Skip to main content

Posts

Showing posts from November, 2013

Telefoonkayga waa la dhagaysanayaa!

Gabar baa telefoonka usoo dirtay, waxayna ku tiri: fadlan ma is baran karnaa?. Wuxuu yiri: telefoobkayga waa la dhagaysanayaa, waana la qorayaa hadalka oo dhan. Waxay weydiisay yaa dhagaysanaya?. Wuxuu ku yiri: Ilaahay baa waxa aan ku hadlaynoo dhan og, waana la qorayaa!. Gabadhii jawaabtaas waxay ku noqotay wax aysan filayn, waligeedna ka fakarin. Gabadhaas iyo dadka la nooca ah waxaa dareen weyn galin lahaa in la yiraahdo qalab hadalka duubaya ayaa ku rakiban ama xarunta ayaa lagala socdaa laakiin in xagga Rabbi lagala socdo xisaabta kuma darsan. Ka warama h addii wiilasheena iyo gabdheheenu wiilkaas oo kale wada noqdaan?. Waa hubaal haddii dhalinyaradeenu sidaas oo kale u fakati lahaayeen in bulshada Soomaaliyeed ay noqon lahayd si ka duwan sida ay hadda tahay ee qof walbow ka qaybqaado sidii aynu heerkaas u gaari lahayn yar iyo wayn, rag iyo dumar, madax iyo majo, hodon iyo faqiir, miyi iyo magaalo.

Colaadda labada Shabeelle maxay cuskantahay?

1- Hadday qabyaalad tahay Soomaalidu sow dagaal qabyaaladeed kama soo daalin oo mirihiisa ma wada arag mise goboladaan waa u kow?. 2- Maleeshiyooyin hadday tahay sow dowladnimo looma guurin waa maxay ciidan dowladeed oo amar la'aan dagaal galaya oo kasii darane isagii is laynaya mise cid kale oo dowlada ciidankeeda la xukunta ayaa jirta? 3- Hadday siya asad tahay sow laguma xalin karo golayaasha dowlada ama wadahadal iyo garnaqsi dhexmara cidda siyaasadahaas isku haysa? 4- Dagaalka ma cid dowlada Soomaaliyeed ka awood roon oo aysan ka hor-imaan karin ayaa wada? Ugu dambayn Soomaali dowlad ahaan iyo shacab ahaanba waxay xoog saartay dhismaha iyo maalgashiga goboladaan. Burburkii dowlada ka dibna si is daba joog ah ayaa colaado uga taagnaayeen, markii muddo la joogana shacabka qayb ka mid ah ayaa laga qixinayey, haddana arrintu waxay ku socotaa in colaadaha lasii wado magacay doonto haloo bixiyee ilaa labada jifo ee ugu dambaysa isku dhamaadaan haddii aan la dabaqaban. Haddaba si da

Maalin taajir!

Markiiba waxaa kugu soo dhacaysa nin jawaano lacag ah hal maalin helay oo sidaas hodon ku noqday laakiin siyaabo kale oo hal maalin loogu hodmana waa jiraan, waxaana ka mid ah: 1- Nin habowsanaa oo Ilaahay towbada iyo toosnaanta waafajiyey oo go'aan uu maalin qaatay darti noloshiisu 100% jihada kale u jeensatay oo intaa ka dib noqday nin wixii xumaan ahaa xalay dhalay ka ah. 2- N in haba toosnaadee wado caadi ah hayey oo ay hal mar u iftiintay wadadii cilmigu oo isna jihada kale u jeestay, xilligaas ka dibna noqday nin ku socda wadada jannada. 3- Nin xoolo haystay oo ku mashquulsanaa kobcintooda, kaydintooda iyo tirintooda, ka dibna damiirkiisu hal mar toosay oo baahi weyn oo muslimiinta ku habsatay ka jawaabay, sidaasna ku noqday maalin taajir; waayo Ilaahay wuxuu ajarka sadaqada laalaabaa 100/1000 - 100/70,000 iyo kasii badan. In kasta oo magaca maalin taajir ah si xun u baxay haddana taasi ma diidayso in maalin taajirnimo wanaagsani jidho ee ragow ha la isku dayo in ninba s

Ma dhimane dhalmo ayaan ka qaaday!

