Waxaynu maqaal hore ku soo sheegnay in dalka iyo dadka soomaaliyeed ay ku xiran yihiin xargo badan oo isku murugsan oo isugu jira kuwo ay iyagu shirarkii loo qabanayey isku xirxireen iyo heshiisyo caalami ah oo ay ugu dabran yihiin quruumo ka awood roon. Dabadeed waxaynu isweydiinay maxaa hortaagan in aynu iska furno xargahaan innaga isku keen dabraya ama dadyow kale inoo dabraya?. Qormadaan ayaynu arrintaas ku eegaynaa. Haddii dad wacyigoodu hooseeyo ama aan iyagu isku kalsoonayn isku dayaan inay shirqoolada iyo siriqda loo dhigay ka baxaan waxaa la galiyaa xasarad, xaalad-abuur iyo mashaakil joogto ah mar kasta oo uu muuqdo fakar xor ah ama isku tashi ama horumar ama la diido waxaan daw ahayn, waana sida ay muddada dheer soomaaliya ku jirtay. Xasaradaha iyo xaalad-abuurka joogtada ah ee soomaali lugu mashquuliyo ama ay iyadu isku mashquuliso waxaa ka mid ah: 1. Alshabaab ayaa qaraxyo waaweyn samaysay ama magaalooyin qabsatay. Marka xaal...
Waa qoraa Soomaaliyeed oo xoogga saara wacyigalinta iyo walaalaynta bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu ummaddiisa la jecelyahay khayr oo dhan. Wuxuu ka xanuunsanayaa wax kasta oo dadkiisa soo gaara oo adduun ama aakhiro wax yeelaya. Wuxuu diyaar u yahay inuu diintiisa iyo dadkiisa u huro wax kasta oo uu u heli karo.