Skip to main content

Posts

Showing posts from 2015

هل يوجد في الإسلام صراع بين الرجل والمرأة؟

ليس في الإسلام عداء ولا صراع بين الرجل والمرأة بل يكمل أحدهما الآخر، وفي الأصل خلقت المرأة من ضلع الرجل، فهي جزء  منه وسكن له. وليست المرأة رقيقة للرجل –كما يزعم دعاة تحرير المرأة- حتى تحرر منه وإنما هي شقه الآخر، ولا غنى لأحدهما عن الآخر . ولا يصنف الناس في الإسلام إلى ذكور وإناث إلا في أحكام معدودة وإنما يصنفون إلى مؤمنين وكافرين. وأحق الناس بالرجل امرأة وهي أمه، وأحق الناس بالمرأة رجل وهو زوجها. وأكثر ورثة المرأة –الذين لا يسقطون في الإرث بحال- هم رجال، وهم: زوجها وأبوها وابنها بالإضافة إلى ابنتها وأمها بينما النساء أكثر ورثة الرجل ، وهن: أمه وابنته وزوجته - ولا يسقطن بحال- بالإضافة إلى أبيه وابنه. ولا معنى إذن لدعوى تحرير المرأة؛ لأنها جزء من الرجل ولا غنى لها عنه كما لا يستغني هو عنها. ولبقاء النوع البشري لابد من التزاوج بين الجنسين والترابط الدائم بينهما وإلا انقرضت البشرية. ومن جهة أخرى فإن تصنيف الناس إلى ذكور وإناث، واختلاق صراع بينهما يؤدي إلى معاداة كل الرجال بما فيهم الأنبياء وفي مقدمتهم رسولنا محمد عليه الصلاة والسلام، وموالاة كل النساء بما فيهن الكافرات الفاجر

مشاركة رئيس رابطة المعاهد الشرعية في الصومال عشاء شرف في الجموم بالسعودية

رابطة المعاهد الشرعية في الصومال -ممثلة- برئيسها تشارك عشاء شرف أقيم في محافظة الجموم بمنطقة مكة المكرمة بضيافة د. غازي العتيبي عميد كلية الشريعة بجامعة أم القری وحضور د. خالد القرشي الأستاذ بجامعة أم القرى، ونجله عبد الله بن خالد القرشي . وحضر العشاء كل من الشيخ عبد الرشيد محمد عبده باحير أحد القيادات الدعوية في الصومال ورئيس مؤسسة بناء الإنسان للمؤاخاة ومحاربة التعصب القبلي والشيخ فؤاد محمود حاج نور عضو مجلس أمناء جامعة شرق إفريقيا. كما حضر وفد من القيادات الدعوية في تنزانيا منهم: نائب رئيس الجالية الصومالية في تنزانيا الشيخ محمد محمود عيسی، وأمين عام مركز الهدی في دار السلام الشيخ محمد حسن، ورئيس مدرسة كهاما الاعدادية الشيخ أحمد محمود. وحضر العشاء عدد من أعيان محافظة الجموم وأهاليها. وتلقي الضيوف من الدكاترة المضيفين ومن أهل المحافظة ترحيبا حارا وكرما منقطع النظير وحفاوة بالغة. وبعد تبادل الأخبار الدعوية والتعليمية في الصومال وإفريقيا الشرقية ، والنصائح والتوجيهات المناسبة للمجلس شكر الضيوف للدكتور غازي علی كرم الضيافة وحسن الاستقبال كما شكروا الدكتور خالد القرشي علی اهتما

Balaayo idinku dhacday, been bay noo sheegeen (Qeybta 3aad)