Oday ma dhale ah ayuu ahaa. Waran bay kala daaleen, mayd ahaana waa uga tageen. Beri dambe ayay arkeen isagii oo soconaya!. War hebel miyaanad berigii dhiman?. War ma dhimane dhalmo ayaanba ka qaaday oo malaha xidido awal i xirnaa ayaa warmihii ii fureen ayuu ugu jawaabay!. Nin Sheekh ah oo gaaladu nafta u keentay ayaa Al-shabaab cay iyo hanjabaad isugu dareen , mareegohoodana waxay soo galiyeen sawiradiisa iyo wax ka sheegiisa!. Mar aan sheekha is aragnay buu nooga sheekeeyey dhibta gaaladu ku haysey iyo sida caydii Al-shabaab faraj ugu noqotay oo wuxuu yiri: waxaan ku iri: nimanyohow idinkuna Shabaabnimo iyo Qaacidonimo ayaad ii haystaan, iyaguna inaan gaalo u shaqeeyo ayay igu caayayaan ee see idinka yeelnaa?. Kolkaas ayuu nooga sheekeeyey qisada ninkaan mayd ahaanta looga tagey oo dhashii ugu furantay!. Wuxuu yiri Al-shabaab inay dhib ii geystaan bay doonayeen laakiin si aysan filayn bay ii anffeceen. Waxaan is iri: markii uu xaqa ku adkaystay baa labadii balo is buriyeen oo Rabbi

Haddaan lix kun haysto maanba soo dago!

Wuxuu goostay inuu dhoofo, dabadeedna wuxuu u tagay markab furdada taagan, wuxuuna ku yiri: waxaan doonayaa inaan dhoofo, iyaguna waxay u sheegeen in lix kun oo shilin laga doonayo. Wuxuu ku jawaabay oo haddaan lix kun haysto maanba soo dago!. Wuxuu uga jeedaa haddaan lix kun heli karo nin hodon ah oo dibada kasoo dagay ayaanba noqon lahaaye miyaan sii dhoofi lahaa!. Ninkan Soomaaliyeed ee reer miyiga ah wuxuu garanayey sababta loo dhoofayo inay tahay in lasoo shaqaysto, dababdeedna dib loola soo noqdo wixii aad soo shaqaysatay. Dhinac kale wuxuu garanayaa in aanay meesha ku jirin nin xoolo wanaagsan haysta inuu dhoofo ee ay tahay inuu xoolahaas dalkiisa ku maalgashado. Waxaan kale oo ka fahmayaa haddii aad qurbaha ujeeddadaadii ka gaartid in loo baahanyahay in ummadda loo soo celiyo maalka lasoo kasbay oo ay ka faa'iidaysato ee aan lagu kobcin dhul shisheeye oo xoolahaas iyagu dantooda uga faa'iidaysta; waayo maalkaaga marka aad dalkaaga uga shaqaysataid dadkaagu waxay

Tolow qofkan dhineceen raacinaa?

Diyaarada ayaa la fuulayey. Inankii rarayey wuxuu yiri: raggu xaggan ha safteen, dumarkuna dhinaca kale. Waxaa soo haray qof xiran surweel jiinis ah, shaati gacma-gaab ah, caato ah, timuhuna u jaranyihiin laakiin ay ka muuqato calaamad ka mida calaamada dumarka!. Kolkii dadkii kala bexeen buu yiri: waar qofkan muxuu ahaa?, waar tolow dhineceen raacinaa?. Hadalkii sa iyo fara-taagtaagiisa ayaa keenay in dadkuba qofkii wada eegaan!!. Yaab bay ahayd in gabar Soomaaliyeed laga helo calaamado badan oo kuwii ragga ah iyo hal calaamad oo tii dumarka ah. Waxaa kale oo yaab ah in aan inanta si munaasib ah loogu sheegin in aanay sidaan ku habboonayn (ugu yaraan munaasabadaas). Waxaa yaab kale ah faduusha inanka diyaarada rarayey oo inantii faduuliyey isaga oo aan u faa'iidayn, iyadiina laga yaabo inuu dadkeedii iyo dalkeedii kusii diray. Inantu gabarnimada waxbay ku tari lahayd ee waxaa isweydiin leh hadday gabarnimadii ka baydhay tolow miyay wiilnimo wax inoogu taraysaa?. Gabagabadii inant

Gabadha guurku ka daahay maxaa la gudboon?

