Skip to main content

Dadka af soomaaliga ku hadla: hadal dalab leh!

Beryahaan dambe waxaa af soomaaliga kusoo kordhay erey-bixino cusub oo aan loo fiirsan macnaha ay xambaarsanyihiin, cidda bixisay iyo ujeeddooyinka laga leeyahay midna, waxaana ka mid ah: DADKA AF SOOMAALIGA KU HADLA oo la dhigay booskii (meeshii) Soomaali ama Soomaaliweyn ama shacabka Soomaaliyeed iwm.

Dadka soomaaliyeed waa dad wadaaga wax kasta oo ummad mideeya, sida diinta, dhalashada, dalka, afka, dhaqanka, taariikhda, danaha iyo aayahaba. In dadka noocaas ah ee wax walba ka midaysan loo muujiyo inay yihiin dad luqadda kaliya isu keentay waa hadal dalab leh oo ay caddahay in TIMIR LAF KU JIRTO.

Marka bulshadu weydo meel ay u noqoto (marjic) ama hay'ado ilaaliya daneheeda, una difaaca xuquuqdeeda la yaab maaha in la marinhabaabiyo ama la mooro-duugo, waxaana ugu daran in miskaxda laga wareemo oo bulshada la gaarsiiyo heer ay gacmeheeda ka keensato xargihii lugu xiri lahaa ama middidii lugu qali lahaa, waxaana caddayn u ah in dad waaweyn oo aan lugu tuhmayn khiyaano loo soo dhuumiyey erey-bixino lugu gawracayo, sida midda aynu hada ka hadlayno.

Walaalnimada iyo midnimada shacabka soomaaliyeedna ku baabi' mayso duruufta gaarka ah ee keentay inay dowlado kala duwan hoosyimaadaan ama iyaguba maamululo kala gaar ah samaystaan, mana ku waayayaan magaca soomaalino iyo xiriirkii qotada dheer ee ka dhexeeya.

Dowladaha carbeed iyaga oo maamulo kala duwan loo sameeyey oo dowlado kala ah ma isticmaalaan erayga ah: dadka af carabiga ku hadla ee dowlad walba magaceeda carabnimadu way ka muuqataa, ku abtirsigeedana looma muujiyo mid luqadda kaliya ku gaar ah.

Gabagabadii duni la is wada wanjalayo oo xariiga la isga boodayo ayaynu joognaa ee aynu feejignaano gaar ahaan arrimaha khuseeya aayaha ummadda oo yaynaan noqon dad isku rida xukun iyaga dhibaya ama gacmohooda isku mirjiya.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!