Salaan iyo nabdaadin ka dib gurigii uu u socday ayaa qol laga dajiyey. Isbarashadii qoyska iyo iswaraysigii ka dib waxaa u soo laabtay dumaradii darsika ahaa, waxaana la isbaray ninkii martida ahaa Waliba waxaa loo sheegay qof kasta iyo meesha ay qaraabo ama xidid ka yihiin. Alla aabbihiis baan aqaaney, aniga aabbahay baa magaaladaas askari ka ahaan jirey, anigu anoo inan ah ayaan macallimad ka soo ahaa magaaladaas,  aniga waa reer abtigay, waryaaya kaalaya abtigiin salaama, Alla waan maqli jirey in magaaladaas dad fiican dagaan. Wax yar ka diba salaaddii duhur baa la addimay, masaajidka oo aan ka fogayn ayaana raggii iyo dhaliyaradiiba u dareereen. Kolkii salaadda laga baxay ayaa Sheekhu dadkii wacdiyey, wuxuuna ka hadlay xaaraanimada dulmiga, dilka, boobka iyo qabyaalada, wuxuuna caddeeyey in muslimiintu walaalo wada yihiin, lagana doonayo inay is wada jeclaadaan. Arrintaas waxay ku noqotay yaab; waayo reer hebel in aysan culimo lahayn oo ay wada jirri yihiin ayuu maqli jire
Balaayo idinku dhacday, been bay noo sheegeen (Qeybta 2aad) Intii gaariga la saarnaa miskaxdiisa waxaa isku haystay wixii uu aaminsanaa iyo wanaaga uu dadkaan kala kulmay. Waxaa kale oo ka hor muuqdey sheekooyinkii uu yaraantii maqli jirey ee jiib-siibka iyo qalinshubatada ahaa ee magaalooyinka laga sheegi jirey. Siday doonto ha noqotee gaarigii magaalada ayuu dhinac ka soo galay, dadkiina waxay bilaabeen inay isweydiiyaan xaafadee dagantahay, gaari ma kuu imaanayaa iyo taksi  ma isla kiraysanaa. Dabcan isaga xaafada magaceeda waa loo soo sheegay, nin ay hayb kore wadaagaan oo uusan wajigiisa aqoona wuu ku dagayaa laakiin walwal badan baa ka haya sida xaal noqon doono maadaama ay habeenimo tahay, magaaladana aanu horay u aqoon. Ugu dambayntii rag ay is ag fadhgiyeen ayaa ku yiri: annaga caawa nala hoyo, subaxdiina aan kula raadino xaafadii iyo ninkii aad ku dagi lahayd. Kaaga darane nimanku waa beeshii waligi looga digi jirey laakiin maadaama ay muddo soo rafiiqeen, uuna ka ar

Balaayo idin ku dhacday, been bay noo sheegeen! (Qeybta 1aad)

Waa nin da' kontonaad ku jira. Waligi ma tagin meel ka baxsan deegaanka tolkiis.   Ilaahay wuxuu qadaray inuu u baahdo, una safro deegaan kale. Tan iyo maalintii uu dhashay wuxuu maqlayey beesha halkaas degta inay wixii xun oo dhan la gaar tahay, wanaagana ka qatan tahay. Markii uu go'aansaday inuu deegaankaaas u safro ayaa nin walba u wariyey wixii uu dadka deegaankaas waligi ceebo iyo xumaan ku maqli jirey, aanooyinkii iyo xurgufihii labada reer soo dhexmaray iyo khataraha uu la kulmi karo. Isaga oo dhagabarjaysan oo xilli kasta shar filanaya, cid walbana dhib ka malaysanaya, wax khayr iyo ixsaan ahna aan dadka ka rajeynayn ayuu safarkii soo galay. Kolkii uu gaariga soo fuulayba waar ka durka iyo meel fiican u banneeya ayaa hadal uu maqlo ugu horreeyey. Dabadeed rakaabkii ayaa jidka ku sheekaystay, iskuna haybsaday. Isaga oo walwalaya ayuu sheegay reerka uu ka dhashay iyo deegaanka uu ka yimid. Markiiba nin oday ah baa soo booday oo weydiiyey oo qoladee ka tahay?

