Skip to main content

Qoyskaaga dacwada u kaasho

Qoyskaaga dacwada u kaasho

Rabbi ayaa muslimiinta faray inay dadka diinta ugu baaqaan iyagoo ay dar Alle ka tahay, cilmi iyo xikmadna adeegsanaya. Taa waxaa ka dhalanaya in muslimka diinta ku baaqaya uu u adeegsado diinta fidinteeda iyo difaaceeda wax kasta oo Ilaahay uu siiyey, sida: cilmiga, caqliga, khibrada, xoogga, xoolaha iyo jaaha.

Waxaa kale laga doonayaa inuu wanaagga u kaalmaysto muslimiinta oo dhan gaar ahaan dadka dad u xiga ee qaraabada ah. Ahmiyadda arrintaas leedahayna waxaa muujinaya sida Rabbigeen rasuulkeena صلى الله عليه وسلم u amray inuu qaraabadiisa ugu dhow u digo; waayo qofku marka uu kaalmo ka haysto dadka dad u xiga waxqabadka ka sokow wuxuu helayaa kalsooni.

Dad badan baa khayrka ka shaqeeya laakiin khayrku iyaga ayuu ku koobanyahay, xaasaskooda iyo ubadkooda midna kama qaybgaliyaan. Waa hubaal inuu wixii adduunyo ah reerkiisa u hormarin lahaa, waxaana la hubaa inay aakhiradu ka khayr badan tahay adduunyada, caqliga saliimka ahna wuxuu keenayaa inaad ehelkaaga waxba waxay ka fiican yihiin u doortid. Dumar ducaad ah oo mar warbixin dacwada ku saabsan na siiyey ayaa nagu yiri: waxaa jira rag ducaad ah oo iyagu diinta ka shaqeeya laakiin reerohooda aysan dacwada wax xiriir ah la lahayn!. Bal raggaas iyo nabi Ibraahim isu eega.

Intaa haddaynu isla garanay aynu xaasaskeena iyo ilmeheena ka qaybgalino dacwada, una tababarno sidii ay xilkaas inoo kala wareegi lahaayeen kolkaynu dhimano ama gabowno. Waxaa isweydiin leh goorma ayaynu ka qaybgalinaynaa ama u tababaraynaa xilkaas weyn ee qiimaha badan?. Ma markay 20 sano gaaraan mise markay guursadaan ama ilmo dhalaan?.

Jawaabtu waxa weeye maalinta uu dhashaba horay ka hawlgali; si uu ugu ababo dareenka xilka dacwada iyo wax u qabadkeeda, wayna u sahlantahay oo sida uu waalidka iyo dadka la jooga uga barto luqada ayuu si tartiib-tartiib ah uga baranayaa masuuliyadda iyo waxqabadka diinta.
Siyaabaha ilmaha xilkaas loo dareensiin karo, looguna tababari karo waxaa ka mida:

1- in looga sheekeeyo fadliga dacwada iyo waajibnimadeeda,

2- isla markaana warbixin joogto ah laga siiyo hawlaha iyo dhaqdhaqaaqyada dacwada,

3- in laga waalidku uu kexeeyo ilmaha marka uu shaqo dacwo soo qqbanayo,

4- in la soo faiisiyo golayaasha lagu gorfaynayo arrimaha dacwada,

5- in loo sameeyo sunduuq qufulan oo kor ka daloola oo ay lacag ugu ridaan dacwada,

6- in la weydiiyo talooyin dacwada lagu hormariyo,

7- in la baro inuu dadka guriga jooga iyo asxaabtiisa samaha faro, xumahana ka reebo,

8- in marka uu da' ahaan soo roonaado kaligi loo diro hawlo dacwo oo munaasib u ah,

9- in lagu amaano waxqabadkiisa dacwo iyo talooyinka uu soo jeediyo, lana dhiirrigaliyo,

10- in loo sameeyo saaxiibo wanaagsan oo ay isu kaashadaan khayrka,

11- in looga sheekeeyo qisooyinka dhalinyaradii dacwada ka qaybqaadatay iwm.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!