Skip to main content

Posts

Showing posts from January, 2015

Dumarka guryaha dumiya!

Guryihii ayaa si joogto ah u dumaya, kaaga darane qoysaskii ugu qiimaha badnaa rag yo dumarba ayaa burburaya. Waxay noqotay arrin dadkii wareerisay oo tafsiir loo waayey. Ka dib guddi arrintaan soo baara oo ka salgaara ayaa loo xulay. Kulamo badan oo kala gaar gaar ah ayay la yeesheen raggii iyo dumarkii is furay. Guddigii waxay ogaadeen inay jiraan koox dumar ah oo isku  xiran oo u labbistay inay qoysaska kala furaan. Ka dib kooxdii ayay soo heleen, waxayna goosteen inay salgaaraan sababta dumarkaan ku bixisay kala dirka qoysaska. Dood iyo dabagal badan ka dib dumarkii waxay caddeeyeen inay iyagu sharkaan ka dabeeyeen, sababtuna ay tahay in aysan iyagu niman haysan, nin walbana uu oranayo gabar yar ha la ii soo raadiyo, annaguna waxaan go'aansanay inaan iyagana isa seejino. Guddigii dantu waxay ku kalliftay inay naagihii u dhaartaan haddaysan dhibaatada joojin, waxaana lugu yiri risiqa Ilaahay doonta, shar wax luguma helee, sidaas ayaana ololohoodii ku dhammaaday. Ragow isbarbard

Dumarkii go'aansaday inay shuruud la'aan guursadaan

Nin magaalo kale ka yimid ayaa noo sheegay in dumar garoobo ah ay ka shireen arrinta guurka, waxayna ka eegeen dhinacyo badan. Wuxuu yiri: gabar ka mid ah ayaa tiri sidii aynu nin walba shuruud ugu xirayney ama u diidayney ayaa gabdheheenii inamo waaweyn noqdeen, dhawaana suuqa ayaynu ka baxayaan haddaynaan is daba waban. Arrintii wax la rogrog aba waxaa la go'aamiyey: 1. In gabar walba sida ugu dhaqsaha badan u guursato oo iyadu nin doonato. 2. In ninkii u yimaada aan shuruud lugu xirin ee hadday dantu keento ay darin kula seexato. 3. In aan ninka loo eegin xaas buu leeyahay iyo in kale ama xoolo iyo xoolo la'aan ee ujeeddadu noqoto in aan helno nin iyo ilmo. Wuxuu yiri markii ay go'aankaas gaareen toddobaadkii ugu horreeyey siddeed ka mid ah ayaa aroosay. Waxaan is iri sababta ugu weyn ee gabdhahaan guursiga degdega ah iyo inay sahlaan ku bixisay waa in aysan ka cabsan dadka afkooda ee ay dantooda ka fakareen iyo inay is dhiirrigaliyeen, isuna garaabayaan oo aanay isku d

Sidee u guursaday saaxiibkay?

Nin dhallinyaro ah ayuu ahaa. Reer qaraabo ah ayuu la joogay. Kolkii uu shaqada yartaa helay bay dheheen naga guur. Markaas ayuu sariir yar soo gatay oo dhallinyaro iskaabulo ah la dagey. Wuxuu ku shaqeynayey 2000 shilin oo biilkiisa ciriiri ku ah. Wuxuu garwaaqsaday in aanu xoolo iyo shaqo fiican midna haysan, meel kale iyo cid kale oo wax kasoo galayaana uma muuqa n. Kolkaas ayuu goostay inuu isku tashado oo reer dhisto. Wuxuu soo qaatay kartoon weyn, bil walba waxa yar ee biilka uga soo hara ayuu maacuun kusoo iibiyaa oo uu kartoonka ku ridaa ilaa uu buuxsamay. Ka dib sariirtii ayuu mid kale foormiig iskula dhajiyey, qolna waa kiraystay, gabarna waa doonay, aroos taariikhda galayna waa dhigtay!. Dhab ahaan haddii sida ninkaas saaxiibkay ah la isugu tashado, wixii tabartu dhaafi weydana lugu hawlgalo, raallina lugu wada noqdo qaybta Ilaahay, dadaalna la sameeyo dhallinyaradeena wiilal iyo gabdhaba guur bay heli lahaayeen laakiin .... Gabagabadii xaalka saaxiibkay hadda ku sugan yaha

Been dhaarte baladii haleeshay ( Qeybta 3aad )

