Skip to main content

Posts

Showing posts from December, 2012

Qabyaaladda qeybta 1aad

https://www.youtube.com/watch?v=tJJ7TLB2gks

Khatarta guur la’aanta

                Guurku wuxuu ka mid yahay nicmooyinka waaweyn ee Ilaahay adoomadiisa ku galladaystay, ka tagistiisuna waxay qofka iyo bulshadaba ku leedahay saamayn xun. Khataraha ugu waaweyn oo ka dhasha ka dheeraanshaha guurka waxaa ka mida: 11-      Ka dheeraanshaha guurku wuxuu sababaa jirrooyin nafsi ah, sida: waali, islahadal, walwal iwm. Waxaa dhici karta in jirradaas isu badasho mid xubnaha ah oo daweynteedu adagtahay. Diraasad Maraykan ah oo cusub ayaa faa’iidaysay in guurku hagaajiyo caafimaadka miskaxda gaar ahaan dadka qaba murugta iyo isla-hadalka; sidaa darted waxaa lagama maarmaan ah inay guursadaan dadka qaba murugta, moral-jabka iyo dareenka kalinimo . 22-       Dadka aan guursan waxaa ku dhaca moral-jab ka yimaada dibu-dhaca haleelay iyo horumarka asaaggood sameeyeen; waayo dadkii ay isku ayniga ahaayeen ayaa noqday mudanayaal iyo marwooyin leh reer iyo ubad bulshadana ku dhex leh qadarin iyo maamuus halka iyo ay weli ciyaal xaafad yihiin!. 33-    W

Ma doonaysaa in lagu jeclaado?

Dadku waxay ka simanyihiin inay wada jecelyihiin in la jeclaado, la qadariyo, lana ixtiraamo. Ilmuhu way jecelyihiin in waalidkood jeclaado, waalidkuna sidoo kale in ilmohoodu jeclaadaan oo qadariyaan way jecelyihiin. Waxaa la mid ah macalinka iyo ardaydiisa, ninka madaxda ah iyo dadka uu xukumo. Dhalinyaradu waxay daneeyaan in asxaabtoodu jeclaadaan oo ixtiraamaan. Ilmaha qaar baa guryohooda ka taga oo suuqa iska gala waayo waxay ka waayeen jacayl, caadifad, ixtiraam iyo amaan. Gabdhuhu marar badan waxay guursadaan niman aan qiime lahayn; waayo waxay ka maqleen wax aanay guryohooda iyo dadkooda ka maqal oo ah waan ku jeclahay iyo waad qurxoontahay!. Si gaara dadka is qaba rag iyo dumarba aad bay u qiimeeyaan in qofka ay is qabaan jecelyahay. Mid walba wuxuu ku dadaalaa in uu is jeclaysiiyo lamaanihiisa, wuxuu ku dadaalaa waxa jeclaysiinaya, wuxuuna ka dheeraadaa waxyaabaha nacsiinaya. Marar badan waxaa dhacda in gabari ninkeeda diido ama la dirirto iyadoo ku sababaynaysa ima jec

Xugunka guurka

Diinta islaamku guurka way jidaysay, xukunkiisana qayb cululmada ka mid ah waxay dheheen waa waajib qof kasta gaar u saaran, kuwana waxay dheheen waa farad-kifaayo (wax ummadda oo dhan nku waajib ah laakiin haddii qaybtood fuliso inta kale aysan dambaabayn, hadday ka wada tagaana ay wada dambaabayaan).  Waajibnimada guurka waxaa loo daliishaday: Ilaahay wuxuu yiri: “wixii dumara ee idiin suubada guursada”. Wuxuu kaloo yiri: “u guuriya kuwa xaaslaawayaasha ah ee idinka mid ah (xorta ah) iyo biddoodkiina (dadka la leeyahay) wanwanaagsan ee rag iyo dumarba ah”. Nabigu wuxuu yiri: “ Jamaca dhalinyarooy ninkii idinka mida ee kara ha guursado; waayo isagaa indhaha laabi og, farjigana ilaalin og”. Waxay dheheen culumadaas: waa awaamiir Ilaahay iyo nabigu ina siiyeen, amarka in la raacana waa waajib. Laakiin culumadu waxay u badantahay in la kala qaado: 1.        “Ninka guurka u baahan ee awooda, isla markaana aan xaaraan isaga baqayn inuu guursado waa sunno”. Waxaa hubaal ah qofka

Sida islaamku guurka u boorriyey

Islaamku siyaabo kala duwan ayuu dadka ugu boorriyey guurka, waxaana ka mida: 1. Wuxuu sheegay inuu guurku ka mid yahay dhaqankii (sunnadii) rushusha. Alle wuxuu yiri: “ waxaan hortaa soo dirnay rusul, waxaana u samaynay xaasas iyo ubad”.  Bukhaari iyo Muslim waxay ka wariyeen Anas inuu yiri: seddex nin baa yimid guryihii nabiga  صلى الله عليه وسلم iyagoo weydiinaya cibaadada nabiga, markii loo sheegay ayay yaraysteen, waxayna dheheen annagu xaggee ka joognaa nabiga, isaga dambigiisii hore iyo dambigiisii dambeba waa loo dhaafaye. Midkood wuxuu yiri: anigu habeenkii ayaan tukanayaa waligey, midna wuxuu yiri: anigu samankoo dhan waan soomayaa mana afurayo, midna wuxuu yiri: aniguna naagaha ayaan isaga dheeraanayaa oo waligay ma guursanayo. Nabiga ayaa u yimid oo ku yiri: “ma idinkaa kuwa sidaa iyo sidaa yiri?. Wallaahi aniga ayaa idiinku Alle ka cabsi badan, idiinkuna taqwo badan, laakiin waan soomayaa waana afurayaa, waa tukanayaa waana seexanayaa, dumarkana waan guursanayaa ee n