Qabri qaali ah iyo geeri ka qaalisan

Soomaaligu geerida lugihiisa kuma doonan jirin ee goortii ajalkiisu dhamaado ayuu iska dhiman jirey marka laga reebo dagaalo ay mar mar galaan. Tan kale geerida lacag kagama bixi jirin ee markii uu naf baxo dadka ugu dhow baa god u faar faari jirey oo si dhib yar ugu asturi jirey. Lacag iyo kharash midna kuma bixi jirin geerida iyo qabriga midna. Dhibta u weyn oo lagala kulmo waxay ahayd baadiyaha ay ku le'daan baa mararka qaarkood biyo la'aan noqon jirey. Kolkii Soomaalidu dibadaha u qaxday gaar ahaan xero-gaalo ayay la kulmeen godadkii ay bilaashka isugu xabaali jireen oo lacag noqday!. Aakhirkii way la qabsadeen oo qabriyadooda iyagaa hadda maalgashada. La dagista gaalada waxaan ka baranay qabri iib ah, waxaase kasii daray waddada dhul-gaalo loo maro oo na bartay geeri lacag lugu bixinayo oo curadyadaadii aad waayeysid adiga oo aan garanayn cid aad u raacatid, kaaga darane ay geeridaas kaaga baxday beeso aad u fara badan. Hayaanka xero-gaalo loo galayo oo naf iyo ma

Naa heblaay adaa darane carar!

Maanta ayuu magaalada aaday, wuxuuna ka soo helay qori kuwa darandooriga u dhaca ah (otomatic) oo ku cusub.  Isaga oo faraxsan buu galab gaabkii qorigii la yimid guriga. Qoyskii xaas iyo carruurba waa lugu soo heentay; si loo wada arko qorigan cusub ee cajaa'ibta leh. Reerkii wuxuu noqday mid qorigii dul taagan, mid hareer fadhiya iyo mid ku soo foorara. Isaga oo farxadda iyo rayraynta reerka la wadaaga ayuu qorigii oo la dul xoonsanyahay farafareeyey. Kolkaas baa qorigii tacshiirad (xabbado fara badan) ka dhacday, isagiina waa ku barkaday oo si uu yeelo ama xabbadda u joojiyo ayuu garan waayey. Waxaa u muuqatay reerkii oo rasaastaasi laysay, wuxuuna si gaara u soo xusuustay gacaladiisii (xaaskii), wuxuuna ku qayliyey: Naa heblaay adaa darane carar!. Mar haddii aanu xabbadaha joojin karin, reerkana khatartu wada haysato meeshii ugu darnayd buu xusuustay oo uu ku sasay, waana xaaskiisa oo meel weyn uga taaley. Argagaxa iyo lexajeclada xaaskiisa ka haysey waxay hilmaansiis

Shirkii haweenka iyo wasiiradda

Wasiiradda ayaa kulan ugu yeertay dumarkii madaxda ahaa iyo kuwii madaxdu qabeen. Mid walba odaygeedii ayay fasax gaaban kasoo qaadatay si ay shirkaas uga soo qaybgasho. Mid walba waxayay jeedinaysaa khudbo kulul oo ay dumarka ku guubaabinayso inay ragga ka xoroobaan oo iska celiyaan, kolkay hadalkeeda dhamaysatana way dusaysaa; si ay odaygeedii iyo gurigeedii u aado mise albaabku waa xiranyahay. Mid kasta inanta sekratariyada ah ayay isku qaad aa: walaalay iga fur, abbaayo wasiiradda ayaa xiratay oo furihii qaadatay!. Mushkilad!.Bal haddaba walaaley telefoon isii aan odaygii la hadlee iyo fadalii (hoo). Mid walba xabiibii iyo cuyuunii ayay hadalka uga bilowdaa iyo inay si raxmad leh uga codsato inuu waqti yar ugu daro. Su'aashu waxay tahay haddii mid walba odaygeeda xabiibsanayso oo uu indha-qabowsi u yahay yay tahay miskiinta odaygeeda iyo reerkeeda ka xorow lugu leeyahay oo la wada dagaalgalinayo!!??.