Afar wiil ayaa gabar ku xadgudbay. Ka dib ehelkoodii ayaa looga ergooday. Seddex qoys reerkii way ka gar bexeen laakiin wiilkii afraad hooyadi waxay isla soo taagtay wiilkaygu masaajidka ayuu ku jirey xilliga gabadha la dhibaateeyay, aakhirkiina dhaar been ah ayay xaf ka siisay! . Reerkii dhibta loo geystay waxay dheheen Ilaahay baan ku raacinay.  Ilaahay iyo qofka la dulmiyey habaarkiisa xijaab uma dhexeeyo ee wiil ay dhashay oo dad telefoon ka furanaya ayaa toorrey lugu dhuftay oo horay ka dhintay, iyadiina shil bay gashay oo lalama soo rogin, walaalkeedna dhiiggaa ku karay oo kama kicin, gabar reerka ka mid ahna dhib kale ayaa gaaray. Gabagabadii dad badan baa ilmohoodu ciqaab adduun iyo cadaab aakhiro sabab ugu noqdaan. Dadka qaarki carruurtooda waxay u haystaan ceeb ka saliim; sidaa darteed wixii laga sheegto iyagaa difaacaya iyaga oo is leh olmahaaga kama suuroobaan ee waa la nabsanayaa ama iscleh haddaad dambigaas qaadataan waa ceeboobaysaan. Dadkaas way moogyihiin ama way is m

Dhallinyarada yaa guurka ku qaaliyeeyay?

Wiilasha iyo gabdhaha qolaba gaar bay u shirtay, waxaana la is weydiiyey yaa ka dambeeya qaaliyeynta guurka?. Wiilashu way isku raaceen in ay guur u baahanyihiin, si ay u guursadaana ay u baahanyihiin guur sahlan oo aan qaali ahayn. Waxay kale oo isku waafaqeen inaysan lug ku lahayn qaaliyeynta guurka. Gabdhuhuna way isku raaceen in guur loo baahanyahay iyo haddii la qaaliyeeyo in guurku yaraanayo. Waxay kale oo isku raaceen in aysan gabdhuhu ka dambayn qaaliyeynta guurka. Haddaba su'aashu waxay tahay haddii wiilkii iyo gabadhii is guursan lahaa midkoodna aanu guurkii qaaliyeyn yaa kale oo ku qaaliyeeyay?. Cidda dhallinyarada guurka ka hortaagan oo ku qaaliyaysey waa bulshada!; waayo: 1- gabadhii waxaa lugu oranayaa: bal eega midaan haariga ah!, maxaa haya oo ay dhulka isu dhigaysaa?. Ninkaan miskiinka ah xaggee ayuu gaynayaa?. Naa asaaggaa 10 kun baa lugu meheriyey, dahabna waa lugu hilay, aqal iyo aroos laga yaabayna waa loo dhigay, heblaayo arooskeeda hoteel ayaa la

Baladii heshay been ku dhaarte! (Qeybta 1aad)

Meharad ayaa u furnayd, dadkuna lacagaha ayay u dhiiban jireen, isaguna intuu warqad ku laalaabo ayuu dusha kaga qori jirey magaca qofka iyo lacagta tiradeeda. Wuxuu u safri jirey Cadan, meheradana dad buu uga tagi jirey. Maalinkii dambe ayaa nin lacag u dhiibtay, isaguna sidii caadada u ahayd ayuu dusha kaga qoray magaca iyo tirada lacagta. Maalinkii dambe ayuu sidiisii Cadan u safray, meheradiina wiil yar oo uu dhalay uga tagey, nin oday ahna wuxuu ku yiri wiilka meesha la ogow. Ka dib wiilkii waxaa u yimid ninkii odayga lacagta u dhiibtay, kolkii uu lacagtii siiyeyna wuxuu ku yiri lacagtaydu intaan way ka badnayd!. Oo soo tan tiradu kuugu qorantahay?. Ninkii wax la sugaba waa yimid iyo sidaan ayaa dhacday. Lacagtaadu intaan bay ahayd iyo way ka badnayd. Ku dhaaro iyo hawraarsan. Dhaar beena iyo hoo!. Ninkii isagoo xoolo booli ah iyo dhaar been ah isku wata ayuu la carraabay. Mise aqalkii gubay, ooridii ku dhimatay, isagiina il ka dhacday!. Subaxdii waa kan isaga oo il

Gabar iyo gabar la'aan (Qeybta 1aad)