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

Biyuhu waa qabow oo subaxdii laguma qubeysan karo

Salaadda marna lagama tagi karo, qof muslim ah inay salaadi ka tagto waxay ku imaan kadhaa labo xaaladood mid: in hurdo la tagtay oo kolkuu tooso ayuu horay ka tukanayaa iyo inuu hilmaamo oo markuu xusuusto ayuu horay ka tukanayaa. Wixii labadaa ka soo haray wax ka soo qaad maleh. Dadkeenu si ay salaadda uga tagaan waxay ku marmarsoodaan waxyaabo  badan oo aan salaada looga tagi karin, sida: dharku iima daahirsana, maryo ma haysto, biyuhu waa qabow iyo wax la mida. Dadka degan goobaha qabowga ah haddii biyuhu aad u qabowyihiin oo aanay heli karin waxay ku kululaystaan, ayna waxyelaynayaan caafimaadkooda waxaa u furan inay booraystaan oo tukadaan laakiin ninkii magaalo dagan waa inuu diyaarsado biyo diiran oo uu ku weysaysto xataa hadaan gurigu lahayn biyo-kululeeye waa inuu ku kululaysto dabka wax lagu karsado ama uu soo iibsado biraha korontada la suro oo biyaha lagu dhexrido iwm.

Warbixin: shirweynihii Raabidada Macaahidu ku qabatay Garowe iyo Seminaradii la qabtay

Waa kulan xagaagii lagu qabtay Garoowe oo ay ka soo qaybgaleen maamulayaasha macaahida, qaar ka mida macalimiinta, madaxda Raabidada macaahida, culumo iyo masuuliyiin ka tirsan golaha fulinta jamaacada Al-ictisaam iyo Mu'assasada Alminhaaj http://raabida.net/index.php?option=com_content&view=article&id=119%3A2012-12-03-14-01-37&catid=4%3A2011-10-07-07-57-06

Maxaa imaamka xaramka dadka looga celiyaa?

Imaamyada Masjid xaraamka iyo masjidka nabiga صلى الله عليه وسلم askar ayaa dadka ku soo yaacaya ka celisa markay masjidka galayaan niyo markay ka baxayaan. Sababtu waxaa weeye jacaylka iyo xiisah a muslimiintu u hayaan culumada gaar ahaan imaamyada xarameynka; si aanay dadweynaha qiiraysan u waxyeelayn imaamyada ayaa laga celiyaa dadka ku soo qamaamaya. Habeen hore markii Sheekh Maxamed Cumar Dirir Muxaadarada ka jediyey Masjidka Al-nuur ee magaalada Jigjiga ayaa dadweynihii rag iyo dumarba masjidkii soo buuxdhaafiyeen oo dadka qayb dibada ku tukatay, kuwa farabadana muxaadarada ka dhagaysaneyeen banaanada iyo waddooyinka masjidka ku xeeran. Markii Sheekhu Darsigii dhameeyey oo cishihii la tukaday ayaa dadweynihii Sheekhii ku soo qamaameen gaar ahaan dhalinyarada oo masjidka u badnaa. Waxay noqotay in mixraabka la galiyo oo dadka makarafoonka lagala hadlo inay iska baxaan, loona sheego in sheekhu soo noqon doono laakin cidna hadalkaas dhag jalaq uma siin!. Waxaan soo jeediyey in l

Hadii aadan xishoonayn waxaad doontid samee!.

Waa xadiis nabigeena ka sugnaaday oo xambaarsan macne aad u weyn gaar ahaan dhinaca akhlaaqda oo uu xadiis kale ku sheegay in loo soo diray dhamaystirkeeda. Mowduuca xadiisku ka hadlayo ee xishoodkuna wuxuu ka mid yahay akhlaaqda qaybaha ugu muhiimsan; waayo iimaanka ayuu ka mid yahay oo sida iimaanku qofka u amro walxaha wanaagsan ayaa xishoodkuna u amraa, sida uu uga reebo waxyaabaha xunxuna wuu uga reebaa. Waxaa kale oo nabigu sheegay in aanu xishoodku waxaan khayr ahayn keenin. In xaqa laga aamuso ama baadil lagu aamusana xishoodka ka mid ma aha. Ugu dambayn waxaa inoo balan ah rag iyo dumar, yar iyo weyn, culumo iyo caamo in aynu xishodka laasimno gaar ahaan inaan Rabbigeen ka xishoono, waxa uu inaga reebayna aynu darti uga dheeraano.