oo waligay ma guursanayo. Nabiga ayaa u yimid oo ku yiri: “ma idinkaa kuwa sidaa iyo sidaa yiri?. Wallaahi aniga ayaa idiinku Alle ka cabsi badan, idiinkuna taqwo badan, laakiin waan soomayaa waana afurayaa, waa tukanayaa waana seexanayaa, dumarkana waan guursan...