Xeeladii labadii nin ee reerka ku soo hoyday

Reer bay soo martiyeen iyaga oo labo nin ah. Wuxuu yiri: waryaa reerka ama neefka hilbihiisa ina ka wada sii ama la bada neef caanohooda ina ka wada sii!. Dhaqanku wuxuu ahaa in lagga iyo barida mid loo geeyo martida. Kolkii hilbihii loo keenay ayuu qori dab ah qaatay oo gogoshoodii iyo reerka dhexdoodii hadba dhinac ula socday. Maxaa raadinaysaa?. Cad idinkana idinka yimid annagana aan na soo gaarin ayaan baadigoobayaa. Ninkii inta halhaleel u noqday ayuu cadkii la soo orday oo u keenay. Labadii halaad ee reerka u irmaanayd ayaa mid loo soo lisay. Kolkii gaawihii loo dhiibay buu saaxiibki ku yiri: Hoo, suu yiri mayee adigu dhan, suu yiri: aniga waa la ii soo lisayaaye hoo adigu dhan!. Kolkii uu toobkihii ka fuuqsaday ayuu miskiinkii la noqday oo hashii labaadna kii kale u soo lisay. Halkaas ayay labadii tuug reerkii habeenkii cad iyo caanaba uga qadiyeen iyaga oo ka faa'iidaysanaya gobanimada, xishoodka iyo deeqsinimada qoyskaas Soomaaliyeed. Asxaabtu bal ha faallee

Kulan Cilmiyeed kii kasocday Garowe oo lasoo afmeeray Iyo Darsigii Sh Ax...

Dumarka guryaha dumiya!

Guryihii ayaa si joogto ah u dumaya, kaaga darane qoysaskii ugu qiimaha badnaa rag yo dumarba ayaa burburaya. Waxay noqotay arrin dadkii wareerisay oo tafsiir loo waayey. Ka dib guddi arrintaan soo baara oo ka salgaara ayaa loo xulay. Kulamo badan oo kala gaar gaar ah ayay la yeesheen raggii iyo dumarkii is furay. Guddigii waxay ogaadeen inay jiraan koox dumar ah oo isku  xiran oo u labbistay inay qoysaska kala furaan. Ka dib kooxdii ayay soo heleen, waxayna goosteen inay salgaaraan sababta dumarkaan ku bixisay kala dirka qoysaska. Dood iyo dabagal badan ka dib dumarkii waxay caddeeyeen inay iyagu sharkaan ka dabeeyeen, sababtuna ay tahay in aysan iyagu niman haysan, nin walbana uu oranayo gabar yar ha la ii soo raadiyo, annaguna waxaan go'aansanay inaan iyagana isa seejino. Guddigii dantu waxay ku kalliftay inay naagihii u dhaartaan haddaysan dhibaatada joojin, waxaana lugu yiri risiqa Ilaahay doonta, shar wax luguma helee, sidaas ayaana ololohoodii ku dhammaaday. Ragow isbarbard

