Skip to main content

Posts

Showing posts from 2014

La kala walaalo fiican

Isaga iyo shan gabdhood oo walaalihiis ah ayuu aabbihi ka dhintay. Reerku danyar buu ahaa, dhaqanka deegaankuna wuxuu ahaa in reerku gabadhooda nin u doonaan, kharashka dhismahana la baxaan. Shaqo yar oo noloshooda ciriiri ku ah ayuu hayey, xoolana uga dhigmi mayaan, inuu shanta gabdhood ee walaalihiis ah u guuriyana way sugaysaa, meel kale oo uu culayskaas ula irkado oo a an Alle ahayna ma jirto. Talo waxay kaga dhamaatay inuu kalyihiisa mid iibiyo oo uu lacagtaas gabdhaha walaalihiis ah ugu guuriyo. Haddii aanu sidaa yeelin waxaa khatar ah in isaga iyo walaalihiis isku ag gaboobaan iyaga oo waliba gablan ah. Dabcan dadkaani Soomaali maaha lkn waxaa jira rag badan oo soomaali ah oo gabdhaha walaalohood ah aad ugu dadaala oo naftooda ka hormariya. Dhinaca kale waxaa jira rag badan oo gabdhaha walaalohood ah xoolo ahaan u haysta oo aan la dareemayn baahida ay u qabto say iyo ubad, guumaysnimada iyo gablanka ay khatarta kusoo fool lehna aan ka jiir naxayn. Gabagabadii akhristow adigaan

La kala aabbe fiican

Ninkii gabadhiisa qabey ayaa u yimid, wuxuuna ku yiri: adeer gabadha waan furayaa. Wuxuu ugu jawaabay: maandhow geelii aan kaa qaatay oo aan hal kuugu daray baan ku siinayaa ee xilahaaga hayso!. Tan kale waan garanayaa sababta aad gabadha ku nacday oo xoolaha kuma fiicna ee ila soo dag. Wuxuu doonayey in xoolaha dhaqidooda gabadha laga caawiyo; si mushkiladuba u xallisanto. Kolkii odaygii la weydiiyey sababta waxaas oo tanaasulaad ah uu u sameeyey wuxuu ku jawaabey: ma doonayo in lugu sheekaysto garoobtii ina hebel ahayd baan soo xodxodanayaa!. Mar kale waxaa laga wariyey: ma doonayo gabdho garoobo ah oo la soo wada furay inay guriga isugu yimaadaan oo gambooyinku isaga darmadaan!. Dhinaca kale waxaa jira aabbeyaal gabdhohooda guurka uga hor-istaaga aad xoolo ka qaadatid darteed oo aan inna ka fakarayn gabadhiisa danteeda iyo baahideeda. Nin kasta oo usoo gogol fariista wuxuu u hayaa hal jawaab oo ah: wallee ilaa aad intaas keentid inaadan shaf saarayn ama wallee in aadan naayaa orana

La kala hooyo fiican

Ha u malayn inaan ka hadlayo inan-gumeed iyo mid hooyadiis ka dhalatay qolo farta lugu fiiqo ee waxaan dirayaa farriin hooyooyinka oo dhan ku socota. Dabcan aabbayaashuna farriintaan way ka sii mudanyihiin hooyooyinka laakiin qisada maqaalka saldhigga u ah baa hooyo ku saabsan. Gabar waalan oo muddo dheer xargo ku xirnayd baa u joogtay. Marka aan xarguhu ku xirnayna maaha q of garaad leh oo is maamulaysa. Waxay go'aansatay inay gabadheeda u guuriso oo ubad uga haro!. Wixii loo dadaalo oo Alle lala kaashado wax badan baa ka hirgalee gabadhii gurigeeda ayay ugu guurisay oo ku aroosisay. Waa mahad Allee gabadhii uur bay leedahay, xargihiina waa laga furay. Carruurta ay dhali doonto waxaa laga yaabaa inay dhinac walba uga fiicnaadaan carruurta ay dhaleen dumarka caafimaadka qaba illaa waa qayb Ilaahay'e. Dhinaca kale waxaa jira hooyooyin dhalay gabdho caafimaad qaba oo qurux iyo qiime isku darsaday oo hooyooyinkood ku ag guumaysooba; waayo inay iyadu u guuriso iska daaye ciddii so

