Somalimirror ayaa lagu faafiyey October 13, 2009
Axmed C/samad
Ma yara dabinada la inoo qoolay oo aynu badankooda ku dhacnay, walina
aynaan ka bixin iyo kuwa aynu hadda ku sii soconoba. Iyada oo muddo aynu
ku jirnay laandayro marar kala duwan ina la kacay, xargo badana ina ku
xirxiranyihiin, oo cadaaweheenu hadba meeshii uu doono ina ka cantuugayo
ayaa Alle mahaddi si aan la filayn mar loo hinqaday, xargihii badnaana
bar la iska gooyay, waa kacdoonkii maxkamadaha’e. Raggii aynu siriqda
ugu jirnayna kolkaasey kala orod iyo xarga xiris hor leh bilaabeen.
Haddaba
ku noqon mayno dabinadii cadaawuhu inuu dhigay xilliyadii hore ha
fuleen ama yaanay fuline, waxaynu se eegaynaa qaar ka mida xargaha la
inoo daadshay kacdoonkii maxkamadaha ka dib iyo sidaynu ugu daadanay.
Sidii
aynu ugu haysanay inaynu xargihii wada goosanay, hadda ka dibna aynu
rag wax la qaybsan doono ayaa la arkay innaga oo xarguhu xubnihii ugu
muhiimsanaa iyo dadkii ugu muhiimsanaa wali inoo ka xiranyihiin,
madaxyaweyntii iyo miskaxduba ha ugu darnaadeene. Raggii ay ahayd inay
bulshada Soomaaliyeed berri amaan u horseedaan baa la arkay iyaga oo
garasho iyo garasho la’aanba fulinaya barnaamijyadii cadawgu ka lahaa
dalkeena iyo dadkeena, sida la xirasho awoodo shisheeye, horseed khilaaf
iyo kala jajab, is xalaalaysi ka dhashay is gaalaysiin iyo is
bidcaysiin, aloosid colaad sokeeye, dil, qixin iwm.
Haddaba waxaynu soo qaadaynaa dhawr ka mida dabinada aynu ku dhacnay kuwa ugu muuqaalka dheer ee la wada fahmi karo.
Qunyar Socod iyo xagjir
Sidii
loo aasaasay golihii maxaakimta islaamiga ee uu madaxda ka ahaa Sh.
Shariif Sh. Axmed, Sh. Xasan Daahirna ka ahaa guddoomiyaha golaha
shuurada waxay bilaabeen reer galbeedku inay ku magacaabaan Sh. Shariif
ninka labaad ee maxaakimta, Sh. Xasanna ninka koowaad. Waxay kale oo
caadaysteen in ay maxaakimta u qaybiyaan qunyar socod iyo xagjir, taas
oo ujeeddada ka dambaysa si dhib yar loo fahmi karey.
Dhab
ahaan wax lagu celceliyaba qaybsankii ay rabeen (qunyar socod iyo
xagjir) way ku guulaysteen, ka dib markay u sahleen asbaabtii lagu kala
jabi lahaa. In cadawgu dabinka kala jabinta ina la gaadayeyna qorraxda
way ka caddayd, haddana waynu ku dhacnay!.
Adeegsiga suufiyada
Mu’assasada
cilmibaarista RAND ee Maraykanku waxay soo saartay 26/03/2007 diraasad
ay ugu magacdartay “dhismaha shabakado muslim ah oo qunyar socod ah”,
taas oo ay dawladaha reer galbeedka kaga la talinaysay hababka islaamka
loola dagaalami karo. Talooyinkaas waxay leeyihiin waa in la dagaalanka
islaamka loo adeegsado dad muslimiin ah, waxaana ka mid ah dadkaas
suufiyada oo magac diineed kula diriraysa dadkii diinta ku baaqayey.
Diraasadaan
iyada oo soo baxday bilowgii sannadkii 2007, ayna ahayd in si buuxda
looga tabaabushaysto, loogana hortago ayaa haddana islaamiyiinta
Soomaaliyeed aakhirkii ku dheceen dabinkaas, waxayna suufiayadii la
galeen dagaalkii loo qorsheeyay!.
Qixinta iyo barakicinta shacbiga
Iyada
oo aysan jirin qaxooti iyo barakac ay dadweynuhu dalka kaga baxayaan
ayay bilaabeen hay’adaha UN ka iyo dawladaha mushkiladda Soomaaliya ku
leg leh in ay ku dhawaaqaan inay furayaan xuduudka Kenya oo markaas
xirnaa siddeed bilood ka badan, ayna qaabilayaan qaxootiga faraha badan
ee Soomaaliya ka soo faruurmi doona.
Waxay
kale oo bilaabeen dhismaha xeryo dadkaasi degaan oo waliba aan waabab
ahayn sidii caadadu ahaan jirtay ee laga dhisayo bulukeeti dhoobo ah,
taas oo tusaysa in aan dhismayaashaani ku meelgaar ahayn.
Taa
waxaa ku cad inay sii diyaarinayeen dagaallo Soomaalida ka dhexdhaca oo
dadka lagu qixiyo, taas oo ujeeddooyin badan ay ku gaari karaan, sida:
in dalku u cidloobo, in dadka qaxaya ay ka saameeyaan meelo badan iyo
inay dadka dalka kula diriraya seejiyaan awooddii iyo kaalmihii dadkaasi
siin lahaa.
