Skip to main content

Posts

Showing posts from November, 2012

Qoyskaaga dacwada u kaasho

Qoyskaaga dacwada u kaasho Rabbi ayaa muslimiinta faray inay dadka diinta ugu baaqaan iyagoo ay dar Alle ka tahay, cilmi iyo xikmadna adeegsanaya. Taa waxaa ka dhalanaya in muslimka diinta ku baaqaya uu u adeegsado diinta fidinteeda iyo difaaceeda wax kasta oo Ilaahay uu siiyey, sida: cilmiga, caqliga, khibrada, xoogga, xoolaha iyo jaaha. Waxaa kale laga doonayaa inuu wanaagga u kaalmaysto muslimiinta oo dhan gaar ahaan dadka dad u xiga ee qaraabada ah. Ahmiyadda arrintaas leedahayna waxaa muujinaya sida Rabbigeen rasuulkeena صلى الله عليه وسلم u amray inuu qaraabadiisa ugu dhow u digo; waayo qofku marka uu kaalmo ka haysto dadka dad u xiga waxqabadka ka sokow wuxuu helayaa kalsooni. Dad badan baa khayrka ka shaqeeya laakiin khayrku iyaga ayuu ku koobanyahay, xaasaskooda iyo ubadkooda midna kama qaybgaliyaan. Waa hubaal inuu wixii adduunyo ah reerkiisa u hormarin lahaa, waxaana la hubaa inay aakhiradu ka khayr badan tahay adduunyada, caqliga saliimka ahna wuxuu keenayaa inaad eh

Gooni isu-taagga tuulooyinka iyo jifooyinka

Gooni isu-taagga tuulooyinka iyo jifooyinka Jifo walba waxay laamiga ka dhisatay tuulo u gaara; si ay ugu noqoto xarun iyaga loo yaqaan. Tuulooyinkaas la weegaaray maaha deegaan samaysi iyo magaalo dhisasho midna ee waa ficil lagu muujinayo jiritaanka gaar ahaaneed ee jifadaas. Si kale haddii loo dhoho waa ku dhawaaqid dawlad gaara iyo gooni isu-taag ay jifadu isaga soocayso dadka kale ee dhalashada ama deegaanka la wadaaga. Si arrintaa loo xaqiijiyana jifadu waxay tuuladeeda dhigataa kaantarool ama isbaaro, dadka kalena waxay u diiddaa inay la dagaan, ilaa la wariyey in meelaha qaarkood aan loo oggolayn inuu ninka inan layaalka ah guri ka dhisto; si aanu marna gooni isu-taagga jifada u carqaladayn!. Si kastaba ha ahaatee waxaynu ku jirnaa samankii gooni isu-taagga iyo ictiraaf raadinta oo heer jifo iyo heer tuulo maraysa. Dagaalada ilaalooyinka xuduudaha Waxaa arrintaa aad u sii caddaynaya colaadaha waaweyn ee lagu hoobtay ee ka dhacay ama ka socda deegaanada q

Dabinkii la inoo dhigaba ma ku dhacaynaa?

  Somalimirror ayaa lagu faafiyey  October 13, 2009 Axmed C/samad alwaqaar@hotmail.com           Ma yara dabinada la inoo qoolay oo aynu badankooda ku dhacnay, walina aynaan ka bixin iyo kuwa aynu hadda ku sii soconoba. Iyada oo muddo aynu ku jirnay laandayro marar kala duwan ina la kacay, xargo badana ina ku xirxiranyihiin, oo cadaaweheenu hadba meeshii uu doono ina ka cantuugayo ayaa Alle mahaddi si aan la filayn mar loo hinqaday, xargihii badnaana bar la iska gooyay, waa kacdoonkii maxkamadaha’e. Raggii aynu siriqda ugu jirnayna kolkaasey kala orod iyo xarga xiris hor leh bilaabeen. Haddaba ku noqon mayno dabinadii cadaawuhu inuu dhigay xilliyadii hore ha fuleen ama yaanay fuline, waxaynu se eegaynaa qaar ka mida xargaha la inoo daadshay kacdoonkii maxkamadaha ka dib iyo sidaynu ugu daadanay. Sidii aynu ugu haysanay inaynu xargihii wada goosanay, hadda ka dibna aynu rag wax la qaybsan doono ayaa la arkay innaga oo xarguhu xubnihii ugu muhi

Illaa Maraykankana waa lagu dhintaa!

