Skip to main content

Abshir Bacadle iyo Maxamed Tahaliil .. labo nin oo si gaara iiga dhintay

Abshir Bacadle iyo Maxamed Tahaliil labo nin oo agtayda qiime weyn ka leh ayay ahaayeen, Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu agtiisa ku darajeeyo.

Waxaan rajo weyn ka qabey inaan rag ay labadoodu ka mid yihiin isu kaashano walaalaynta bulshada soomaaliyeed iyo salgoynta cuqdadaha iyo kala shakiga dadkeena la dhex dhigay.
Sheekh Abwaan Abshir (Alle ha u naxariistee) tii Alle ayaa u timid aniga oo ay igu weyntahay in aan isu helno waqti dheer oo aan arrintaas kaga arrinsanayno.

Waxaa samirsiin noo ah aniga iyo dadkeena oo dhan inuu noloshiisii qabtay intii ku aaddanayd waliba annaga oo aan ku caawin, kuna guubaabin. Wuxuu inoo ka tagey dhaxal suugaaneed oo kaalin weyn ka qaadanaysa walaalynta dadkeena iyo ciribtirka qabyaaladda.
Maxamed Tahaliil (Alle ha u naxariistee) wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo isku darsaday diin, firfircooni, garasho iyo dadaal badan dhinacyo badan leh.

Maxamed tahaliil waxaan u sheegay in aan doonayo in aan dadkeena walaalayno oo isku kalsooni iyo isjacayl dhex dhigno, waxaana ku iri inoo soo uruuri sheeko-xariirta soomaalida ee ku saabsan qabaa'ilka: si aynu ugu adeegsano daaweynta qabyaaladda.

Isaga oo baaritaankii bilaabay ayaa balo-qabooyinkii ummaddaan loo soo diray ku dileen Ceelasha biyaha isaga oo sooman oo casar soo tukaday. Waxaad mooddaa in lugu yiri soomaali hadba meesha ay u dhimanayso ku dhufta.

Geeridoodu xawaarihii aan ku socday aad bay iiga dhintay, sannada badana waa i dib dhigtay laakiin marna barnaamijkii miskaxdayda kama bixin, haddana waxaa u istaagay rag farabadan oo xul ah oo aan rajeynayo inay dhaqso uga miradhalin doonaan ee Ilaahay asxaabta dhimatayna ha u naxariisto, inta noolna ha xafido, camalkaas weyna ha noo hirgaliyo, mid dartiis loola jeedo oo ajar laga helana ha nooga dhigo.

Abshir iyo Maxamed labaduba albaabo khayr oo badan bay ka shaqayn jireen gaar ahaan Sh. Abshir oo ahaa fure khayr laakiin waxaan hadda isugu lammaaniyey kaalintii aan ka filayey inay ka qaataan biskeynta jirrada qabyaaladda iyo walaalaynta ummadda.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!