Guurku wuxuu ka mid yahay baahiyaha adduun ee ugu muhiimsan ee aadanaha gaar ahaan gabdhaha oo bulshadu siyaabo kala duwan u eegto. Wacdi, talooyin iyo wacyigalin dhaxalgal ah ayaa qormadaan ku jira ee si dagan rag iyo dumarba haloo dhuuxo, hana loo dhaqangaliyo. الحمد لله غياث المستغيثين، وأمان الخائفين، ورجاء المحرومين، وسلوى المحزونين، وصلى الله وسلَّم على قائد الغر المحجَّلين، وعلى آله وصحبه أجمعين، أما بعد: وعليكم السلام ورحمة الله وبركاته، تأمَّلْتُ رسالتك، عايشتُها، أدركتُ ما فيها من آلام وآمال، من أحلام وأغلال، من ضيق الحرمان وألمه، وأَلَقِ الإيمان وبَرده، وما بين هذا وذاك من نفث الشيطان ونزغاته، وهُتاف مُنادي الإيمان ودعواته.. فهنيئاً  لكِ يا ابنة الكرام الأماجد لباس العِفَّة وجلبابها، وهنيئاً لكِ يا ابنة الأصول حياة الستر ونعيمها، وهنيئاً لك يا فتاة الإسلام أنوار التُقى وأجورها. من شرف العفة لا كان لي في غيرها قسمٌ ولا رزق، أنك إن رحت لها مؤثراً  أحبّك الخالق والخلق.. أختنا المؤمنة: الجنّة؛ تلكَ الدار التي تنافس فيها المتنافسون، وإليها شمر العاملون، ولها شخص المؤمنون،

Gabdhow oohintiinu orgiga ka weyn!

Soomaalidu waa dad aad wax isu tara oo is xiriiriya laakiin dhinaca dareenka iyo muujintiisaba way ku liitaan, taas oo qarinaysa wixii maaddiga ahaa ee la isu taray. Waxaa la moodaa wax ceeb ah oo aan wiil iyo gabar midna ku habboonayn. Qofka lagu arkana wuxuu u muuqanayaa qof jilicsan. Hadalka qallafsan, naanaysaha fooshaxun, hadalka la isku qalloociyo waa noo c raganimo iyo ad-adayg loo baahanyahay ah. Labada is qaba wa inay isugu yeeraan heedhe iwm. Markii midkood kan kale ka hadlayana ay is dhahaan kii iyo tii; waayo inay magacyadooda isugu yeeraan baa nuqsaan noqonaysa. Wiilka ama gabadhu inay cabbiraan ama muujiyaan jacaylka ay isu qabaan waa khatar weyn, waliba gabadhaa sii daran. Haddii uu ka dhinto inay oydo ama laga arko murugo ma sahlana. Waxay ka sheekeeyaan gabar saygii ka dhintay oo dhaqanku u diiday inay dareenkeeda muujiso. Maalintii dambe ayaa orgi yar ka dhintay. Gabadhii si ay gacalkeedii ugu oydo ayay orgiga ugu gabbatay oo la aamusin waayey!. Ka dib waxaa la yir

Gabadheena markii ninku ka dhinto waa sidee dareenkeenu?

