Intaasi waa macnaha aayad Qur'aan ah oo inoo sheegaysa nicmooyinka Ilaahay inoo galay oo ah islaamnimada iyo barashada Qur'aanka inay ka wanaagsan tahay dhamaan waxyaabaha ilma aadan uruursanayaan ee ah maal, xaasas, carruur, jagooyin, shahaadooyin, aqoono, afkaaro, xirfado iwm. Nicmada Alle ina siiyey weynankeeda waxaynu aad u fahmaynaa markaynu aragno dad kaa badan caqli iyo aqoon aduunyo oo Ilaah ka dhigtay lo' ama dhagax ama xayawaano kale ama mugdi ama iftiin ama dad ama jinni iwm oo har iyo habeen cibaado ula jeensanaya wax aan ogayn cibaadadooda. Sawiradaan hoose ka eeg dad Hinduus ah oo lo' u cibaadaysanaya, waadna aragteen iyagoo faantada iyo kaadida lo'da isu dhigaya ama isku dhayaya!. Dadkaas qaar baa haysta PHD oo ah shahaadooyinka ugu sarreeya ee la qaato, isla markaasna aqoontooda iyo caqligoodu aysan ka leexin gaalnimada, kuna duwin xaqa.Halka xilligii Rasuulka ay dadka qaarkood ku soo islaameen markay arkeen SANAM-koodii ...