Lagdankii carruurnimada iyo loolanka siyaasadda

Qormadaan muddo dheer ayaan ku taamayey Laakiin fursad uma helin maanta ka hor. Waxaa igu bixiyey qormadaan loolanka aan jidka iyo jihada midna lahayn ee siyaasiyiinta Soomaaliyeed qiime tiray, isla markaasna sii kala fogeeyey bulshadii awalba qaybsanayd. Intaa waxaa sii dheer in dadkii xilka ummadda u hayey iyagu isku mashquulaan, ayna loolankaas darti u dayacaan hawlihii ay hayeen. Dhinaca kalena ay Isu isticmaalaan awooddii dowladda iyo xooleheedii, sumcaddii dalka iyo dadkana ay foolxumeeyaan. Waxaa Kaloo xusid mudan in si loo kala adkaado nin walba ama koox kasta ay gaashaanbuuraysato dowlado iyo ururro shisheeye, ayna dhici karto inay xoolihii ummadda ku laaluushaan ama uga tanaasulaan mabaadi' ama xuquuq ummaddu leedahay. Haddaba waxaa is weydiin leh sababaha keenay in madaxda soomaaliyeed caadaystaan loolan iyo isqabqabsi joogto ah oo raggii isku kooxda iyo isku aragtida ahaa maalmo ka dib isku mashquulaan?. Dhaqanka soomaalidu wuxuu ahaa in xilliga barwaaqada

Soomaalidu maxay dhulka doogga leh isugu sawirtaa?

Soomaalidu maxay dhulka doogga leh isugu sawirtaa? Waxaa Qoray: Jaamac C/laahi Caydiid jamaidid@gmail.com Si ka duwan bulshooyinka kale ayay Soomaalidu u jeceshahay in ay isku sawirto meelaha dhirta ama cawska cagaarani uu ku yaallo.  Dadka ka soo muuqda TV yada Soomaalida ee ama shir-jaraaid ka hadlaya ama waraysi kale bixinaya, dadka sawiradooda soo geliya baraha bulshadu ku xidhiidho ee Inter net ka, iyo dadka ehaladooda ama caruurtooda isla sawira intuba waxay ka midaysanyihiin ama u badanyihiin in ay isku beegaan ama dhex joogsadaan marka ay isa sawirayaan meel doog ama cagaar leh. Soomaalida gudaha dalka ku hadhay iyo kuwa dibadda u baxdayba way ka simanyihiin arintan. Sidoo kale Soomaalida degta deegaanada Soomaali Galbeed ama NDF iyaguna waa inala mid. Kulay ku tahay kuwa degan dhulka xeebta ah ee quruxda badan waxay u badanyihiin in ay isla doontaan meel dhir leh oo ay isku sawiraan. Ilaa aan markii dambe u qaatay anigu in haddiiba aad meel doog leh aragtid ay kugu soo dhacay

Goormaa Nabiga lasoo diray?

Soo diristii nabiga waxaa kasoo wareegay 1448 sano, hijradiisiina 1435 sano, geeridiisiina 1425 sano. Nabiga rumee oo jeclow oo raac diintiisa, salligiisana badi, cid kalena haka dooran. Ku dadaal inaad shafeecadiisa heshid, calankiisa hoos harsatid, xawdkiisana (dar) ka cabtid. Ilaahay intaasba haku waafajiyo, Ilaahyna bari, ana ducada ha iga hilmaamin.

Nabigu goormuu dhashay?

Goorma ayuu nabigu dhashay? Waxaan idinka hilmaamay in nabigu dhashay1488 sano ka hor. Isaga oo afartana sano jira ayaa Alle soo diray, 13 sano ayuu Makka diinta ku baaqayey, 10 sano wuxuu diinta ka faafinayey Madiina. Sannadkii 1436aad ee hijrada ayaa bilowday ee Ilaahay ha inooga dhigo sannad khayr oo muslimiintu diintooda usoo wada noqdaan, ku walaaloobaan diinta, ku midoobaan, cadowgoodana kagaguulaystaan gaar ahaan Soomaali Ilaahay dhibaatada ay ku jirto haka saaro, khayr oo dhana ha u furo, quluubtoodana ha isu dumo... Aamiin.

