Skip to main content

Posts

Showing posts from July, 2013

Sh. Xasan Daahir oo la filayo inuu dhawaan soo boxo iyo 11 xubnood oo ka mid ah wafdigii la socday oo galabta la soo daayay

Galabta 03:00PM ayaa la soo daayey 11 xubnood ka mid ah wafdigii Sh. Xasan weheliyey oo muddo lagu hayey magaalada Muqdisho. Waxaa kale oo la filayaa in Sheekha iyo C/fataax Maxamed Cali dhawaan soo baxaan. Waxaa intii muddo ah socday dadaalo lagu doonayey in xal munaasib a h oo dhinacyada wada qanciya laga gaaro arrinta Sheekha iyo raggii la jirey, dadaaladaas oo ay ka wada qaybqaateen madaxda DF, odayaasha dhaqanka iyo dhowr dowladoood si gaar ah isaga xilsaaray xallinta arrintaan. Haddii arrintaan sida la filayo ay ku dhamaato waxay qayb weyn ka qaadan doontaa (idanka Alle) hanuunka iyo badbaadinta dad badan oo jaahwareer haystey ama la'aa meel ay jaaha saaraan.

Cuyuban siyaasadeed!

Siyaasiyiintu way diideen inay ku dhaqmaan nidaamkii siyaasadeed ee Ilaahay u dajiyey muslimiinta, waxayna doorbideen nidaam gaalo dagsatay oo lagu magacaabo Dimoqraadi. Awoodooda waxay isugu geeyeen siday muslimiinta ugu khasbi lahaayeen nidaamkaas. Goortii uu u meelmaray ayay haddana diideen natiijadiisii; waayo waxaa ku guuleystay dad Ilaahay yeelay. Waa sida hadda Masar ka dhacdaye. Taas waa markay meesha isku hayaan dad nidaamka Ilaahay doonaya laakiin markay kaligood isku qabtaan qaybsiga xukunka ma yeelayaan in Dimoqraadiyada lagu dhaqmo, natiijooyinkeedana ma aqbalayaan. Siyaasiyiinta soomaalidu waxay ka midyihiin dadyowga ku ibtiloobay ku baqqista nidaamkaas Dimoqraadiga ah, haddana aan daacada u ahayn ku dhaqankiisa. Saaka waxaan akhriyey khabar sheegaya in magaalada Qardho dagaal ka dhacay oo yaa diriray?, maxaase lagu diriray?. Puntland markii la aasaasay waxaa gole shuuro laga dhigay 66 xubnood oo ninkay codka siiyaan madaxweyne noqonayo. Marmar la kala boobay mooye