Dumarkii go'aansaday inay shuruud la'aan guursadaan

Nin magaalo kale ka yimid ayaa noo sheegay in dumar garoobo ah ay ka shireen arrinta guurka, waxayna ka eegeen dhinacyo badan. Wuxuu yiri: gabar ka mid ah ayaa tiri sidii aynu nin walba shuruud ugu xirayney ama u diidayney ayaa gabdheheenii inamo waaweyn noqdeen, dhawaana suuqa ayaynu ka baxayaan haddaynaan is daba waban. Arrintii wax la rogrog aba waxaa la go'aamiyey: 1. In gabar walba sida ugu dhaqsaha badan u guursato oo iyadu nin doonato. 2. In ninkii u yimaada aan shuruud lugu xirin ee hadday dantu keento ay darin kula seexato. 3. In aan ninka loo eegin xaas buu leeyahay iyo in kale ama xoolo iyo xoolo la'aan ee ujeeddadu noqoto in aan helno nin iyo ilmo. Wuxuu yiri markii ay go'aankaas gaareen toddobaadkii ugu horreeyey siddeed ka mid ah ayaa aroosay. Waxaan is iri sababta ugu weyn ee gabdhahaan guursiga degdega ah iyo inay sahlaan ku bixisay waa in aysan ka cabsan dadka afkooda ee ay dantooda ka fakareen iyo inay is dhiirrigaliyeen, isuna garaabayaan oo aanay isku d

Sidee u guursaday saaxiibkay?

Nin dhallinyaro ah ayuu ahaa. Reer qaraabo ah ayuu la joogay. Kolkii uu shaqada yartaa helay bay dheheen naga guur. Markaas ayuu sariir yar soo gatay oo dhallinyaro iskaabulo ah la dagey. Wuxuu ku shaqeynayey 2000 shilin oo biilkiisa ciriiri ku ah. Wuxuu garwaaqsaday in aanu xoolo iyo shaqo fiican midna haysan, meel kale iyo cid kale oo wax kasoo galayaana uma muuqa n. Kolkaas ayuu goostay inuu isku tashado oo reer dhisto. Wuxuu soo qaatay kartoon weyn, bil walba waxa yar ee biilka uga soo hara ayuu maacuun kusoo iibiyaa oo uu kartoonka ku ridaa ilaa uu buuxsamay. Ka dib sariirtii ayuu mid kale foormiig iskula dhajiyey, qolna waa kiraystay, gabarna waa doonay, aroos taariikhda galayna waa dhigtay!. Dhab ahaan haddii sida ninkaas saaxiibkay ah la isugu tashado, wixii tabartu dhaafi weydana lugu hawlgalo, raallina lugu wada noqdo qaybta Ilaahay, dadaalna la sameeyo dhallinyaradeena wiilal iyo gabdhaba guur bay heli lahaayeen laakiin .... Gabagabadii xaalka saaxiibkay hadda ku sugan yaha

Been dhaarte baladii haleeshay ( Qeybta 3aad )

Afar wiil ayaa gabar ku xadgudbay. Ka dib ehelkoodii ayaa looga ergooday. Seddex qoys reerkii way ka gar bexeen laakiin wiilkii afraad hooyadi waxay isla soo taagtay wiilkaygu masaajidka ayuu ku jirey xilliga gabadha la dhibaateeyay, aakhirkiina dhaar been ah ayay xaf ka siisay! . Reerkii dhibta loo geystay waxay dheheen Ilaahay baan ku raacinay.  Ilaahay iyo qofka la dulmiyey habaarkiisa xijaab uma dhexeeyo ee wiil ay dhashay oo dad telefoon ka furanaya ayaa toorrey lugu dhuftay oo horay ka dhintay, iyadiina shil bay gashay oo lalama soo rogin, walaalkeedna dhiiggaa ku karay oo kama kicin, gabar reerka ka mid ahna dhib kale ayaa gaaray. Gabagabadii dad badan baa ilmohoodu ciqaab adduun iyo cadaab aakhiro sabab ugu noqdaan. Dadka qaarki carruurtooda waxay u haystaan ceeb ka saliim; sidaa darteed wixii laga sheegto iyagaa difaacaya iyaga oo is leh olmahaaga kama suuroobaan ee waa la nabsanayaa ama iscleh haddaad dambigaas qaadataan waa ceeboobaysaan. Dadkaas way moogyihiin ama way is m

Dhallinyarada yaa guurka ku qaaliyeeyay?

