Shareecada islaamku waxay u timid inay xaqiijiso danaha addoomada ee adduun iyo
aakhiro iyo inay ka hortagto waxyaabaha addoomada dhibaya adduun iyo aakhiro.
Jihaadku wuxuu ka mid yahay shacaa'irta (calaamadaha) waaweyn ee diinteena, waana islaamka kuruskiisa meesha ugu sarraysa, wuxuuna leeyahay fadli aad iyo aad u weyn.
Ilaahay wuxuu jihaadka u jideeyey in diinta lugu koryeelo, dulmigana lagaga hortago, arrintaas oo lugu xaqiijiyo danaha addoomada, lagagana badbaadiyo dhibaatooyinka.
Dagaallada maanta dunida ka socda ee magaca jihaadka wata badankoodu diinta ma koryeelayaan mise hoos bay u dhigayaan?. Dagaalladaas ma suulinayaan dulmiga mise way sii kordhinayaan?. Dagaalladaas ma xaqiijinayaan danaha addoomada ee adduun iyo aakhiro mise wayba fasaadinayaan?. Dadka ay la dirirayaan iyo kuwa ay gumaadayaanse ma yihiin dadkii lugu jihaadi lahaa mise waa dadkii in jihaadka lugu difaaco la rabey?. Ma yihiin dagaalladaas kuwo ajar iyo fadli lagaga helayo Alle agtiisa?.
Si qofka muslimka ah jawaab ugu helo su’aalahaan, jihaadkuna uu u noqdo mid xaqiijinaya ujeeddooyinkii Ilaahay u jideeyey, qofka galayana uu uga helo ajarkii iyo fadligii weynaa waxaa lagama maarmaan ah in la barto ujeeddooyinkiisa iyo axkaamtiisaba; si aan tubtiisa toosan looga leexan ama aan axkaamtiisa loogu tuman.
Khaladyada faraha badan ee lugu samaynayo magaca jihaadka iyo magac-dilka joogtada ah ee lugu hayo jihaadka ayaa sii adkaynaya waajibnimada in dadka la baro axkaamta jihaadka. Dabcan magac-dilka iyo foolxumayntu kuma koobna jihaadka kaliya ee waxaa la wadaagadiinta oo dhan gaar ahaan isku xukunka diinta iyo mabda’a “ Alwalaa’ walbaraa’ ” oo looga jeedo xigtanimada muslimka iyo nacaybka gaalka oo labadaba aad loo magac-dilay, loona foolxumeeyey. Magac-dilkaasna waxaa qayb weyn ka qaatay kooxaha magaca jihaadka foojariyeystay.

Waxaa kale oo aad iyo aad muhiim u ah in siirada nabiga loo
akhriyo dadweynaha soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada waxbaranaysa; si ay u
fahmaan xaqiiqada jihaadkii nabi Muxammada gali jirey, ayna u dareemaan faraqa
u dhexeeya jihaadkiisii iyo in badan oo ka mid ah dagaallada magaca jihaadka
wata ee maanta dunida ka socda .
Haddii arrintaa si wanaagsan loo hirgaliyo waxaa hubaal ah in ay joogsanayso marinhabaabinta ku socota bulshada soomaaliyeed gaar ahaan da'yarta ee qof walba uu awood u yeelanayo kala soocida jihaadka saxda ah iyo midka foojariga ah.
Tan kale barashada jihaadka iyo siirada nabigeena scw waxay difaac u noqonaysaa diinta islaamka gaar ahaan camalka weyn ee jihaadka oo cadowga islaamku ku hayaan foolxumayn iyagoo ka faa'iidaysanaya falalka qalloocan ee ay samaynayaan dad magaca jihaadka ku qaraabanaya.

Comments
Post a Comment