Skip to main content

Posts

Showing posts from June, 2018

Cawayska Culimada Kulanka 9aad Sh. Axmed Cabdisamad Cabdille

Ha baqinina balo aan innaga ahayn ma jidhee

Markii lugu dhawaaqay heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa cabsi iyo qaylodhaan la isla dhexmaray: la ina qabsay iyo la ina qaaday iwm. Mushkilada lala qaylinayo ma heshiiskaa mise wax kale ayaa jira?. Dhab ahaan dunida waa la galaa heshiisyo nooc walba leh: dhaqaale, siyaasad, millatari iwm oo innaga inagu gaar maaha ee waxay ila tahay waxa ina ka cabaadinaya waxaa weeye labo arrimood: 1. dadka ina maamulaya oo aan lugu kalsoonayn xagga daacadnimada iyo xagga aqoonta ama khibrada oo la isleeyahay kii khaa'in ah shilimaan buu dalka siisanayaa, kii daacad ahna aqoon darro ama khibrad la'aan baa wax walba looga saxiixan. 2. Xog-ogaalnimada xaaladda dadka iyo dalku ku sugan yihiin oo la wada ogyahay in aanu jirin dhaqan dowladnimo iyo dhaqan ummadnimo midna ee loo fakarayo, loona dhaqmayo qabiilooyin, gobolo, kooxo iyo qofqof afkooda kaliya u nool. Taas oo la isleeyahay ciddii sharciyad loo siiyo inay dalka soo dhexgasho say doonto ayay ka yeelaysaa. Haddab

Xaska tuugada iyo dagaalka Tukaraq isu ekaa

Xamar waxaa ku badnaan jirey tuugada dadka jeeb siibta iyo kuwo toorray kula gabbada meelaha jiirooyinka iyo booc-booca ah oo dadka ku baarta. Habeenimo ayuu isaga oo tuugo ka baqaya meel booc-booc ah oo labo xaafadood u dhaxaysa isaga tillabayey. Markiiba waxaa ku soo baxay nin isna meesha maraya oo show isaguna tuugo ka baqaya. Markii ay indhaha isku dhufteen midba kii kale ayuu u qaatay  tuuggii toorrayda ku dhufan lahaa ama ugu yaraan dhici lahaa. Isaga oo u hinqaday inuu cararo ayaa kii kale orod isdhigay. Kolkaas ayuu isaga oo yaaban aayartiisa socday, inj kastoo uu wali tuuggii saxda ahaa u tooghayey. Beryihii dambe ee hubka la helayna waxaa soo kordhay in labo nin oo hubaysan oo mid walba baqayo ay isdilaan iyadoo mid kasta isleeyahay inta aanu xabbadda kugu dhufan adigu kala hormar. Haddana sida muuqata labada maamul ee P/land iyo S/land, iyo dadweynaha soomaaliyeed ee ku kala nool labadaas deegaan waligood kama aanay wadahadal waar horta maxaynu isku haynaa?,

Muxaadaro : Indheer-garadnimada iyo Saamaynta ay leedhay ,sh Axmed Cabdi...

Daawo Sh Axmed Cabdi Samad Oo si cad uga Soo hor jeestay Dagalka Galkacy...