Waa xadiis nabigeena ka sugnaaday oo xambaarsan macne aad u weyn gaar ahaan dhinaca akhlaaqda oo uu xadiis kale ku sheegay in loo soo diray dhamaystirkeeda. Mowduuca xadiisku ka hadlayo ee xishoodkuna wuxuu ka mid yahay akhlaaqda qaybaha ugu muhiimsan; waayo iimaanka ayuu ka mid yahay oo sida iimaanku qofka u amro walxaha wanaagsan ayaa xishoodkuna u amraa, sida uu uga reebo waxyaabaha xunxuna wuu uga reebaa.
Waxaa kale oo nabigu sheegay in aanu xishoodku waxaan khayr ahayn keenin. In xaqa laga aamuso ama baadil lagu aamusana xishoodka ka mid ma aha. Ugu dambayn waxaa inoo balan ah rag iyo dumar, yar iyo weyn, culumo iyo caamo in aynu xishodka laasimno gaar ahaan inaan Rabbigeen ka xishoono, waxa uu inaga reebayna aynu darti uga dheeraano.

Comments
Post a Comment