Skip to main content

Tolkayow inoo kala doora


Nin kasta oo ina ka mid ah wuxuu jecelyahay inuu sharaf iyo karaamo ku noolaado oo aadanuhu qaddariyaan isaga, dadkiisa, diintiisa iyo dalkiisaba, mana jiro nin jecel ama raalli ku ah in la ihaaneeyo, la gumaysto, la dulmiyo ama hoos loo eego isaga iyo inta uu jecelyahayba.

Dhinac kale dad badan oo inaka mid ah ayaa doonaya inay liidaan, dulmiyaan, laayaan, boobaan ama barakiciyaan qabiilooyinka ama jifooyinka kale, isla markaasna ay iyagu ka badbaadaan burburka iyo magac-xumada soo gaartay qolyahaas kale.

Ninka doonaya inuu sharaf iyo ciso ku noolaado isaga iyo tolki, qabiilooyinka iyo jifooyinka kalena dullinimo iyo liidnimo ku jiraan waa nin is burinaya oo doonaya inuu shay iyo lidkiis (kasoo horjeedkiis) isku wado; waayo ciso iyo karaamo dunida ku yeelan maysid adiga iyo qabiilkaagu haddaanay dadkaaga iyo dalkaaga oo dhan kula wadaagin.

Haddaba waxaa ina horyaal labo khiyaar oo mid seddexaad lahayn oo ah:

a) in aynu ciso iyo sharaf ku wada noolaano oo qofka soomaaliyeed dunida meeshuu ka marayaba lagu qaddariyo, luguna ixtiraamo, cid ku xadgudubtana la waayo

b) in aynu wadaagno ihaanada, magac-xumada iyo baaba'a oo aan cidina (qof, qabiil, gobol, koox iwm) kaligeed haweysan sharaf iyo qiime gaar ah oo aanay soomaalida kale la wadaagin.

Tolkayow haddaynu dadkeena (qof qof, qabiilooyin iyo kooxo) qaddarino oo aynu dhibteena af iyo addinba ka ilaalino, isla markaasna aynu danahooda ka shaqayno, kana difaacno wax kasta oo wax u dhimaya diintooda iyo adduunyadooda waxaa hubaal ah inay intaas iyo ka badan inoo samaynayaan. Haddii aynaan waxba u tarin ee aynu dhibno, dhibaatada quruumaha kalena aynaan ka difaacin waxaa hubaal ah in aysan wax inoo tarayn ee ay iyaguna inoo gaysanayaan intaynu u gaysaney iyo ka badan, dhibaato dibad inooga timidna aysan inaga difaacayn inay inaga hiilliyaan mooyee.

Haddaba tolkayow innaga oo danteena kaliya ka fakarayna aynu kala doorano in ummadda oo dhan ina jeclaato, ina qaddariso, wax ina tarto, dhibteeda aynu ka nabadgalno, dhibtii cid kale inooga timaadana ay inaga difaacaan iyo in aynu ummadda oo dhan dhib iyo colaad ku wada noolaano. Si kale haddii loo yiraahdo aynu kala doorano ummad dhan oo ina la safan oo danteena ka shaqaynaysa iyo ummad ina la wada col ah oo dabin inoo maleegaysa!.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!