Skip to main content

Posts

Showing posts from March, 2014

Booqashadii EAU Gaalkacyo

Booqashada waxaa igu weheliyey Sh. Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), Macalin Mukhtaar Sh. Maxamuud iyo Macalin C/waduud Yuusuf. Waxaa xaafadaha magaalada iyo xarumaha waxbarashada iyo dacwada nasoo mariyey Siciid Maxamed Muumin

Ratiga dambe kan hore saanqaadkiisa ayuu leeyahay (isbadalada bulsho ee dadkeena)

Miyiga ama tuulada ayuu ka imaan jirey isaga oo magaalada iyo dadkeedu qiime weyn la leeyihiin, una arka inay wax dheeryihiin, diyaarna u ah siduu magaalada u fahmi lahaa, una yeelan lahaa dhaqankeeda, muuqaalkeeda iyo afkeeda. Dadka magaalada dagan laftoodu qofkaas waxay ula dhaqmi jireen sidii qof tababar ku jira, inta badan dadka waaweyn waxay ahaayeen dad yaqaan dhaqanka miyiga laakiin dhalinyarada magaalada ku dhalatay ama ku caqlisatay ninkaas cusubi wuxuu u ahaa kunjeerto ay ka maadsadaan ama ka riwaayaaystaan. Si kastaba ha ahaatee dadka oo dhan ninkaas waxay diyaar ula yihiin inay wax u sheegaan oo ilbixiyaan, isaguna wuxuu diyaar u yahay inuu badalo hab-fakarkiisa iyo dhaqankiisa oo uu reer magaalaha dhinac walba uga ekaado. Si uu reer magaal u noqdana waa inuu galo iskool ama biribaati ama seeraale, waana inuu joornaalka akhriyo, baararkana fariisto, dhar fiicana xirto, sida reer magaalkana u xiirto. Natiijada arrintaas ka dhalatana waxay ahayd in bulshadu dhinacaa