Isaga iyo shan gabdhood oo walaalihiis ah ayuu aabbihi ka dhintay. Reerku danyar buu ahaa, dhaqanka deegaankuna wuxuu ahaa in reerku gabadhooda nin u doonaan, kharashka dhismahana la baxaan. Shaqo yar oo noloshooda ciriiri ku ah ayuu hayey, xoolana uga dhigmi mayaan, inuu shanta gabdhood ee walaalihiis ah u guuriyana way sugaysaa, meel kale oo uu culayskaas ula irkado oo a an Alle ahayna ma jirto. Talo waxay kaga dhamaatay inuu kalyihiisa mid iibiyo oo uu lacagtaas gabdhaha walaalihiis ah ugu guuriyo. Haddii aanu sidaa yeelin waxaa khatar ah in isaga iyo walaalihiis isku ag gaboobaan iyaga oo waliba gablan ah. Dabcan dadkaani Soomaali maaha lkn waxaa jira rag badan oo soomaali ah oo gabdhaha walaalohood ah aad ugu dadaala oo naftooda ka hormariya. Dhinaca kale waxaa jira rag badan oo gabdhaha walaalohood ah xoolo ahaan u haysta oo aan la dareemayn baahida ay u qabto say iyo ubad, guumaysnimada iyo gablanka ay khatarta kusoo fool lehna aan ka jiir naxayn. Gabagabadii akhristow adigaan ...
Waa qoraa Soomaaliyeed oo xoogga saara wacyigalinta iyo walaalaynta bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu ummaddiisa la jecelyahay khayr oo dhan. Wuxuu ka xanuunsanayaa wax kasta oo dadkiisa soo gaara oo adduun ama aakhiro wax yeelaya. Wuxuu diyaar u yahay inuu diintiisa iyo dadkiisa u huro wax kasta oo uu u heli karo.