Skip to main content

Posts

Showing posts from October, 2013

Wax Soomaali yaa arkay?

Dad iyo dal aanu aqoon markuu yimaado cidda ugu horaysa ee uu la kulmo salaan ka dib wuxuu weydiiyaa wax Soomaali ah ma joogaan?. Jawaabtaas hadalka xigana w aa igu raadi meel Soomaali joogto. Haddii dhib qabsado ama uu wax garan waayo hadalka u horreeya waa yaa Soomaali arkay?. Xilligaas isaga Soomaali waa u il iyo aragti. Ishuu ku dhuftana qabiilkee tahay ma jirtee waa soomaali ma tahay, haahdana waxaa ku xiga dhibkaas baa i haysta iyo qoladaan igala hadal!. Alla Soomaalidu soomaali jecelaa oo ku kalsoonaa oo u daacadsanaa!!! Gabar si xun u labisan, wiil meel xun maraya, muuqaal aan wacnayn oo magaca Soomaali lagu lamaaniyay way ka wada murugoon, wayna ka wada caroon. Haday gartaan qabiilka ama gobolka uu kasoo jeedo qofkaas xun ama ficilka xun sameyey ee magac xumada usoo jiiday way wada haaraamaan oo waxay ku hadaaqaan kuwaasaa magacii soomaaliyeed dilay!. Kolkii mid soomaali ah magac fiican soo hoyiyo ama tartan ummado kale ku guulaysto way wada farxayaan, wayn

Dardaarankii Shariif C/nuur

Kolkii lagu yiri: Sheekh noo dardaaran wuxuu yiri: Ilaahay wuxuu ina siiyey diintii ugu fiicnayd, wuxuuna inoo soo diray rasuulkii ugu fadliga badnaa ee qabsada diintaas. Wuxuu yiri: diintu waa kitaabka (Qur'aa n), sunnaha (axaadiis) iyo Ijmaaca ( masalada culumadu isku raacaan). Wuxuu yiri: dagaalka muslimiinta u dhexeeya ha la iska ilaaliyo. Wuxuu yiri: Sh. C/naasir ma garanaysaan?. Waxaan ku niri: haa, wuxuu yiri: xaggee joogaa?. Waxaanu ugu jawaabnay Laascaanood. Wuxuu yiri aada oo cilmiga ka barta. Hadalka kooban ee sheekhu wuxuu ka koobnaa: 1- diinta oo dadka la jeclaysiiyo, loona sheego qiimaha ay leedahay 2- dadka in lagu boorriyo qabsashada diinta iyo barashadeeda, waana dardaarankii nabigeena: "waxaan diinka tagey wax haddaad qabsataan aydnaan gadaashay lumayn: kitaabka Alle iyo Sunnadayda" 3- in dadka loo sheego waxa diinta ah si aysan wax walba diin ugu malayn. 4- in muslimiinta looga digo colaadda sokeeye oo dhaawacaysa walaalnimadooda iyo midnimadooda, ca

Aniga iyo odayaashii ila yaabay!

Maqaaxi ku taal xaafada Caziiziya Januubiya ee magaalada Makka ayaan shaah ka cabnay aniga iyo Eng. Axmed C/qaadir. Waxaa nala soo fariistay labo oday oo da' ah, diin iyo wanaagna ka muuqdo. Markiiba is bar asho iyo iswaraysi degdeg ah baa na dhexmaray. Anagu Soomaali baan nahay. Dadkayagu waa wada muslimiin. Diin kale iyo firqo aan Ehlu-sunna ahayn kama jirto, Alxamdu lillaah. Waa maxay kuwaan dadka laaya ee Shabaab?. Waxaan ku jawaabnay gaalo maaha ee waa muslin qalloocan!. Oo maad la hadashaan oo ummadda ka celisaan?. Waa lala hadlay oo la wacdiyey oo la baryay oo waxaad rabtaan sheegta la yiri, garowshiiyana lagama helin!. Haddii dadkiinu wada muslin yahay mushkiladaan waqtiga dheer socotay maad xal u raadisaan?. Soo culumo iyo waxgarad ma lihidin?. Waa hadal gar ah oo meel loo dhaafo aan lahayn. Dadaalo badan baa la sameeyey, walina waa socdaan baan dhaafi waayey. Ka dib kaligay baa isweydiiyey mala hubaa in culumada iyo samajeclaha soomaaliyeed awooddooda isugu geeyeen si