Wiilasha iyo gabdhaha qolaba gaar bay u shirtay, waxaana la is weydiiyey yaa ka dambeeya qaaliyeynta guurka?. Wiilashu way isku raaceen in ay guur u baahanyihiin, si ay u guursadaana ay u baahanyihiin guur sahlan oo aan qaali ahayn. Waxay kale oo isku waafaqeen inaysan lug ku lahayn qaaliyeynta guurka. Gabdhuhuna way isku raaceen in guur loo baahanyahay iyo haddii la qaaliyeeyo in guurku yaraanayo. Waxay kale oo isku raaceen in aysan gabdhuhu ka dambayn qaaliyeynta guurka. Haddaba su'aashu waxay tahay haddii wiilkii iyo gabadhii is guursan lahaa midkoodna aanu guurkii qaaliyeyn yaa kale oo ku qaaliyeeyay?. Cidda dhallinyarada guurka ka hortaagan oo ku qaaliyaysey waa bulshada!; waayo: 1- gabadhii waxaa lugu oranayaa: bal eega midaan haariga ah!, maxaa haya oo ay dhulka isu dhigaysaa?. Ninkaan miskiinka ah xaggee ayuu gaynayaa?. Naa asaaggaa 10 kun baa lugu meheriyey, dahabna waa lugu hilay, aqal iyo aroos laga yaabayna waa loo dhigay, heblaayo arooskeeda hoteel ayaa la

Baladii heshay been ku dhaarte! (Qeybta 1aad)

Meharad ayaa u furnayd, dadkuna lacagaha ayay u dhiiban jireen, isaguna intuu warqad ku laalaabo ayuu dusha kaga qori jirey magaca qofka iyo lacagta tiradeeda. Wuxuu u safri jirey Cadan, meheradana dad buu uga tagi jirey. Maalinkii dambe ayaa nin lacag u dhiibtay, isaguna sidii caadada u ahayd ayuu dusha kaga qoray magaca iyo tirada lacagta. Maalinkii dambe ayuu sidiisii Cadan u safray, meheradiina wiil yar oo uu dhalay uga tagey, nin oday ahna wuxuu ku yiri wiilka meesha la ogow. Ka dib wiilkii waxaa u yimid ninkii odayga lacagta u dhiibtay, kolkii uu lacagtii siiyeyna wuxuu ku yiri lacagtaydu intaan way ka badnayd!. Oo soo tan tiradu kuugu qorantahay?. Ninkii wax la sugaba waa yimid iyo sidaan ayaa dhacday. Lacagtaadu intaan bay ahayd iyo way ka badnayd. Ku dhaaro iyo hawraarsan. Dhaar beena iyo hoo!. Ninkii isagoo xoolo booli ah iyo dhaar been ah isku wata ayuu la carraabay. Mise aqalkii gubay, ooridii ku dhimatay, isagiina il ka dhacday!. Subaxdii waa kan isaga oo il

Gabar iyo gabar la'aan (Qeybta 1aad)

Gabar kasta reerkooda qiime ayay la leedahay, way ku kalsoon yihiin, wayna u hanweynyihiin xataa kuwa aan waxbarin, tarbiyad fiicana aan siin. Laakiin gabdhuhu isku mid maaha ee waa mid is og inay qiime leedahay oo qaali tahay, sidii gabar qaali ahna u dhaqanta, midna suuqii lugu naadiyaba way yeelin, sarrif iyo sanuud wixii lugu baayacana waa la siisan kara a. Gabadhaan waalidkeed iyo ehelkeeda waa xubin ka mid ah ee ka gaar maaha, sheekada kama qarsato ee way ku qarsataa, nafteeda iyo mustaqbalkeeda gaar ahaan guurka inay uga garasho dheeryihiin, ugana dadaal badan yihiin way u ogtahay, wayna uga dambaysaa ee ma feer orodo. Waalidkeed iyo ehelkeeda ayay arrin walba ula noqotaa ee gabdhaha saaxiibada ah iyo dadka suuqa maraya sirteeda iyo taladeedu ma dhextaal; waayo waxay ogtahay in waalidkeed yahay cidda kusoo tacabtay, haddana danteeda har iyo habeen usoo jeedda, hadday dhib la kulantana kaligeed kusoo haraysa. Gabadhaan gurigii markay dhalatay loogu mashxaraday ayaa laga galbiyey

Ma doonaysaa meher iyo aroos raqiis ah?.