Baaqyadaan
iyo qoraaladaan oo soo baxay heshiiskii jibbuuti lix bilood ka hor
waxba lagu ma dhisan ee dabinkaas sidii la rabey iyo ka badan baynu ugu
dhacnay, waxaana dalkii ka qarxay dagaallo waaweyn oo u dhexeeya
Soomaalida, haba ugu darraadeen kuwii dhexmaray dadkii xabashida la wada
dirirayay oo diinta hirgalinteeda ku wada baaqayey. Qaxii gaaladu ina
la rabtayna siday rabeen baynu ugu hirgalinay!.
Soomaaliya iyo fulinta tajribadii Ciraaq
Sannad iyo labo bilood baa laga joogaa markii uu sheegay James K.
Glaasman oo ka mida kaaliyeyaasha arrimaha dibadda Maraykanka in ay
doonayaan inay islaamiyiinta qunyar socodka ah ee Soomaaliyeed ka
horgeeyaan kuwooda xagjirka ah; si loo hirgaliyo tajribadii Ciraaq. Taa
macneheedu waxa weeye in Soomaalidu (waliba kuwa islaamiyiinta ah)
qabtaan shaqadii ciidanka Maraykanku qaban lahaa ee ahayd laynta iyo
qixinta shacbiga soomaaliyeed.
Arrintuna waxayba u dhacday sidii ay u rabeen. Waxaa taa ka sii daran
in islaamiyiintu marka ay shaqadaas bilaashka ku qabanayaan labada
dhinacba diinta u daliishanayaan, tusaale ahaan: waa niman dowladdii ama
wilaayadii islaamiga ahayd ka horyimid, waana waajib diini ah in laga
difaaco diinta, qofkii la dagaalankooda ku dhintana waa shahiid!.
Dhinaca kalena waxaa ku filan inay sheegaan: inay kuwaani riddoobeen ama
cumalo yihiin ama ay dulmi ku soo weerareen oo ay iska difaacayaan!,
ninkii naga dhintana uu shahiid yahay!.
Tajribada Ciraaq ee la ina la doonayeyna waxay ahayd: iyada oo
muslimiinta sunnadu dhinac ka soo wada jeedaan, gaalada iyo Shiicaduna
meel ay galaan la’yihiin ayaa mujaahidiintii qaarkood dheheen: dowlad
islaami ah baan ka noqonay dalkaan gaalada iyo shiicadu haystaan ee na
raaca iyo dowlad ma tihidin, mana idin raacayno. Dadweynihii iyo
mujaahidiintiina waa la iska horkeenay, ka dibna xabbaddii gaalada ku
jeedday baa la isku soo jeediyey, markii ay isku awood beeleena waa la
is wada raacshay.
Haddaynu
dib u eegno dagaalkii dhexmaray ciidankii maxkamadaha ee ku biiray
federalka iyo ururada kale ama aynu fiirino kan hadda ururadii kale
laftooda ka dhexdhacaya iyo waxyaabaha la isu daliishanayo sow ma oran
karno gaaladu waxay rabeen waynu u fulinay?.
Su’aalo muhiim ah
Nimanyohow
waxaa is weydiin leh gaalada yaa u sii sheegay in aynu say rabaanba u
yeeli doono?. Ilaahay isaga oo ka waramaya shaydaan buu wuxuu yiri: “
Ibliis malihiisii waa ku rumoobay dushooda (aadanaha) oo way raaceen
koox mu’miniin ah mooyee”. Waa la hubaa in aysan gaaladu qaybka ogayn ee
waxay ku go’aanqaateen kalsooni ka dhalatay xog dhab ah oo ay ina ka
hayeen.
Haddaba
wixii dhacay dhecee hadda wax ma cayminaa illaa caana daatay dabadoodaa
la qabtaaye?, mise xaalku waa: rag ciil cadaab ka dooray?, oo inaynu
hebel ka ciilbeelno ama mashruuciisa ka ciidayno ayaa inoo ka muhiimsan
ummaddaan iyo diinteeda?.
Gunaanad
Waa
la wada jecelyahay in wax hagaagaan ee waxaa la isla garan la’yahay
waxa iyo sida wax ku hagaagi karaan. Haddii ay raggu diinta u
hoggaansanyihiina iyadaa caddaynaysa waxa habboon, sida ugu habboon ee
loo fulin karo iyo waqtiga ugu habboon ee la qaban karo.
Ninkii
ama kooxdii aan diinta u hoggaansanayn ee inta kale ku hoggaaminaysa
lafteedu fursad u heshay inay tijaabiso afkaartii la wacnayd, soona
aragtay inaan xal iyo wanaag midna lagu gaarayn. Haddaba waxaa ila quman
in hadda ka dib laga ambaqaado xaqa kaligay ma haysto, xalkana kaligay
ma hayo ee sida diinta, dadka iyo dalku inoo ka dhexeeyaan talada iyo
waxqabadku ha inoo ka dhexeeyo iyadoo la cuskanayo diintaas inoo wada
dhaxaysa. Waxay ila tahay taasi inay tahay tillaabada koowaad ee waddada
xalka ee ma ku dhaqaaqnaa?.
Comments
Post a Comment