Booqashadii Sh. Shariif C/nuur

Xalay baan Sheekh Shariif C/nuur Shariif Xasan (Alle ha xafidee) ku booqanay gurigiisa oo ku yaal xaafadda Qasaala ee magaalada Makka Almukarrama. Sheekha muuqaalkiisu wuu qurxoonaa, furfurnaan iyo farxadna way ka muuqatay. Intii muddo ah xusuusta dadka kuma fiicnayn oo dhowrkii qofba mid  ama labo ayuu xusuusanayey laakiin Ilaahay fadligi wixii cilmi ah kama gadmanayaan. Haa oo hadalka xiriirka ah marar badan wuu dhibayaa. Shariif Maxamed Shariif C/nuur oo isagu Sheekha la jooga ayaa noo sheegay in xilliga qabowga ah caafimaadkiisu soo fiicnaado. Inta aan la fadhinay mar uu na waraysanayo ama wax la weydiinayo maahee masalooyin cilmi ah iyo xog diinta ku saabsan ayuu midba mar ka hadlayey. Waxaa ka mid ahaa xadiiskii bilaabashada waxyiga ee dheeraa oo uu afsoomaali ahaan noogu dulmaray. Waxaa yaab lahaa markaan usoo galnay inuu kitaabka Mukhtasar Al-bukhaari gacanta ku haystay. Waa dhaqankii qof kasta oo Shariif bartay uu ku yaqaanay inuu kitaab haysto mar kasta oo aad kul

Shiikh aayaddaas in sideeda loo daayo waxay ku dhaanto lama arko!

Sheekha oo sharxaya aayad ka hadlaysa in aan guryaha idan la'aan lasoo galin ayuu dhagaystay. Markiiba wuxuu la soo booday: "Shiikh aayadaan in sidaa loo daayo waxay ku dhaa nto ma leh; waayo aniga oo maalin gurigayga ku jira oo xaaskayga wax u doontay ayaa mid daahii iska qaaday oo intuu soo galay yiri war maxaa lagu soo hargalay?!!". Ninkaan caamada ah wuxuu fahmaya ahmiyada ay leedahay ku dhaqanka aayadda uu isagu arkay dhibaatada ka dhalanaysa khilaafideeda laakiin waxaa aayaddaan la mid ah dhamaan aayadaha Qur'aanka iyo axaadiista nabiga scw; waayo wax walba oo Rabbi iyo Rasuul inooga yimaada raacidoodu waa khayr baraxla' , khilaafkooduna waa shar soocan. Haddaba muslimiinta (rag iyo dumar, yar iyo weyn, madax iyo majo, miyi iyo magaalo, qani iyo faqiir) waxaa la gudboon inay ku dadaalaan diinta barashadeeda, ku dhaqankeeda, faafinteeda iyo difaaceeda, lana ogaado in hal aayad ama hal xadiis oo la khilaafo ay ka dhalan karto ciqaab weyn oo xagga Alle ka ti

Xaajiyad indha-beeshay oo reer Tuunis ah oo maalintii Carafa Rabbi araggeedii usoo celiyey

Xaajiyad Nafiisa Alqarmaazii oo toddobaatan jir ah, sanad iyo bar ka horna indha-beeshay ayaa markay sujuudday maalintii Carafa aragtay midabada kha ymadii ay daganayd iyo dumarkii ag fadhiyey wajiyadooda. Xaajiyada oo kalsooni ku qabtay in Rabbigeed aragga usoo celin doono ka dib markay timid dhulka barakaysan ayaa Alle ducadeedii u aqbalay. Qisada oo faahfaahsan ka akhri Bogga Aljazeera.net: http://www.aljazeera.net/news/pages/c1a97237-09f9-4c5a-8410-62d8a280baeb

Mucaarad

Waa erey loo isticmaalo qof ama koox kasoo horjeedda fikrad ama ficil ama nidaam jira, isla markaasna xambaarsan ama ku baaqaysa waxay diidayso wax kasoo horjeeda. Caqliga, cilmiga iyo caadaduba waxay keenayaan in qofka ama kooxdu caddayso waxa ay diidantahay sababtay u diiday iyo waxa ay ku baaqayso sababta ay ugu baaqayso, dabcan wixii daliil iyo caddayn ahna ay soo bandhigto. Intaa  ka dib waxaa jira mucaarad nooc kale ah. Waa nin ama koox shaqadeedu tahay inay isku mar mucaarado fikrada iyo lidkeedaba (fikrada taas kasoo horjeeda) ama qofka iyo kan kazoo horjeeda. Waxay kooxdaas ka ambaqaadaysaa inay dhib u geysato qofka ama kooxda ay kasoo horjeedo, isla markaasna waxay arrintaas u adeegsanaysaa wax kasta oo ay ku dhibi karto. Mucaaradnimada noocaan ah waxaa tusaale u noqon kara dadka wax qora qaarkood oo xirta (labista) hadba shaatiga uu dhibta ku gaysan karo. Kolka uu faallaynayo cidda uu kasoo horjeedo fikraddeeda ama qoraalkeeda mar wuxuu gashanayaa shaati qabiil, marna shaat