Skip to main content

Posts

Showing posts from 2016

Illaa tolnimada waa lugu tabcanayey

Tolka ama qabiilku waa mid ka mid ah nimcooyinka Ilaahay ina ku galladaystay oo ay tahay in aynu Rabbi ugu shukrino, sida ugu wanaagsana uga faa'iidaysano. Waxaa jira rag tolka ka mid ah oo magaca reerka dusha ku sita, golayaasha kaga hadla, dadka tolka ah u kala saara kuwo tol ah iyo kuwo wax ma mta tarayaal ah oo aad moodaysid inay yihiin dad u nool difaaca tolka iyo hirgalinta danihisa laakiin markii hunguri yimaado ayaad ogaanaysaa in timir lafi ku jirtay oo raggaan afka aburka sii daynayey oo is xiijinayey aysan danta tolka wadin ee ay magaca tolka ku adeeganayeen. Tusaaleahaan 

Shacabkeenu labadaan sawir kee u egyahay?

Soomaali ma colbaa mise waa saaxiib? (Qeybta 1aad)

Ma xiriir colaadeed baa ka dhexeeya, mise xiriir dhexdhexaadnimo, mise xiriir saaxiibtinimo mise xiriir nooc kale ah?. Bal aynu eegno kitaabka soomaalida distuurka u ah waxa ku qoran iyo xiriirada muuqda ee u dhexeeya qabiilooyinka ama deegaanada ama kooxaha soomaali u qeybsan tahay; si jawaabteenu aysan u noqon male-awaal. Soomaali waxaa distoor u ah hal kitaab oo ay wada aaminsan yihiin inuu xaq yahay oo wada saxan yahay, wayna wada jecelyihiin, inkastoo xagga ku dhaqankiisa iyo u adeegidiisa ay ku kala duwan yihiin. Kitaabkaan distoorka soomaalida u ah waxaan u dooranay waxaan jirin wax kale oo ay wada aaminsanyihiin, isku wada raacsanyihiin. Kitaabkaas waa Qur'aanka kariimka oo nabigii la inoogu soo dhiibayna uu ku sharxay axaadiis caddaynaysa ujeeddooyinka iyo macnayaasha kitaabkaasi xambaarsan yahay. Xiriirada muuqda ee aan sheegaynana waa waxyaabo ay soomaalidu isku raacsan tahay ee ma keenayno arrimo ay ku kala aragti duwanyihiin. Tan kale Qur'aanku tilm
Mooryaankii mu'adinka dilay maxaa ku dhacay? Inta badan kolkay barqadii tahay ayay xaafadaha ku daqaqami jireen, waxayna ka qaylisiin jireen dumarka oo ay u geysan jireen dhac iyo kufsi. Nin masjidka mu'adin ka ah ayaa markay dumarka ka qaylisiiyaan adin ku dhufan jirey, kolkaas ayay guryaha ka soo yaaci jireen. Malaha faldambiyeedka ay ku dhexjiraan ayaa iyaga iyo shaydaankii u dirayba adinka ka cararayaan. Muddo ka dib ninkii kaaba-mooryaanka ahaa ayaa wadaadkii ku yiri mar dambe ma adimi kartid haddii kale waan ku dilayaa!. Dabcan xumaantii uu jeclaa ayaa adinku ka hor-istaagay; si uu u soo ceshadana inuu adinka joojiyo ayay la noqotay. Maalintii dambe ayay sidii caadada u ahayd xaafadihii ka cabaadiyeen, wadaadkiina sidii caadada u ahayd buu adaankiisii ku dhuftay, kolkaas ayaa kaaba-mooryaankii oo shaydaankiisii dabada ka wado oo rooraya wuxuu yimid masjidkii laga adimayey, wadaadkii oo munaarada saaran, adinkiina afka ku ahaya ayuu xabbad kaga soo tuuray, nafna dhu

تفاءل ولو ضاقت

Khayr malayso xataa hadaad ciriiri gashid

Diinta inta aniga wax ii xukumaysa ayaan ogolahay!!

Nin Jamaica u dhashay iyo xaaskiisa oo Soomaali ah oo is qabtay baan u garnaqnay aniga iyo culimo Suuriyiin ah. Gabadha guriga ayuu dusha uga xiray, khubus qallalan mooyee cunto kalena ma uu siiyo, waliba uur bay leedahay. Maalin dambe ayay ka soo fakatay oo waxay timid xaafadayada. Ninkii wuxuu yiri meeshaan waxaan u nimid in aan wax ka barto, sahay yar baana wataa, cid kaloo wax isiinaysana ma jirto. Haddaba khubustaas ayaan ku joogaynaa ilaa dantaydu iiga dhamaanayso. Sababta uu guriga ugu xirayna waa inuu ka celiyo xaafadaha soomaalida ee ay aadayso ama looga imaanayo. Ninkii wuxuu na weydiiyey soo nabigu scw ma oran naagtu gurigeeda kama bixi karto itadoon ninkeeda idan ka haysan?. Tan kale soo Ilaahay ma oran: ninka hodonka ah intii awoodiisa ah (xaaskiisa) ha nafaqeeyo, ninka ciriiriga dhaqaale qabana intii Alle siiyey ha ku nafaqeeyo?. Ninkaan diinta wuxuu ka xafidsan yahay inta isaga xuquuqdiisa ka hadlaysa laakiin inta sheegaysa xuquuqda isaga lugu leeyahay waa moogy

كيف يدخل اهل الجنة للجنة مع الشيخ نايف الصحفي والشيخ منصور السالمي

NEW QEBTI 1 ISGATAGA QABYAALADA SH AXMED CABDISAMAD

وحده القلوب مقدمة على وحده الأراء وحساسية المرحلة تتطلب الأنسجام والالفة...