La xiriir Macallin Yasin C/lahi, waana ninka ay dhinacyo fadhiyaan Macallin Mukhtaar iyo Sh. Fu'aad. Macallin Yasin waxaa u yeerta ninkii dhiganaya Meher iyo Aroos aan qaali ahayn. Galabta ayuu nugu yiri: maanta ayaan seddex isu nikaaxshaye kaalaya shaah idin soo siiyee!. Annaguna waan aqbalnay oo hadda shaah baan ka cabbaynaa, waliba seddexda reerba waa u ducaynay maadaama aysan xadgudub samayn. https://www.facebook.com/alwaqaar/photos/a.646869842034890.1073741826.432162270172316/789926464395893/?type=1&theater

Gabar iyo gabar la mood 2aad

Gabar iyo gabar la'aan ayaynu qormada ku summadnay laakiin waxaan jeclaystay inaan gabadhii fariidda ahayd ka reebo middaan aan ducaysnayn. Hooyadeed markii la guursaday waa lugu farxay, kolkay uurka yeelatayna farxad kale ayay ahayd, kolkay dhashayna mashxaradda iyo raynraynta waa loogu roonaaday, intaysan caqlisana koolkoolinta iyo korintaba waa loogu roonaaday laakiin waxaa la kala tagey kolkii la caqlisaday oo gashaanti la noqday. Tan aan ducaysnayn intay yaraydba jacaylka iyo kalsoonida loo hayey way soo yaraanaysey; maxaa yeelay markii maalin u korortaba waxaa soo muuqanayey kasoo darsiteeda. Dhaga-adayg, af-buuris, santaag, is-dhifasho, dhibsi, yah iyo caku, cag-culays, jiitan, bocoolo-gurasho (muran iyo af-celis ay yaryarka kale ku samayso), ka fogaansho waalidka iyo qoyska, iyo u dhawaansho dhallinyarada shiikh-habaabisyada ah iyo dumarka liita, ku xirasho wiilasha dayacan, kasoo daahis guriga, warwareeg, waxbarasho diid, dhicitaan iyo darajo hoose, salaad xumo, xij

Anigu gaal maahi ee kursigaa Gaal ah! (Qeybta 1aad)

Markii la doortay madaxweyne shariif oo dadka qaarki ay GAAL ku sheegeen ayaa arrintaas la weydiiyey C/laahi Yusuf oo isaga laftiisa horay loo gaalaysiiyey, wuxuuna ku jawaabay: anigu gaal maahi ee kursigaa gaal ah. Wuxuu u jeedaa hadba ninkii kursigaas ku fariista ayaa gaal noqonaya. Muddo dheer baa dad aan mudnayn horseed siyaasadeed  u ahaayeen shacabka Soomaaliyeed, waxaana bulshadu u hanqaltaagaysey maalinta aqoonyahan daacad u ah hoggaanka u qabandoono oo ay haakah oran doonto. Way dhacday in marxalado kala Duwan aqoonyahan hoggaanka siyaasadeed ee dalka qabteen, sida: madaxweyne C/qaasim iyo R/wasaare Galaydh, madaxweyne shariif iyo Koox Raysal wasaareyaal ah oo wada aqoonyahan ah, ka dibna madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/wasaareyaal aqoonyahan ah. Intaasba waxaa weheliyey tiro badan oo aqoonyahan ah oo isugu jirey xildhibaano, wasiiro iyo hawlwadeeno kale. Hadday dadkaas taladii iyo hoggaankii dadka iyo dalka qabteen waxaa caado u noqday inay sidii raggii ka horreey