Skip to main content

Posts

Showing posts from November, 2017

MIDEYNTA UMMADA SOMAALIYEED PART 1 AXMAD CABDULSAMAD

Abshir Bacadle iyo Maxamed Tahaliil .. labo nin oo si gaara iiga dhintay

Abshir Bacadle iyo Maxamed Tahaliil labo nin oo agtayda qiime weyn ka leh ayay ahaayeen, Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu agtiisa ku darajeeyo. Waxaan rajo weyn ka qabey inaan rag ay labadoodu ka mid yihiin isu kaashano walaalaynta bulshada soomaaliyeed iyo salgoynta cuqdadaha iyo kala shakiga dadkeena la dhex dhigay. Sheekh Abwaan Abshir (Alle ha u naxariistee) tii Alle ayaa u timid aniga oo ay igu weyntahay in aan isu helno waqti dheer oo aan arrintaas kaga arrinsanayno. Waxaa samirsiin noo ah aniga iyo dadkeena oo dhan inuu noloshiisii qabtay intii ku aaddanayd waliba annaga oo aan ku caawin, kuna guubaabin. Wuxuu inoo ka tagey dhaxal suugaaneed oo kaalin weyn ka qaadanaysa walaalynta dadkeena iyo ciribtirka qabyaaladda. Maxamed Tahaliil (Alle ha u naxariistee) wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo isku darsaday diin, firfircooni, garasho iyo dadaal badan dhinacyo badan leh. Maxamed tahaliil waxaan u sheegay in aan doonayo in aan dadkeena walaalayno oo isku kalsoo

Saaka dareenkaygu Somaliland buu jiraa

Toddobaadyadii la soo dhaafay dareenkeenu xagga Xamar cadde ayuu u sii jeeday iyo dadkeenii cadaawuhu ku gumaaday laakiin saaka dareenkeenu xaggaa iyo Somaliland buu u sii jeedaa oo waxaa wadnaha farta lagaga hayaa sida doorashadu ku dhammaanayso. Ilaahow sidii khayr ah oo diinta iyo ummadda dan u ah noogu dhammee. Walwalka badan ee dadkeena meelay joogaanba haya maaha ninkee madaxweyne noqon doona ee waa doorashadu si nabad ah ma nagaga dhammaan doontaa?. Haddii doorashadu nabad inoogu dhammaato waxaan rajeynaynaa in aan wax dhib ah oo ka dambeeyaa dhicin. Shaki ma leh in aynu u baahanahay inuu soo boxo madaxweyne wanaagsan oo diinta iyo ummadda waxtaraya ama ugu yaraan aan dhib u geysanayn laakiin waxaynu ka hadlaynaa in aanay inagu dhicin "wax badso wax beel bay leedahay" . Ilaahow nabadgalyo noogu dhammee, inta tartamaysa kan noogu nafci badana noo soo saar.