إيقاظ الأمة

إن إحياء الأمة من سباتها العميق والدفع بها إلى مكانها الطبيعي في مقدمة الركب لتقود البشرية مرة أخرى بأمر من الله لن يتحقق من خلال جهود أفراد أو تجمعات صغيرة أو كبيرة، وإنما يحتاج الأمر إلى جهود وتضحيات كل هذه التجمعات والجماعات والأفراد المخلصين لهذا الدين، الملتزمين بالإطار العام لأهل السنة والجماعة: (والذين جاهدوا فينا لنهدينهم سبلنا، وإن الله لمع المحسنين).
Tolkayow inoo kala doora Nin kasta oo ina ka mid ah wuxuu jecelyahay inuu sharaf iyo karaamo ku noolaado oo aadanuhu qaddariyaan isaga, dadkiisa, diintiisa iyo dalkiisaba, mana jiro nin jecel ama raalli ku ah in la ihaaneeyo, la gumaysto,  la dulmiyo ama hoos loo eego isaga iyo inta uu jecelyahayba. Dhinac kale dad badan oo inaka mid ah ayaa doonaya inay liidaan, dulmiyaan, laayaan, boobaan ama barakiciyaan qabiilooyinka ama jifooyinka kale, isla markaasna ay iyagu ka badbaadaan burburka iyo magac-xumada soo gaartay qolyahaas kale. Ninka doonaya inuu sharaf iyo ciso ku noolaado isaga iyo tolki, qabiilooyinka iyo jifooyinka kalena dullinimo iyo liidnimo ku jiraan waa nin is burinaya oo doonaya inuu shay iyo lidkiis (kasoo horjeedkiis) isku wado; waayo ciso iyo karaamo dunida ku yeelan maysid adiga iyo qabiilkaagu haddaanay dadkaaga iyo dalkaaga oo dhan kula wadaagin. Haddaba waxaa ina horyaal labo khiyaar oo mid seddexaad lahayn oo ah: a) in aynu ciso iyo sharaf ku wada noolaano o

ذكاء شاعر

ذهب رجل إلى الملك وأنشده شعرا قال الملك :اطلب ما تشاء قال: له تعطينى ؟ قال : أجل قال أريد أن تعطيني دنانير بمثل الرقم الذي أذكره في الآيات القرآنية قال : حبا وكرامة قال الشاعر :قال الله تعالى : "إلهكم إله واحد" فأعطاه دينارا قال:"ثاني أثنين إذ هما في الغار" فأعطاه دينارين قال : "لا تقولوا ثلاثة انتهوا" فأعطاه ثلاثة قال :"ولا ثلاثة إلا هو رابعهم" فأعطاه أربعة قال :"ولا خمسة إلا هو سادسهم" فأعطاه خمسة دنانير وستة قال :"الله الذي خلق سبع سموات" فأعطاه سبعة قال :"ويحمل عرش ربك فوقهم يومئذ ثمانية" فأعطاه ثمانية قال :"وكان في المدينة تسعة رهط يفسدون في الأرض" فأعطاه تسعة قال :"تلك عشرة كاملة" فأعطاه عشرة دنانير قال :"إني رأيت أحد عشر كوكبا" فأعطاه أحد عشر قال :"إن عدة الشهور عند الله اثنا عشر شهرا في كتاب الله" فأعطاه اثنا عشر ثم قال الملك: أعطوه ضعف ما ذكر واطردوه قال الشاعر : لماذا يا مولاي؟! قال :خفت أن تقول :"وأرسلناه إلى مائة ألف أو يزيدون" - 

Dadka af soomaaliga ku hadla: hadal dalab leh!

Beryahaan dambe waxaa af soomaaliga kusoo kordhay erey-bixino cusub oo aan loo fiirsan macnaha ay xambaarsanyihiin, cidda bixisay iyo ujeeddooyinka laga leeyahay midna, waxaana ka mid ah: DADKA AF SOOMAALIGA KU HADLA oo la dhigay booskii (meeshii) Soomaali ama Soomaaliweyn ama shacabka Soomaaliyeed iwm. Dadka soomaaliyeed waa dad wadaaga wax kasta o o ummad mideeya, sida diinta, dhalashada, dalka, afka, dhaqanka, taariikhda, danaha iyo aayahaba. In dadka noocaas ah ee wax walba ka midaysan loo muujiyo inay yihiin dad luqadda kaliya isu keentay waa hadal dalab leh oo ay caddahay in TIMIR LAF KU JIRTO. Marka bulshadu weydo meel ay u noqoto (marjic) ama hay'ado ilaaliya daneheeda, una difaaca xuquuqdeeda la yaab maaha in la marinhabaabiyo ama la mooro-duugo, waxaana ugu daran in miskaxda laga wareemo oo bulshada la gaarsiiyo heer ay gacmeheeda ka keensato xargihii lugu xiri lahaa ama middidii lugu qali lahaa, waxaana caddayn u ah in dad waaweyn oo aan lugu tuhmayn khiyaano loo soo dh