Muslimku guud ahaan wuu la xanuunsadaa geerida muslimka ku dhacda gaar ahaan waalidku wuu la xanuunsadaa geerida gabadhiisa haleesha laakiin waxaan ka xanuun yarayn geerida ku timaada saygeedii ay jeclayd oo u ahaa ilqabowsiga ee ay nolosheeda oo dhan isaga ku salaysay. Xanuunku intaa wuu kasii badanyahay haddii geeridu kadis ahayd iyo haddii gabadha ninkeedu nin wanaagsan ahaa. Waalidku wuxuu la murgayaa murugta gabadhiisa haysata iyo saamaynta geeridaani ku yeelan karto gabadhiisa caafimaadkeeda, moralkeeda iyo mustaqbalkeedaba. Waxaa iyana naxdinta iyo xanuunka geeridiisa waalidka kusii xanuujinaya markuu ilmo yar yar ka tago. Haddii aanu xoolo iyo qoys ku filan uga tagina kaba sii daran. Innagu (Soomaali) xagga caadiafada iyo naxariista kuma fiicnin, inta badana dareenka qofka gaar ahaan marka uu marayo xaalado gaar ah ma tixgalino. Qofkii naxariis iyo tixgalinba sameeyana ma cabbiro dareenkiisa, mana muujiyo ee waxaynu ku kaaftoonaa dhinaca maaddiga ah, sida: gabadha agoon

Warbixin ay soo direen gurmadkii laga diray Garoowe

Sheekh Muktaar Axmed Faarax oo hoggaaminayey gurmadkii Mu'assasada Al-minhaaj ee dacwada iyo Horumarintu ay ka dirtay magaalada Garoowe ayaa warbixintaan kasoo diray xalay isaga oo sii ma raya deegaanka Xoola-keen ee gobolka Nugaal, wuxuuna sheegay: 1. In uusan weli gaarin meelihii ugu darnaa oo aadka looga dayrinaayey. 2. In uu la kulmay dhul aan ka dhib yarayn aagaga uu usocdo. 3. In degsiimoooyinka uu ilaa shalay dhex maraayey ay dhibaato wayn ka muuqato isagoo sheegay in ay isugu jiraan dad cayroobay gebi ahaanba iyo dad labo neef u yartay iyo kuwa toban neef u hartay iyo kuwa waxaan dhaamin ay u hartay. 4. Dadku macaluul ayey u dhamaanayaan oo xataa kuwa xoogaayadu u hareen irmaankii waa ka dhamaadeen waxa haray waa xoolihii gurranaa, raashinna warkiisaba daa. 5. Wuxuu kale oo sheegay shekh mukhtaar axmed faarax, in wixii ay wadeen oo ay ugu talo galeen in ay dadka u qaybiyaan ka dhowdhowdahay sidaas darted si dhaqso ah in xoolo naloola soo gaaro weeye ayuu yiri. 6. Ugu dam

Maraakiibtu hawdka miyay kusoo xirataa?

Wuxuu ahaa siyaasiga beesha. Wuxuu balanqaaday inuu tolka wax weyn u qabto. Maalinba sheeko hor leh buu u saaraa. Iyaguna hadba tan cusub bay la boodaan, tii horena isma weydiiyaan. Wuxuu maalinba mowjad u saaraba maalinkii dambe wuxuu ku wargaliyey in markab waxyaabo badan sida soo socdo, loona baahanyahay in dhirta laga baneeyo meeshii markabku kusoo xiran lahaa. Ogow waa hawd jiq ah. Wuxuu ogaaday in aysan marna ku oranayn waxaan suurtagal maaha ama beenta naga daa; sidaa darteed wax walba wuu kula dhiiranayaa. Maxaa hoggaamiyuhu tolka sidaan ugu galayaa?. Maalkooda iyo wiilashooda ayuu sheekooyinkaas ku qaadanayaa. Dadkuna sheeko lala marqaamo haddaanloo sheegin wax weyn bixin mayaan.

Eeddo ninka inanta iga guursaday waa noocaas maaska ah!

