Skip to main content

Posts

Showing posts from August, 2015
Balaayo idinku dhacday, been bay noo sheegeen (Qeybta 2aad) Intii gaariga la saarnaa miskaxdiisa waxaa isku haystay wixii uu aaminsanaa iyo wanaaga uu dadkaan kala kulmay. Waxaa kale oo ka hor muuqdey sheekooyinkii uu yaraantii maqli jirey ee jiib-siibka iyo qalinshubatada ahaa ee magaalooyinka laga sheegi jirey. Siday doonto ha noqotee gaarigii magaalada ayuu dhinac ka soo galay, dadkiina waxay bilaabeen inay isweydiiyaan xaafadee dagantahay, gaari ma kuu imaanayaa iyo taksi  ma isla kiraysanaa. Dabcan isaga xaafada magaceeda waa loo soo sheegay, nin ay hayb kore wadaagaan oo uusan wajigiisa aqoona wuu ku dagayaa laakiin walwal badan baa ka haya sida xaal noqon doono maadaama ay habeenimo tahay, magaaladana aanu horay u aqoon. Ugu dambayntii rag ay is ag fadhgiyeen ayaa ku yiri: annaga caawa nala hoyo, subaxdiina aan kula raadino xaafadii iyo ninkii aad ku dagi lahayd. Kaaga darane nimanku waa beeshii waligi looga digi jirey laakiin maadaama ay muddo soo rafiiqeen, uuna ka ar

Balaayo idin ku dhacday, been bay noo sheegeen! (Qeybta 1aad)

Waa nin da' kontonaad ku jira. Waligi ma tagin meel ka baxsan deegaanka tolkiis.   Ilaahay wuxuu qadaray inuu u baahdo, una safro deegaan kale. Tan iyo maalintii uu dhashay wuxuu maqlayey beesha halkaas degta inay wixii xun oo dhan la gaar tahay, wanaagana ka qatan tahay. Markii uu go'aansaday inuu deegaankaaas u safro ayaa nin walba u wariyey wixii uu dadka deegaankaas waligi ceebo iyo xumaan ku maqli jirey, aanooyinkii iyo xurgufihii labada reer soo dhexmaray iyo khataraha uu la kulmi karo. Isaga oo dhagabarjaysan oo xilli kasta shar filanaya, cid walbana dhib ka malaysanaya, wax khayr iyo ixsaan ahna aan dadka ka rajeynayn ayuu safarkii soo galay. Kolkii uu gaariga soo fuulayba waar ka durka iyo meel fiican u banneeya ayaa hadal uu maqlo ugu horreeyey. Dabadeed rakaabkii ayaa jidka ku sheekaystay, iskuna haybsaday. Isaga oo walwalaya ayuu sheegay reerka uu ka dhashay iyo deegaanka uu ka yimid. Markiiba nin oday ah baa soo booday oo weydiiyey oo qoladee ka tahay?