Tacsi

Tacsi Waxaan halkaan tacsi uga dirayaa Sheekh C/fattaax Xasan Axmed (Shimbirow) oo aabbihiis xalay ku geeriyooday dalka Holland. Waxaa kale oo aan tacsi taa la mid ah u dirayaa dhamaan ehelada iyo qaraabada Xasan Axmed )(Shimbirow), Ilaahayna waxaan uga baryayaa in uu sabar ku wada arzuqo, musiibada ku dhacdayna khalaf wanaagsan ka siiyo, maydkoodana uu u dambi dhaafo, una naxariisto. إن لله ما أخذ وله ما أعطى وكل شيئ عنده بأجل مسمى إنا لله وإنا إليه راجعون

Dowardii qabyaaladda isaga taga oo maanta lagu soo gabagabeeyey Masjidka Alhudaa e Galdogob

Dowaradaan oo loo qabtay ardayda mac-hadka Imaamul bukhaari ee culuumta shareecada iyo luqada carabiga, iyo qaar ka mid ah ardayda dugsiyada sare e e magaalada ayaa socdey muddoseddex cisho ah. Ardaydu waxay kasoo jawaabeen 40 su'aalood oo kusaabsan mowduuca qabyaaladda iyo waxa islaamku ka qabo iyo siyaabaha loola diriri karo. Waxay kale oo diraasado ka diyaariyeen siyaabaha loo walaalan karo shacabka soomaaliyeed ee qabyaaladdu dilootay, loogana hortagi karo waxyaabaha bulshada kala gaynaya oo qabyaaladdu ugu horayso. Ardaydu waxay kaloo soo curiyeen gabayo iyo buraanburo ku saabsan mowduuca dowrada. Maamulka mu'assasada Alminhaaj faraca galdogob ayaa ardayda guddoonsiiyey abaamarino dhiirrigalin ah oo loogu kala badiyey siday u kala mudnaayeen xagga fahamka iyo dadaalka

لتكوني راية على رأسها نور

محجبة أنا بحمد الله من الصف الأول يوم كنت ألبس الحجاب يوما و أخلعه اليوم الثاني و على فساتين بأكمام قصيرة و بشعري ظاهر من الأمام و الخلف و قد أنساه مرات كثيرة الا أن الحجاب كان في حياتي قبل الوعي في شخص أمي و كل من حولي فوقعت في حبه من أول مرة ارتديته حتى غدا جزءا من كينونتي و شخصيتي ارتديه طاعة و قناعة و فخرا كأن الدنيا بكرامتها و جمالها حيزت لي به الا انني برغم ٣٢ سنة من الحجاب بالكاد نجحت في امتحان بالصور تحت عنوان: هل تستطيع أن تميز دينها من حجابها؟ و رابطهhttp:// www.judaism-islam.com/quiz-can-you-tell-her-religion-from-her-head-covering/ و الهدف منه بيان أن الحجاب او غطاء الرأس للنساء موجود في كل الأديان السماوية و المذاهب الاخرى و أنه ليس رمزا للقمع او قيدا! فإذا كان الحجاب و الحشمة موجودان في كل الاديان و مناسبان للفطرة و بالمقابل التكشف مستنكر و خطيئة فأين إضافة الاسلام لهذا الرمز بل هذه الفريضة و هو دين جاء ليتمم مكارم الأخلاق و يرتقي بما سبق من الفضائل؟! اذن فلا بد أن معنى الحجاب و وظيفته مختلفة و تنطق بذلك الاية الكريمة "أن يُعرفن" فالله سبحانه و تعالى أر

Sheekh Shible yuu sheegayaa?

