Skip to main content

Posts

Showing posts from April, 2017

Waraysi ku saabsan Jamaacada Assaadicuuna Bil Xaq (Qeybta 3aad)

11. dowlada Puntland waxay soo jeedisay in lala yimaado istraatijiyad lagaga hortago kooxdan iyadoo la kaashanayo culumada iyo dowladda federaalka. Maxay noqonaysaa istartaajiyaddaas: ma in jamaacada xoog lagu muquuniyaa sida Somaliland ay samaysay, mise waa xal kale? Jawaab: horta in baadilka ama qaladka laga hortago waa waajib muslimiinta oo dhan saaran qof walba intii awooddiisa ah gaar ahaan dowlada iyada oo la marayo maraatibtii inkirida munkarka (xoog, carrab iyo qalbi). Mid kasta oo maraatibtaas ka mid ahna waa la isticmaali karaa markii uu noqdo xalka ugu wanaagsan. Tan labaad culimada iyo maamulada ka jira meelaha kala duwan iyagaa qiimeyn kara nooca ay yihiin dadka fikradaan xambaarsan ee deegaankooda jooga iyo habka ugu habboon ee loo daweyn karo. Midda kale jamaacadan waxay soo bandhigtay waxay aaminsanayd ama la saxnaa, fahamkeeda qaldana kuma ay tarjumin fal-dambiyeedyo. Haddaba masuuliyada koowaad ee dowlada iyo culimada saaran waa inay raggaas qanciyaa
Waraysi ku saabsan Jamaacada Assaadicuuna Bil Xaq oo aan siiyey wargeyska Ilays (Qeybta 2aad) 6. Kooxdan cusub waxay u badan yihiin aqoonyahan iyo xirfadlayaal kala duwan, sida: ganacsato iyo dad aad looga yaqaan bulshada dhexdeeda, kuna dhex milnaa. Haddaba maxaa ku kallifay iyagoo muddo dheer isqarinayay inay xilligaan hal mar is muujiyaan? Jawaab: Horta ma jiro go’aan uu gaar u qaatay faraca Jamaacada ee Soomaaliya ee waa go’aan guud oo ugu horeyn ka soo baxay wadanka masar. Way dhici kartaa inay go’aankaan qaateen ka dib markay darseen awooddooda aqooneed, dhaqaale iyo sumcadeed, ayna u arkeen inay maanta u bilantahay inay is muujiyaan, caqiidadooda iyo manhajkoodana soo bandhigaan, ayna la jahraan dacwadooda. Waxaa kale oo suurtagal ah in go’aankaan lugu qaatay qiimeyn lugu sameeyey xaalada ay gashay ummadda muslimiinta ah gaar ahaan dadka ehlu-diinka ah fashilkii rabiic al-carabi ka dib gaar ahaan xaalada diimeed ee dalka Masar oo uu xilligaan ka jiro jaahwareer iyo balbalo fik

Waraysi gaara oo ku saabsan Jamaacada Assaadicuuna Bil xaq oo aan siiyey wargeyska Ilays (Qeybta 1aad)

1. Goorma ayay bilowdeen xarakooyinka Takfiiriga? Sidee u bilowdeen? Yaa bilaabay? Halkee ka bilowdeen?, maxaase sababay inay fikradaan qaataan?. Jawaab: Asxaabtii Nabigeena صلى الله عليه وسلم oo nool bay bilowdeen, waxaana loo yaqaaney Khawaarij, Rasuulkuna waa sii sheegay inay soo baxayaan iyo sidii loola macaamili lahaaba. Kooxaha Takfiirka cusub waxay ka bilowdeen Masar lixdamaadkii qarnigii tagey, ka dib markii Jamaal C/naasir cadaadis xun kula dhaqmay xubnihii jamaacadii Al-ikhwaan Almuslimuun oo uu dil iyo xabsi isugu daray. Nin la oran jirey Shukri Musdafa oo xabsiga ku jirey ayaa keenay fikrada, wuxuuna yiri: dadka diinta darteed sidaas noogu cadaadinaya muslimiin maaha, askarta iyo shaqaalaha ku caawinayana muslimiin maaha, dadweynaha aamusan ee aan ka hortagayna muslimiin maaha. Ka dib markii la soo daayeyna wuxuu guda galay dhismaha urur ku dhisan fikradaas gaalaysiinta ah, isaga ayaan loo doortay amiirka jamaacada oo la magacbaxday Jamaacat Almuslimiin,

MIDEYNTA UMMADA SOMALIYEED PART 8 - SH.AXMAD CABDULSAMAD

MIDEYNTA UMMADA SOMAALIYEED PART 7 - AXMAD CABDULSAMAD

MIDEYNTA UMMADA SOMAALIYEED 6 - SH.AXMAD CABDULSAMAD

MIDEYNTA UMMADA SOMALIYEED 5 - SH.AXMAD CABDULSAMAD

MIDEYNTA UMMADA SOMAALIYEED PART 3 - SH.AXMAD CABDULSAMAD

MIDEYNTA UMMADA SOMALIYEED PART2 - SHEEKH AXMAD CABDULSAMAD

MIDEYNTA UMMADA SOMAALIYEED PART 1 AXMAD CABDULSAMAD

MIDEYNTA UMMADA SOMAALIYEED 4 - SH.AXMAD CABDULSAMAD