Illaa Maraykankana waa lagu dhintaa! Caawa ayaan kulanay Sheekh Maxamed Idriis oo xalay ka yimid Maraykanka. Warbixintii ayuu ku daray usbuucaan ilaa shan qof oo Soomaali ah baan xabaalnay. Wuxuu sii raaciyey dalka waa la dagay oo qabuuro badan baan ku leenahay. Wuxuu sheegay shanta qof in labo shil gaari ku dhimatay, seddexda kalena ay jirrooyin kala duwan sababsadeen. Waxaa markiiba miskaxdayda ku soo dagdagtay dadka Maraykan iyo meelaha la mida u dhoofaya in aysan miskaxdooda ku soo dhicin inay meesha ku dhiman doonaan markay baadigoobka ugu jireen dhoofka. Miskaxdu way sii taraaraxday oo waxay meesha soo dhigtay dadka dhoofay badankoodu inay filayeen maalinta ay dhulkaas cagaha dhalaan inay ugu dambayso busaarad, jirro iyo dhibaato adduun oo dhan. Waxaa dhab ah in xaqiiqadu sidaas ka duwanaatay oo meesha loogu tagay geeri qabri la'aan ah!; waayo qabriga hal qof lagu xabaalo wuxuu kuugu fadhiyaa lacag u dhaxaysa seddex kun ilaa shan kun oo dollar!. Waxaan ogaaday meesha

Geeri murugo leh

Alle ha u naxariistee waxaa maanta 12 duhurnimo ku geeriyooday magaalada Kampala Sheekh C/wali C/laahi Aamin (C/wali Kampala) oo ahaa Sheekhii jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda. Waxaan Sheekha Ilaahay uga baryayaa inuu u dambidhaafo una naxariisto. Waxaan kale oo aan halkaan tacsi uga dirayaa dadkii uu sheekhu ka tagay: caruurtiisa, xaasaskii, eheladii, ardaydiisii, asxaabtiisii , maamulka iyo jamaacada markazka Altowxid, jaaliyadda Soomaliyeed ee Oganda iyo guud ahaan dadweynaha Soomaliyeed ee uu sheekhu ka geeriyooday gaar ahaan culumada iyo ducaadda ay muddada dheer ku wada jireen camalka dacwada. Ilaahay waxaan dhamaantood uga baryayaa in uu siiyo sabar iyo ajar-xisaabsi. Waxaan kale oo kula dardaarmayaa xigtada Sheekha ha ahaadeen warasadiisa, ardaydiisa iyo asxaabtiisa ay isu kaashan jireen dacwada iyo khidmada jaaliyadda inay halkii ka sii wadaan, siina labanlaabaan khayrkii ay sheekha wada qaban jireen. Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu ka dhigo Sheekha ubadkiisa

I daaya kiiladiiba Qariid baad ku dhamaysateene!

I daaya kiiladiiba Qariid baad ku dhamaysateene! Nin qurbe-joog ah ayaa gabar guursaday. Markuu muddo maqanaadaba intuu yimaado ayuu inanta hotel la dagaa!. Shalay buu nin saaxiibkay ah ku yiri: ninyohow hotel aan aroos ku dhigto ii soo qabo, rag 40 ahna ii soo balami. Wuxuu ugu jawaabay berigii hore sonkorta kiilo kiilo ayaa loo soo miisan jirey. Marka guriga la keeno ayaa ciyaalku hooyadood ku soo yaaci jireen iyagoo dhahaya: hooyo iigu shub (sonkor ay qariidaan bay doonayaan). Kolkaas bay midba xoogaa sacabka ugu shubi jirtey. Markay ku soo noqdaan ayay ku oran jirtay: war idaaya kiiladiiba qariid baad ku dhamayseene. Haddaba hebelow maxaa aroos ah wixiiba qariid baad ku dhamaysaye!. Qisadaan iyo jawaabta saaxiibkay ninka siiyey waxyaabo badan bay isoo xusuusisay, waxaana garwaaqsaday inay jiraan waxyaabo badan oo qariid lagu dhamaystay. Waxaa ka mida cilmiga, dhaqaalaha, siyaasadda, qoyska, sharfta iyo sumcadda iwm. Nin baa beri hore nagu yiri: " soomaalidu caajilka a

Carruurtaada iyaga oo yaryar sidee xilkas uga dhigi kartaa??

Carruurtaada iyaga oo yaryar sidee xilkas uga dhigi kartaa?? Dad badan bay la tahay ilmuhu in aanay waxba fahmayn oo aan la isku dhibin carbintooda ama sare u qaadista garaadkooda iyo xilkasnimadooda ilaa ay weynaadaan. Soomaalida waxaa dhaqan u ah in ay ilmaha ka eryaan golayaasha dadka waaweyn ku kulmaan. Waxay ku dhahaan: ordaya ka taga dadka waaweyn!. Dadkeenu ma dareensana in afka ilmuhu ku ... hadlo uu erey erey u bartay isaga oo aad u yar, ka dibna uu gaaray heer uu si faseex ah ugu hadlo isaga oo aan 2 ama 3 sano gaarin!. Ogow afkaas cidi ma barin ee wuxuu ku bartay la joogista dadka waaweyn iyo jilitaankooda!. Haddaba ogow in ilmuhu dadka waaweyn ka baranayo cilmi, caqli, waayo-aragnimo, akhlaaq, habnololeed iwm isaga oo aan cidina si gaara isugu mashquulin fahansiinta iyo barista arimahaas. Carabtu ilamaha iyaga oo labo sano jira ayay golaha soo fariisiyaan, waliba waxay ka qaybgaliyaan dooda dhexmaraysa dadka waaweyn; si uu ugu tababarto. Tan kale waxaa loola ha