Qormo taariikheed oo qoto dheer buu Sh. maxamuud Shible qoray. Waxaan is weydiiyey tolow yuu sheegayaa?. bal si aan cid kaleba wax kuugu sheegin ishaada kaga bogo, caqligaaga iyo xog-ogaalnimadaadana la kaasho. http://halgan.net/2014/04/ayaan-darane-abuu-muslim-al-khuraasaani-iyo-cabbaasiyiintii-wq-sh-shibli/

Laamiga ka leexda

Waxaan ka mid ahaa ragga dalka aad ugu dhex socda laakiin aan laamiga dhinacna uga leexan, isla markaasna magaalooyinka waaweyn kaliya ku daga oo aan tuulooyinka inta badan kuba hakan, rag badana way ila wadaagaan dhaqankaas. Gaalkacyo, Buurtinle, Garoowe, Laascaanood, Burco, Berbera, Hargeysa, Gabiley iyo Boorame. Dhinaca kalena Garoowe, Qardho iyo Boosaaso. Xagga koonfurtana tan iyo 2006dii Muqdisho iyo Afgooye dhinac uma dhaafin. Sanadkaan Ilaahay wuxuu i waafajiyey inaan laamiyada ka leexdo, isla markaasna aan magaalooyin iyo tuulooyin badan ku dago. Mar waxaan socdaal ku maray 11 magaalo iyo tuulo oo ku kala yaal Mudug iyo Nugaal, kuwaas oo badankoodu laamiga ku yaaley. Kala bayr, Jalam, Buurtinle, Xarfo, Bacaadweyn, Gaalkacyo, Beyra, Bursaalax, Riig-oomane, Qansaxle iyo Galdogob. Mar kalena waxaan booqday magaalada Buuhoodle oo markii ugu horeysye ii ahayd. Waxaan kale oo booqday, kuna hoyday magalada Carmo ee gobolka Bari. Mar aan fogayna Rabbi wuxuu ii sahlay inaan soc

Ninku waa i dilaye ii qabta!

Salaadda duhur ayaan ku jirnay. Waxaan safafka naga dambeeya ka maqalnay: war ninku waa i dilay, war ninka ii qabta, qabo, ka qaad toorayda iyo bulaan qaybtii dambe ee masjidka qabsaday. Goortii salaada laga b axay ee dibada loo soo baxay waxaan ugu imid lix war oo ku saabsan wixii dhacay, kana midaysan inuu ninka oo rukuucsan toorray ku dhaabay! laakiin lix sababood oo kala duwan baa la wariyey. Mobile fiican buu watey oo ka qaadan rabey, kabaha ayuu ka qaatay. Aad baa arrinta looga naxay, loola yaabay oo loo qaadaa-dhigay, waxayna noqotay ma arag, ma maqal, mana la iiga sheekayn ama sheeko iyo shaahid midna kuma arag. Waliba berigaas cidina ma sheegan inay ka dambayso falka masjidka ka dhacay, dadweynuhuna kuma faallayn ninka la dhaawacay inuu ahaa MURTAD ama JAAJUUS ama uu JIHAADKA kasoo horjeedo midna, mana jirin haba yaraatee cid u qiil-bixisay toorrayda lagu dhuftay nin Ilaahay u rukuucsan. Arrintii yaabka iyo amakaaga ahayd waxaa lagaga biskooday ninku waa waalnaa, mana jirin

Booqashadii EAU Gaalkacyo

Booqashada waxaa igu weheliyey Sh. Maxamed Maxamuud Ciise (Awoowe), Macalin Mukhtaar Sh. Maxamuud iyo Macalin C/waduud Yuusuf. Waxaa xaafadaha magaalada iyo xarumaha waxbarashada iyo dacwada nasoo mariyey Siciid Maxamed Muumin

Ratiga dambe kan hore saanqaadkiisa ayuu leeyahay (isbadalada bulsho ee dadkeena)

Miyiga ama tuulada ayuu ka imaan jirey isaga oo magaalada iyo dadkeedu qiime weyn la leeyihiin, una arka inay wax dheeryihiin, diyaarna u ah siduu magaalada u fahmi lahaa, una yeelan lahaa dhaqankeeda, muuqaalkeeda iyo afkeeda. Dadka magaalada dagan laftoodu qofkaas waxay ula dhaqmi jireen sidii qof tababar ku jira, inta badan dadka waaweyn waxay ahaayeen dad yaqaan dhaqanka miyiga laakiin dhalinyarada magaalada ku dhalatay ama ku caqlisatay ninkaas cusubi wuxuu u ahaa kunjeerto ay ka maadsadaan ama ka riwaayaaystaan. Si kastaba ha ahaatee dadka oo dhan ninkaas waxay diyaar ula yihiin inay wax u sheegaan oo ilbixiyaan, isaguna wuxuu diyaar u yahay inuu badalo hab-fakarkiisa iyo dhaqankiisa oo uu reer magaalaha dhinac walba uga ekaado. Si uu reer magaal u noqdana waa inuu galo iskool ama biribaati ama seeraale, waana inuu joornaalka akhriyo, baararkana fariisto, dhar fiicana xirto, sida reer magaalkana u xiirto. Natiijada arrintaas ka dhalatana waxay ahayd in bulshadu dhinacaa