Dadku waxay kala leeyihiin midabo, muuqaalo, mabaadi’ iyo mawaaqif lagu kala sooco. Nin walbana waxaa la gartaa waxa uu xambaarsan yahay ee ah diin, dhaqan, afkaar iwm, halkaas ayaana loogu soo hagaagaa laakiin waxaa jira dad aan lahayn midab iyo dhadhan loogu soo hagaago midna ee maalin walba xidha shaatiga suuqa yaal ama nin walba la qaata midabka iyo muuqaalka uu leeyahay sida jirjirroolihii. Tilmaanta noocaan ah waxay tusisaa xumaan iyo liidnimo qarsoon oo lagu dado hadba dahaarkii ama daboolkii la is leeyahay kanaa qarin kara. Xumaantaas waxay noqon kadhaa tan u liidata oo ah munaafiqnimo oo ah inuu qofku mabda’ gaalnimo ah qalbiga ku haysto, islaamnimana muujisto. Waxay kale oo noqon kadhaa shakhsiyad xumo ku keenaysa inuu cid walba u nacamleeyo ama waxay noqon kadhaa hunguri aan wax xukumi kara jirin wuxuu liqayo maahee ama fulaynimo naftu ka bixi rabto oo meeshii mawd ama asbaabtiisu ka dhawdahayba uu nacam iyo isu ekeysiin isaga gudbayo. Hooyo Soomaaliyeed la wey

Waar geelna ha noo soo dhicininee cawradiina naga qarsada!

Dad badan baa u labista inay xuquuq maqan ummadda u soo celiyaan am xaq la daboolay daaha ka qaadaan ama baadil la qurxiyey marada ka feydaan. Kolka hore qasadku waa fiicnaa, rajada in wax la qabtana ma xumayn laakiin markii goobta loo daadago ayay soo shaac baxdaa nin walba wixii uu xambaarsanaa iyo sidii uu daacada ugu ahaa, awooddiisa   dhabta ah siday ahayd, inta uu loolan adag u adkaysan karo, inta uu doonista naftiisa iyo shaydaan hor istaagi karo. Dadkaas intay ceebo muuqda astura islahaayeen ayaa iyaga cawradoodu bannaanka timaadaa ama ceebtay asturayeen ceebo kale kusoo kordhiyaan. Ragguna waa sii kala indha-adagyahaye qaar baa cawradooda ceeb la'aan u muujiyo ama ku dooda halka uu maanta joogaba inay tahay halkii loo socday ama waji diir ma xishoode ah ayuu usii dallacaayoo wuxuu duritaan iyo dicaayad ku furaa ahdaaftii uu awal hirgalinteeda u hawlgalay. Ninkaas wuxuu noqon karaa wadaad khayr jecel ama nin wadani ah oo loolanka siyaasada u galay inuu diinta iyo ummadd

Ninkii xubnaha is jaray!

Qofka aadanaha ah wuxuu ka kooban yahay seddex quwadood oo kala ah: awooda jirka, tan caqliga iyo mida ruuxa. Seddexda awoodood way isdhamaystiraan. Haddii mid hawlgab noqotana inta kale si buuxda ayay u saamaynays aa. Dhinac kale jirka laftiisa ayaa ka kooban xubno isdhamaystiraya oo kii hawlgab noqda ama nusqaani ku dhacdo wuxuu saamaynayaa shaqada iyo waxqabadka xubnaha kale ee jirka. Si qofku u noqdo mid dhamaystiran ama uu u guto xilkiisa waa inuu ilaaliyo awoodahaas aan soo sheegnay iyo qaybaha ay usii kala baxayaanba. Maxay kula tahay haddii awoodda jirku hawlgabto oo qofku sariir ku aruuro ama dhaqaaqiisa iyo waxqabadkiisu koobmo?. Waa hubaal inay dhib tahay laakiin ka waran haddii qofka laftiisu xubnihiisa hadba qayb iska jaro isaga oo ay la tahay inuu horumar samaynayo ama guulo usoo hoyinayo naftiisa?. Ka waran haddii uu dadka kale ugu faano inuu xubnihiisa qayb iska jaray?. Kasii darane ka waran haddii bulshada oo dhan ama badankeedu isugu faanto anaa kaa xubna jaris bad

Eed la'aan dheh!

