Skip to main content

Posts

Showing posts from November, 2014

Soomaalidu maxay dhulka doogga leh isugu sawirtaa?

Soomaalidu maxay dhulka doogga leh isugu sawirtaa? Waxaa Qoray: Jaamac C/laahi Caydiid jamaidid@gmail.com Si ka duwan bulshooyinka kale ayay Soomaalidu u jeceshahay in ay isku sawirto meelaha dhirta ama cawska cagaarani uu ku yaallo.  Dadka ka soo muuqda TV yada Soomaalida ee ama shir-jaraaid ka hadlaya ama waraysi kale bixinaya, dadka sawiradooda soo geliya baraha bulshadu ku xidhiidho ee Inter net ka, iyo dadka ehaladooda ama caruurtooda isla sawira intuba waxay ka midaysanyihiin ama u badanyihiin in ay isku beegaan ama dhex joogsadaan marka ay isa sawirayaan meel doog ama cagaar leh. Soomaalida gudaha dalka ku hadhay iyo kuwa dibadda u baxdayba way ka simanyihiin arintan. Sidoo kale Soomaalida degta deegaanada Soomaali Galbeed ama NDF iyaguna waa inala mid. Kulay ku tahay kuwa degan dhulka xeebta ah ee quruxda badan waxay u badanyihiin in ay isla doontaan meel dhir leh oo ay isku sawiraan. Ilaa aan markii dambe u qaatay anigu in haddiiba aad meel doog leh aragtid ay kugu soo dhacay