Skip to main content

Mucaarad

Waa erey loo isticmaalo qof ama koox kasoo horjeedda fikrad ama ficil ama nidaam jira, isla markaasna xambaarsan ama ku baaqaysa waxay diidayso wax kasoo horjeeda.

Caqliga, cilmiga iyo caadaduba waxay keenayaan in qofka ama kooxdu caddayso waxa ay diidantahay sababtay u diiday iyo waxa ay ku baaqayso sababta ay ugu baaqayso, dabcan wixii daliil iyo caddayn ahna ay soo bandhigto.

Intaa ka dib waxaa jira mucaarad nooc kale ah. Waa nin ama koox shaqadeedu tahay inay isku mar mucaarado fikrada iyo lidkeedaba (fikrada taas kasoo horjeeda) ama qofka iyo kan kazoo horjeeda. Waxay kooxdaas ka ambaqaadaysaa inay dhib u geysato qofka ama kooxda ay kasoo horjeedo, isla markaasna waxay arrintaas u adeegsanaysaa wax kasta oo ay ku dhibi karto.

Mucaaradnimada noocaan ah waxaa tusaale u noqon kara dadka wax qora qaarkood oo xirta (labista) hadba shaatiga uu dhibta ku gaysan karo. Kolka uu faallaynayo cidda uu kasoo horjeedo fikraddeeda ama qoraalkeeda mar wuxuu gashanayaa shaati qabiil, marna shaati diimeed, marna shaati ummadeed (somalinimo).

Qoraalka uu kasoo horjeedo wuxuu ku durayaa: jihaadka ayaa laga soo horjeedaa!, dabcan waa markii la yiraahdo yaan muslimiinta la layn. Mar kale wuxuu oranayaa ummadda ayaa la xasuuqayaa, waana marka lasoo hadalqaado jihaad iwm. Mar kale wuxuu oranayaa qabiil hebel baa loo jeedaa. Ninkaas wuxuu awood u leeyahay inuu isku maalin wada mucaarado fikraddaan iyo tan kasoo horjeedda. Ujeeddadu waa mucaarad iyo foolxumayn kaliya. Wax kale haddii uu waayo kuma cusla inuu muqaddasaatka diinta duro; si uu dad ama qof ugu xumeeyo.

Dadkaas qayb ka mid ah sababta ku kalliftay waa noqon kartaa jirro ama dabci qalloocan laakiin waxaa muhiim ah in la ogaado inay jiraan dad intaas noloshoodu ku xirantahay oo usoo shaqo taga. Si aad arrintaas wax badan uga ogaatid akhri qormadii Sheekh Abuuxassaan ee uu ku suntay: "xisbiga konton santi". Wax kalena maahee waa rag hay'adaha sirdoonka kaga mushaar qaata inay qoraal kasta faallo raaciyaan, ayna midkiiba 50 senti ku qaataan.

Inta aan ka bartay calaamadahooda waxaa ka mid ah:

1- mid walba wuxuu leeyahay magacyo badan oo uu kusoo galo bogagga electeronic-ga ah iyo bogagga social media-ha; si uu isugu muujiyo dad farabadan oo fikraddaan la qoray kasoo wada horjeeda.

2- Bogagga ay kusoo galaan badankoodu way cusub yihiin ama wax yar baa ku qoran; waayo waxaa loo samaystay in comment laga soo qoro kaliya.

3- Waxaa yaab leh kuwo ayaa dumar iska dhiga ama magaalo aanu joogin qorta ama lahjad aanu aqoon iska doondoona ama qolo ama koox aanu ka tirsanayn buu magacooda ku hadlaa iwm.

Gabagabadii haddii aad aragtid qoraallo iyo afkaar aad u liidata oo farabadan ha argagaixin ana u qaadan in dadkeenu xunyihiin ee u faham inay waxaas oo dhan magacyo kala duwan ka soo qoreen dhowr qof oo xubno ka ah xisbiga konton santi, sharkoodana Ilaahay ka magangal, list-gaagana ka pan-garee.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!