13 cisho oo socdaal dacwadeed ah ka dib ayaan Garoowe kusoo noqonay

Faahfaahinta halkaan ka akhri: http://halgan.net/2014/02/wafdigii-culumada-ahaa-ee-booqday-gobolka-sanaag-dib-ugu-soo-laabtay-garoowe/

Booqashadii aan ku tagnay magaalada Dhahar

Waxaan subaxnimadii axadda ka ambabaxnay magaalada Garoowe annaga oo kusii jeedna magaalada Dahahar. Waxaa socdaalka igu weheliyey guddoomiye ku xigeenka Mu'assasada Alminhaaj Sh. Ciise Siciid Beerseexshe, madaxa xafiiska gobolada ee mu'assasada Alminhaaj Sh. Cismaan Maxamuud Xaaji Dirir iyo C/raxmaan Sh. C/qaadir Nuur Faarax oo ka tirsan xafiiska warbaa hinta Mu'assasada Alminhaaj. Aniga iyo C/raxmaan booqashadaani waxay noo lahayd xiiso gaar ah; waayo waxay ahayd markii ugu horaysay oo aan tagno magaalada Dhahar. Waxaa si aad ah noo soo dhaweeyey culumada iyo ducaadda magaalada. Waxaan ahayn niman shaqo u socda laakiin magaaladu waxay naga dhigtay niman koolkoolin u socda. Koolkoolinta inteeda kale waa garaysan lahayn laakiin waxaa dheeraad nagu ahayd labo arrimood: in magaalo kale laga soo diro dad koolkoolintayada ka qaybqaata iyo in markii aan ambabaxaynay naloo raray joogag iyo alaabooyin kale oo aanan wali ogaan waxa ku jira. Waxaan is iri tolow gabdhahaa la dhiba

Socdaal dacwadeed oo laga helay dal iyo dad barasho

Waa qayb ka mid ah socdaalkii dacwadeed ee aan ku marnay gobolka Sanaag. Waa afar magaalo oo aan hebeen iyo labo maalmood isu marnay. Halkaan ka akhri, sawiradana ka eeg:  http://raadreeb.com/somali-news/wafdiga-safarka-ku-maraayay-gobolka-sanaag-oo-booqday-magaalooyinka-ceelbuh-xingalool-damallaxagarre-iyo-carmalesawiro/

Dadka go'doonsan!

Ma ciidamo cadaw ah baa isku hareereeyey?, mise biyo qulqulaya ayaa dhinac walba ka maray?, mise gubato ayaa jihooyinka oo dhan ka martay?, mise meel fog buu jiray oo gaadiid uu kusoo safro ayuu waayey?, mise waddadii uu  soo mari lahaa baa go'an?, mise sahaydii baa ka go'day oo ma dhaqaaqi karo mise mise ...?? Intaas midna ma haleelin. Dadka go'doonada noocaan ah haleelaan si loogu gurmado ayaa la gartaa, waana la samatabixiyaa intay doonto ha qaadatee laakiin waxaa jira dad badan oo go'doonsan oo si loo samataxiyo ama loogu gurmadana ay adagtahay. Abooyoow waa kuwee?. Jawaabta oo kooban waa kuwa xagga miskaxda ka go'doonsan oo laftoodu aan isku heer ka joogin go'doon miskexeedka. Waxaa ugu liita kuwa iyagu ka qaybqaadanaya siday go'doonka ugu sii jiri lahaayeen oo kolkii la doono in laga xoreeyo dadka miskaxda ka gumaystay laba soo safanaya ama ka soo hormaraya!!. Si kale haddii loo yiraahdo waa dad doorbidaya in aysan miskaxdooda adeegsan ee ay ku socd