Gabar kasta reerkooda qiime ayay la leedahay, way ku kalsoon yihiin, wayna u hanweynyihiin xataa kuwa aan waxbarin, tarbiyad fiicana aan siin. Laakiin gabdhuhu isku mid maaha ee waa mid is og inay qiime leedahay oo qaali tahay, sidii gabar qaali ahna u dhaqanta, midna suuqii lugu naadiyaba way yeelin, sarrif iyo sanuud wixii lugu baayacana waa la siisan kara a. Gabadhaan waalidkeed iyo ehelkeeda waa xubin ka mid ah ee ka gaar maaha, sheekada kama qarsato ee way ku qarsataa, nafteeda iyo mustaqbalkeeda gaar ahaan guurka inay uga garasho dheeryihiin, ugana dadaal badan yihiin way u ogtahay, wayna uga dambaysaa ee ma feer orodo. Waalidkeed iyo ehelkeeda ayay arrin walba ula noqotaa ee gabdhaha saaxiibada ah iyo dadka suuqa maraya sirteeda iyo taladeedu ma dhextaal; waayo waxay ogtahay in waalidkeed yahay cidda kusoo tacabtay, haddana danteeda har iyo habeen usoo jeedda, hadday dhib la kulantana kaligeed kusoo haraysa. Gabadhaan gurigii markay dhalatay loogu mashxaraday ayaa laga galbiyey

Ma doonaysaa meher iyo aroos raqiis ah?.

La xiriir Macallin Yasin C/lahi, waana ninka ay dhinacyo fadhiyaan Macallin Mukhtaar iyo Sh. Fu'aad. Macallin Yasin waxaa u yeerta ninkii dhiganaya Meher iyo Aroos aan qaali ahayn. Galabta ayuu nugu yiri: maanta ayaan seddex isu nikaaxshaye kaalaya shaah idin soo siiyee!. Annaguna waan aqbalnay oo hadda shaah baan ka cabbaynaa, waliba seddexda reerba waa u ducaynay maadaama aysan xadgudub samayn. https://www.facebook.com/alwaqaar/photos/a.646869842034890.1073741826.432162270172316/789926464395893/?type=1&theater

Gabar iyo gabar la mood 2aad

Gabar iyo gabar la'aan ayaynu qormada ku summadnay laakiin waxaan jeclaystay inaan gabadhii fariidda ahayd ka reebo middaan aan ducaysnayn. Hooyadeed markii la guursaday waa lugu farxay, kolkay uurka yeelatayna farxad kale ayay ahayd, kolkay dhashayna mashxaradda iyo raynraynta waa loogu roonaaday, intaysan caqlisana koolkoolinta iyo korintaba waa loogu roonaaday laakiin waxaa la kala tagey kolkii la caqlisaday oo gashaanti la noqday. Tan aan ducaysnayn intay yaraydba jacaylka iyo kalsoonida loo hayey way soo yaraanaysey; maxaa yeelay markii maalin u korortaba waxaa soo muuqanayey kasoo darsiteeda. Dhaga-adayg, af-buuris, santaag, is-dhifasho, dhibsi, yah iyo caku, cag-culays, jiitan, bocoolo-gurasho (muran iyo af-celis ay yaryarka kale ku samayso), ka fogaansho waalidka iyo qoyska, iyo u dhawaansho dhallinyarada shiikh-habaabisyada ah iyo dumarka liita, ku xirasho wiilasha dayacan, kasoo daahis guriga, warwareeg, waxbarasho diid, dhicitaan iyo darajo hoose, salaad xumo, xij

Anigu gaal maahi ee kursigaa Gaal ah! (Qeybta 1aad)

Markii la doortay madaxweyne shariif oo dadka qaarki ay GAAL ku sheegeen ayaa arrintaas la weydiiyey C/laahi Yusuf oo isaga laftiisa horay loo gaalaysiiyey, wuxuuna ku jawaabay: anigu gaal maahi ee kursigaa gaal ah. Wuxuu u jeedaa hadba ninkii kursigaas ku fariista ayaa gaal noqonaya. Muddo dheer baa dad aan mudnayn horseed siyaasadeed  u ahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxaana bulshadu u hanqaltaagaysey maalinta aqoonyahan daacad u ah hoggaanka u qabandoono oo ay haakah oran doonto. Way dhacday in marxalado kala Duwan aqoonyahan hoggaanka siyaasadeed ee dalka qabteen, sida: madaxweyne C/qaasim iyo R/wasaare Galaydh, madaxweyne shariif iyo Koox Raysal wasaareyaal ah oo wada aqoonyahan ah, ka dibna madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaareyaal aqoonyahan ah. Intaasba waxaa weheliyey tiro badan oo aqoonyahan ah oo isugu jirey xildhibaano, wasiiro iyo hawlwadeeno kale. Hadday dadkaas taladii iyo hoggaankii dadka iyo dalka qabteen waxaa caado u noqday inay sidii raggii ka horreey