Skip to main content

Posts

Showing posts from April, 2014

Sheekh Shible yuu sheegayaa?

Qormo taariikheed oo qoto dheer buu Sh. maxamuud Shible qoray. Waxaan is weydiiyey tolow yuu sheegayaa?. bal si aan cid kaleba wax kuugu sheegin ishaada kaga bogo, caqligaaga iyo xog-ogaalnimadaadana la kaasho. http://halgan.net/2014/04/ayaan-darane-abuu-muslim-al-khuraasaani-iyo-cabbaasiyiintii-wq-sh-shibli/

Laamiga ka leexda

Waxaan ka mid ahaa ragga dalka aad ugu dhex socda laakiin aan laamiga dhinacna uga leexan, isla markaasna magaalooyinka waaweyn kaliya ku daga oo aan tuulooyinka inta badan kuba hakan, rag badana way ila wadaagaan dhaqankaas. Gaalkacyo, Buurtinle, Garoowe, Laascaanood, Burco, Berbera, Hargeysa, Gabiley iyo Boorame. Dhinaca kalena Garoowe, Qardho iyo Boosaaso. Xagga koonfurtana tan iyo 2006dii Muqdisho iyo Afgooye dhinac uma dhaafin. Sanadkaan Ilaahay wuxuu i waafajiyey inaan laamiyada ka leexdo, isla markaasna aan magaalooyin iyo tuulooyin badan ku dago. Mar waxaan socdaal ku maray 11 magaalo iyo tuulo oo ku kala yaal Mudug iyo Nugaal, kuwaas oo badankoodu laamiga ku yaaley. Kala bayr, Jalam, Buurtinle, Xarfo, Bacaadweyn, Gaalkacyo, Beyra, Bursaalax, Riig-oomane, Qansaxle iyo Galdogob. Mar kalena waxaan booqday magaalada Buuhoodle oo markii ugu horeysye ii ahayd. Waxaan kale oo booqday, kuna hoyday magalada Carmo ee gobolka Bari. Mar aan fogayna Rabbi wuxuu ii sahlay inaan soc

Ninku waa i dilaye ii qabta!

Salaadda duhur ayaan ku jirnay. Waxaan safafka naga dambeeya ka maqalnay: war ninku waa i dilay, war ninka ii qabta, qabo, ka qaad toorayda iyo bulaan qaybtii dambe ee masjidka qabsaday. Goortii salaada laga b axay ee dibada loo soo baxay waxaan ugu imid lix war oo ku saabsan wixii dhacay, kana midaysan inuu ninka oo rukuucsan toorray ku dhaabay! laakiin lix sababood oo kala duwan baa la wariyey. Mobile fiican buu watey oo ka qaadan rabey, kabaha ayuu ka qaatay. Aad baa arrinta looga naxay, loola yaabay oo loo qaadaa-dhigay, waxayna noqotay ma arag, ma maqal, mana la iiga sheekayn ama sheeko iyo shaahid midna kuma arag. Waliba berigaas cidina ma sheegan inay ka dambayso falka masjidka ka dhacay, dadweynuhuna kuma faallayn ninka la dhaawacay inuu ahaa MURTAD ama JAAJUUS ama uu JIHAADKA kasoo horjeedo midna, mana jirin haba yaraatee cid u qiil-bixisay toorrayda lagu dhuftay nin Ilaahay u rukuucsan. Arrintii yaabka iyo amakaaga ahayd waxaa lagaga biskooday ninku waa waalnaa, mana jirin