Markii lugu dhawaaqay heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cabsi iyo qaylodhaan la isla dhexmaray: la ina qabsay iyo la ina qaaday iwm. Mushkilada lala qaylinayo ma heshiiskaa mise wax kale ayaa jira?. Dhab ahaan dunida waa la galaa heshiisyo nooc walba leh: dhaqaale, siyaasad, millatari iwm oo innaga inagu gaar maaha ee waxay ila tahay waxa ina ka cabaadinaya waxaa weeye labo arrimood: 1. dadka ina maamulaya oo aan lugu kalsoonayn xagga daacadnimada iyo xagga aqoonta ama khibrada oo la isleeyahay kii khaa'in ah shilimaan buu dalka siisanayaa, kii daacad ahna aqoon darro ama khibrad la'aan baa wax walba looga saxiixan. 2. Xog-ogaalnimada xaaladda dadka iyo dalku ku sugan yihiin oo la wada ogyahay in aanu jirin dhaqan dowladnimo iyo dhaqan ummadnimo midna ee loo fakarayo, loona dhaqmayo qabiilooyin, gobolo, kooxo iyo qofqof afkooda kaliya u nool. Taas oo la isleeyahay ciddii sharciyad loo siiyo inay dalka soo dhexgasho say doonto ayay ka yeelaysaa. Haddab...