Skip to main content

Posts

Showing posts from September, 2013

Al-shabaab yaa dhalay? 2aad

Shaki kuma jiro inay yihiin ubad soomaaliyeed oo mid walba kasoo jeedo qoys ka mid ah qoysaskeena. In kuwo aan soomali ahayn ku labanyihiina soomaalinimadooda wax ka badali mayso marka laga reebo inay ka barteen faldambiyeedyo aan dalkeena laga aqoon, ka dibna ay ka darnaadeen (laga barayba laga badi). In ay soomaali yihiin ka dhalan mayso in dambiyada ay galeen loo raacdo qoysaskooda ama qabaa'ilkooda adduun iyo aakhiro midna; waayo naf-na ma xambaarto naf kale dambigeed haddii aysan sabab ku lahayn.  Tan kale ma jiro qabiil ama qoys soomaaliyeed oo ilmihiisa u dirsaday shaqadaan ama raalli uga ah ee dhab ahaan ubadkoodii ayaa balaayo ka qafaalatay, waxayna u adeegsatay xasuuqa iyo dhibaataynta ummadda. Arrinta kale ee muhiimka ah waxaa weeye in dadka faraha badan ee Al-shabaab dabka ku shubayso aysan ahayn dadkii fikraddaan keenay ee badankoodu waa dad la soo siray iyo kuwo marxalado kala duwan ugu biiray sababao kala jaad ah, ka dibna is arkay iyaga oo qafaalan m

Kulankii aan galabta la yeeshay Ustaad C/laahi Sh. Maxamed X. Yuusuf

Waa aqoonyahan wax ku bartay Soomaaliya, Suudaan, Suuriya iyo Sweden oo Rabbi ku galladaystay indheergaradnimo, isla markaasna kasbaday khibrad, ummadaha kala duwan ee uu la noolaadayna wax badan ka faa'iidaystay. Dalka ayuu booqasho gaaban ku yimid, wuxuuna ka qaybgalay shirkii siyaasadda ee dhawaan Muqdisho lagu qabtay. Muddo  labo saacadood ah ayaan ku sheekaysanay Hotelka Jaziira ee aan daganaa. Iswaraysigii khaaska ahaa ka dib waxaan ka sheekaysanay arrimo badan oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed khuseeya, ka dibna waxaan u gudubnay inaan falanqayno arrimaha waxbarashada, dacwada, wacyigalinta bulshada iwm. Ustaadku wuxuu ii soo jeediyey talooyin badan oo lagu hormarin karo dadkeena iyo dalkeena gaar ahaan xaruamaha iyo mu'assasadaha waxbarashada iyo dacwada. Talooyinka muhiimka ah ee uu ii soo jeediyey waxaa ka mid ahaa in la unko kulliyado ama macaahid lagu barto maamulka masaajida iyo awqaafta. Khibradaha kale ee uu ka soo minguuriyey reer Sweden waxaa ka mid ahaa in maca

Al-shabaab yay duulaan ku tahay?

Waxaa jira firqo lagu magacaabo Khawaarij oo diinta ka siibatay oo nabigu amray in lala dagaalamo; si diinta looga badbaadiyo. Waxaa kale oo jira burcad khatar ku ah dadweynaha naftooda, maalkooda iyo sharaftooda oo sharcigu amray in lala diriro. Waxaa labadaas ku seddex ah qolo la dhoho: Bughaat oo dowladda khatar ku ah.   Taa macneheedu waxaa weeye in Al-shabaab ay isku darsatay shaqooyinkii seddexdaas kooxood sida kala gaar gaarka ah u qaban jireen.

Xuquuqda dumarka

Diinta islaamku xuquuq badan bay siisay dumarka, waxaana ka mid ah in loo guuriyo nin u noqda nin, ilmana ay wada dhalaan ee aan lagu lugoyn naag kale oo aan ubad iyo ninimo midna usoo kordhinayn sida dimoqraadiyadu qabto.

Al-shabaab yaa dhalay? 1aad

Kolkii lagu gubtay dabkii Xarakada Al-shabaab ayaa nin walba doonay inuu u abtiriyo oo waliba uu ku nabo ninkii xinif ka dhexaysey ama uu xumaan la jeclaa, taasna waxay keentay inay xarakadu yeelato ina-ayayaal  badan iyo abtirisyo kala duwan. Cidda ugu badan ee nimankaas loo saariyo waxay noqotay Jamaacada Al-ictisaam oo la yiri: iyadaa dhashay oo barbaarisay oo waliba hubka u dhiibtay, waxa xuna way isla wateen ee markii culumada laga laayey ayay qaylo bilaabeen!. Haddaba aynu arrimo dhowr ah isweydiino intaynaan u banbixin abtirka Xarakada Al-shabaab iyo isirkeeda. Tan koowaad Xarakada Al-shabaab oo magac la'aan ah waxay aad usoo shaacbaxday xilligii qabqablayaasha iyo maleeshiyaadkoodu Muqdisho qasayeen, beelaha qaarkoodna maxkamadaha samaysteen. Kolkii dagaalku qarxayna waxay noqdeen awood muhiim ah oo horseed ka noqotay la dagaalankii isbahaysigii isku magacaabay "argagixiso la dirirka". Xilligaas oo bulshada Soomaaliyeed aad ugu baahnayd cid isbahaysigaan iyo male

Xuquuqda gaalada

Diinteenu waxay amartay in gaalada loo caddaalad falo oo xuquuqdeeda la siiyo, isla mar ahaantaasna aan dulmi loo gaysan, xuquuqda gaaladu muslimiinta ku leedahayna waxaa ugu weyn in diinta islaamka la gaarsiiyo oo aan xaqa laga qarin, diintana aan looga beensheegin.

Miyaan marna caadifada lagu eegayn?

Go'aamadii shirka ayaa la soo bandhigay. Sidii uu jeclaa ma ahayn. Dood buu furay. Wuxuu cilmi iyo caqli iyo waayo-aragnimo lahaa ayuu adeegsaday si uu uga horyimaado go'aamadaas. Irdihii uu garaacay oo dhan markii laga soo xiray oo lagu yiri waxa aad sheegaysid cilmi iyo caqli maaha ee waa caadifad ayuu ku jawaabay oo miyaan arrinta marna caadifad lagu eegayn. Ninkaan hala yaabin; waayo jacayka aad shay u qabtid wuu ku indha-tiraa, wuuna ku dhaga-tiraa ilaa aad gaartid inaad qorraxda arki weydid ama ay si kale kuula ekaato. Waliba ninkaani aakhirkii waa ogolaaday in cilmi ahaan iyo caqli ahaanba looga gar helay, wuxuuse jeclaystay mar uun in arrimaha caqliga iyo cilmiga la dhaafo oo caadifad qur ah lagu eego.