Ma tukade ayuu ahaa. Tuulada ayuu saaka aaday. Wadaad salaadda ka hadlaya ayuu maqlay: salaadda marna la iskama dayn karo. Haddii salaadda laga tago waa dambi weyn. Wuxuu go'aansaday inuu hadda ka dib tukado. galabtii ayu u carraabay. Naa weysa isii salaadda la iskama dayn karaa la yiriye. Say tiri: biyo ma leh. Wuxuu ku jawaabay: haddaba eed la'aan dheh!. Nin caamo ah buu kaasi ahaa, inkastoo aan nin muslin ah oo dhul muslin ku dhashay kuna koray loogu cududaarayn salaada waajibnimadeeda ma ogi haddana koley waa uun caamo oo inuu u qaato haddii weyso la waayo inaan salaad la iska rabin wax aad u fog maaha laakiin waxaa yaab leh: 1- rag xaqa garanaya oo markii xaalku adkaado dan uga baxa ku baaqida xaqa iyagoo sida caamaygaas dhahaya: eed la'aan dheh. 2- niman samaha fara, xumahana reeba oo markii dadku dhinaca xuma raacista iyo sama ka tagida u bato iyaguna yiraahda: eed la'aan dheh. 3- dhibta iyo burburka ummadda haysta arkaya oo si nuxuusa u yiraahda:

Heblaayo ha is caayin!

Maxay kula tahay wiil ama gabar weyn oo aan waali iyo caqligaabni midna lagu ogayn oo har iyo habeen isagu/iyadu cay isku wada?. Waliba isla quman oo u qaba inuu/inay cayda naftiisa/nafteeda cid kale ku dhibayo/dhiba yso. Dhinac kale Sidee u aragtaa dadka ninkaas qaraabadiisa ah ama asxaabtiisa ah ee ka dhagaysanaya caydaas oo waliba usii camiraya ama kala qaybgalaya?. Ma tolbaa, ma saaxiibaa?, ma waxbay u tareen mise waxbay u dhimeen?. Ilaahay baa Qur'aanka wuxuu ku yiri: "nafihiina ha caayina". Culumadu waxay dheheen loogama jeedo qof walbow adigu ha is caayin ee waxaa laga wadaa walaalkaa muslinka ah ha caayin. Qofkii walaalkiis muslin ah caaya wuxuu la mid yahay qof naftiisa caayey; waayo muslimiintu waa isku hal naf oo kale, waana isku hal jir oo kale. Haddii aad awal la yaabanayd inankaas ama inantaas ama aad la cajabtay ehelka iyo asxaabta sii lugoynaya ee ku caawinaya cayda naftooda waxaad kale oo la yaabtaa ninka ama haweeneyda har iyo habeen u taagan inay caa

Nin walaalki cadow u maleeyey oo diley!

Goobaha colaaddu ka taagantahay nin walba digtooni ayuu ku joogaa gaar ahaan habeenkii iyo xilliyada la isu soo dhuuman karo; sidaa darteed waardiye ayaa la iska qabtaa laakiin ragga cabsanaya hadday  tiro yar yihiin ama ay joogaan meel aan cadowgu ku ogayn iyaga oo digtooni qaba ayay waardiye la'aan seexdaan. Kolkaas waxaa dhacda in nin ragga ka mid ah kaadi u koco iyada oo ragga kale hurdaan. Mararka qaarkood waxaa dhacda marka ninkaasi dib usoo laabto in raggii klale nin ka mid ah uu ku tooso sharqantiisa oo uu u qaato cadow dalaq usoo yiri, ka dibna uu xabbadda kala hormaro oo meesha ku dilo!. Arrinta noocaan oo kale ah aad bay u naxdin iyo xanuun badantahay. Ninka falkaas sameeyey, ciidanka la socda iyo dadkay ka dhasheena uur-kutaallo ayay ku noqotaa; waayo wuxuu gacantiisa isaga dilay walaalkiis oo u ahaa garab iyo gaashaan oo arrintu waa kaa dhimay oo kugu dhimay. Wuxuu waayayaa hiilkii iyo waxqabadkii uu ku qabey, dhinac kalena waxaa kusoo fakanaya culayskii uu kaga aa