Skip to main content

Ratiga dambe kan hore saanqaadkiisa ayuu leeyahay (isbadalada bulsho ee dadkeena)


Miyiga ama tuulada ayuu ka imaan jirey isaga oo magaalada iyo dadkeedu qiime weyn la leeyihiin, una arka inay wax dheeryihiin, diyaarna u ah siduu magaalada u fahmi lahaa, una yeelan lahaa dhaqankeeda, muuqaalkeeda iyo afkeeda.

Dadka magaalada dagan laftoodu qofkaas waxay ula dhaqmi jireen sidii qof tababar ku jira, inta badan dadka waaweyn waxay ahaayeen dad yaqaan dhaqanka miyiga laakiin dhalinyarada magaalada ku dhalatay ama ku caqlisatay ninkaas cusubi wuxuu u ahaa kunjeerto ay ka maadsadaan ama ka riwaayaaystaan.

Si kastaba ha ahaatee dadka oo dhan ninkaas waxay diyaar ula yihiin inay wax u sheegaan oo ilbixiyaan, isaguna wuxuu diyaar u yahay inuu badalo hab-fakarkiisa iyo dhaqankiisa oo uu reer magaalaha dhinac walba uga ekaado. Si uu reer magaal u noqdana waa inuu galo iskool ama biribaati ama seeraale, waana inuu joornaalka akhriyo, baararkana fariisto, dhar fiicana xirto, sida reer magaalkana u xiirto. Natiijada arrintaas ka dhalatana waxay ahayd in bulshadu dhinacaas isu raacdo oo nin walba oo reer miyi ah ama jaahil ah ku daydo reer magaalka ama aqoonyahanka. Taa macneheedu maaha in reer magaalku dhinac walba kaga wanaagsanaayeen reer miyiga ee waxaan muujinaynaa siday la ahayd wiilka ama gabadha magaalada usoo wareega. Dhinac kalena waa jirtay in reer miyigu hoos u eegayeen dadka reer magaalka ah oo aan aqoon dhaqanka miyiga.

Hadda maxaa is badalay?

Magaalooyinkii waxaa u batay dad miyiga toos uga soo hayaamay ama jabhadnimo soo maray oo reer magaalkii barabixiyey. Dadkaasi waxay muquuniyeen dadkii reer magaalka ahaa; waayo tiro iyo awoodba way ka bateen, taasna waxay keentay in dadkii magaalada daganaa iyo kuwii miyiga kasoo galayba iyaga ku daydaan oo la qaato hab-fakarkooda, hab-dhaqankooda, muuqaalkooda, lahjadahooda iwm.

Sababtu wax kale maaha ee aadanuhu hadba ciddii awood leh ayay raacaan, awooddii magaaladana raggaas ayay gacanta u gashay, nin aan ka mid noqon ama isu-ekaysiina shaah ka cabbi maayo. Kolka waa inaad qori gadatid, oo qaadka cuntid, oo koox hubaysan ku biirtid ama qabiilkaaga ku meelmartid, oo aad samaysid falal laga argagaxo si hadda ka dib cadkaaga luguugu ogolaado ama atoorayaasha kale kaaga leexdaan. Waa inaad kala baratid dadka la baadi karo iyo kuwa laga warwareegayo. Kolkaas ayaa dadkii magaalooyinka daganaa u bateen dad dhaqan cusub wata oo labadii dhaqan ee miyiga magaaladaba ka tagey!.

Way socotaa ....





Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!