Skip to main content

Posts

Showing posts from December, 2014

La kala walaalo fiican

Isaga iyo shan gabdhood oo walaalihiis ah ayuu aabbihi ka dhintay. Reerku danyar buu ahaa, dhaqanka deegaankuna wuxuu ahaa in reerku gabadhooda nin u doonaan, kharashka dhismahana la baxaan. Shaqo yar oo noloshooda ciriiri ku ah ayuu hayey, xoolana uga dhigmi mayaan, inuu shanta gabdhood ee walaalihiis ah u guuriyana way sugaysaa, meel kale oo uu culayskaas ula irkado oo a an Alle ahayna ma jirto. Talo waxay kaga dhamaatay inuu kalyihiisa mid iibiyo oo uu lacagtaas gabdhaha walaalihiis ah ugu guuriyo. Haddii aanu sidaa yeelin waxaa khatar ah in isaga iyo walaalihiis isku ag gaboobaan iyaga oo waliba gablan ah. Dabcan dadkaani Soomaali maaha lkn waxaa jira rag badan oo soomaali ah oo gabdhaha walaalohood ah aad ugu dadaala oo naftooda ka hormariya. Dhinaca kale waxaa jira rag badan oo gabdhaha walaalohood ah xoolo ahaan u haysta oo aan la dareemayn baahida ay u qabto say iyo ubad, guumaysnimada iyo gablanka ay khatarta kusoo fool lehna aan ka jiir naxayn. Gabagabadii akhristow adigaan

La kala aabbe fiican

Ninkii gabadhiisa qabey ayaa u yimid, wuxuuna ku yiri: adeer gabadha waan furayaa. Wuxuu ugu jawaabay: maandhow geelii aan kaa qaatay oo aan hal kuugu daray baan ku siinayaa ee xilahaaga hayso!. Tan kale waan garanayaa sababta aad gabadha ku nacday oo xoolaha kuma fiicna ee ila soo dag. Wuxuu doonayey in xoolaha dhaqidooda gabadha laga caawiyo; si mushkiladuba u xallisanto. Kolkii odaygii la weydiiyey sababta waxaas oo tanaasulaad ah uu u sameeyey wuxuu ku jawaabey: ma doonayo in lugu sheekaysto garoobtii ina hebel ahayd baan soo xodxodanayaa!. Mar kale waxaa laga wariyey: ma doonayo gabdho garoobo ah oo la soo wada furay inay guriga isugu yimaadaan oo gambooyinku isaga darmadaan!. Dhinaca kale waxaa jira aabbeyaal gabdhohooda guurka uga hor-istaaga aad xoolo ka qaadatid darteed oo aan inna ka fakarayn gabadhiisa danteeda iyo baahideeda. Nin kasta oo usoo gogol fariista wuxuu u hayaa hal jawaab oo ah: wallee ilaa aad intaas keentid inaadan shaf saarayn ama wallee in aadan naayaa orana

La kala hooyo fiican

Ha u malayn inaan ka hadlayo inan-gumeed iyo mid hooyadiis ka dhalatay qolo farta lugu fiiqo ee waxaan dirayaa farriin hooyooyinka oo dhan ku socota. Dabcan aabbayaashuna farriintaan way ka sii mudanyihiin hooyooyinka laakiin qisada maqaalka saldhigga u ah baa hooyo ku saabsan. Gabar waalan oo muddo dheer xargo ku xirnayd baa u joogtay. Marka aan xarguhu ku xirnayna maaha q of garaad leh oo is maamulaysa. Waxay go'aansatay inay gabadheeda u guuriso oo ubad uga haro!. Wixii loo dadaalo oo Alle lala kaashado wax badan baa ka hirgalee gabadhii gurigeeda ayay ugu guurisay oo ku aroosisay. Waa mahad Allee gabadhii uur bay leedahay, xargihiina waa laga furay. Carruurta ay dhali doonto waxaa laga yaabaa inay dhinac walba uga fiicnaadaan carruurta ay dhaleen dumarka caafimaadka qaba illaa waa qayb Ilaahay'e. Dhinaca kale waxaa jira hooyooyin dhalay gabdho caafimaad qaba oo qurux iyo qiime isku darsaday oo hooyooyinkood ku ag guumaysooba; waayo inay iyadu u guuriso iska daaye ciddii so

Lagdankii carruurnimada iyo loolanka siyaasadda

Qormadaan muddo dheer ayaan ku taamayey Laakiin fursad uma helin maanta ka hor. Waxaa igu bixiyey qormadaan loolanka aan jidka iyo jihada midna lahayn ee siyaasiyiinta Soomaaliyeed qiime tiray, isla markaasna sii kala fogeeyey bulshadii awalba qaybsanayd. Intaa waxaa sii dheer in dadkii xilka ummadda u hayey iyagu isku mashquulaan, ayna loolankaas darti u dayacaan hawlihii ay hayeen. Dhinaca kalena ay Isu isticmaalaan awooddii dowladda iyo xooleheedii, sumcaddii dalka iyo dadkana ay foolxumeeyaan. Waxaa Kaloo xusid mudan in si loo kala adkaado nin walba ama koox kasta ay gaashaanbuuraysato dowlado iyo ururro shisheeye, ayna dhici karto inay xoolihii ummadda ku laaluushaan ama uga tanaasulaan mabaadi' ama xuquuq ummaddu leedahay. Haddaba waxaa is weydiin leh sababaha keenay in madaxda soomaaliyeed caadaystaan loolan iyo isqabqabsi joogto ah oo raggii isku kooxda iyo isku aragtida ahaa maalmo ka dib isku mashquulaan?. Dhaqanka soomaalidu wuxuu ahaa in xilliga barwaaqada