Skip to main content

Diinta inta aniga wax ii xukumaysa ayaan ogolahay!!


Nin Jamaica u dhashay iyo xaaskiisa oo Soomaali ah oo is qabtay baan u garnaqnay aniga iyo culimo Suuriyiin ah. Gabadha guriga ayuu dusha uga xiray, khubus qallalan mooyee cunto kalena ma uu siiyo, waliba uur bay leedahay. Maalin dambe ayay ka soo fakatay oo waxay timid xaafadayada.
Ninkii wuxuu yiri meeshaan waxaan u nimid in aan wax ka barto, sahay yar baana wataa, cid kaloo wax isiinaysana ma jirto. Haddaba khubustaas ayaan ku joogaynaa ilaa dantaydu iiga dhamaanayso. Sababta uu guriga ugu xirayna waa inuu ka celiyo xaafadaha soomaalida ee ay aadayso ama looga imaanayo.
Ninkii wuxuu na weydiiyey soo nabigu scw ma oran naagtu gurigeeda kama bixi karto itadoon ninkeeda idan ka haysan?. Tan kale soo Ilaahay ma oran: ninka hodonka ah intii awoodiisa ah (xaaskiisa) ha nafaqeeyo, ninka ciriiriga dhaqaale qabana intii Alle siiyey ha ku nafaqeeyo?.
Ninkaan diinta wuxuu ka xafidsan yahay inta isaga xuquuqdiisa ka hadlaysa laakiin inta sheegaysa xuquuqda isaga lugu leeyahay waa moogyahay ama waa ismoogaysiinayaa.
Waadi cadaabeed bay leeyihiin kuwa beegga iyo miisaanka fududeeya oo markay soo beeganayaan ka oofsada, kolkay u beegayaan ama miisaamayaana ka dhima.
Dadku uma baahna in lugu wacdiyo oo lugu dhiirrigaliyo raadsiga xuquuqdooda gaarka ah ee waxay u baahan yihiin in lugu waaniyo cafis iyo tanaasul; waayo dabci bay u tahay inay woxooda gaarka ah doontaan oo waliba ku dagaalamaan ama isku dayaan inay ka badan qaataan laakiin waxa Alle ka baqa iyo wacdiga u baahani waa inaad ka tanaasushid xaqaaga wax ka mid ah iyo inaad iska bixisid xuquuqda lugugu leeyahay.
Qur'aanku wuxuu ka hadlay qolo munaafiqiin ah oo diidaysa haddii loogu yeero Alle iyo Rasuul inay kala xukumaan laakiin hadday garta helayaan u imaanaya iyagoo hoggaansan!.
Waxaa xusid mudan in xuquuqda caamka ah ee ummadda ka dhaxaysa ay u baahantahay in raadinteeda iyo difaaceeda dadka lugu wacdiyo oo lugu dhiirrigaliyo; waayo inay isku halayn darteed u dayacanto ayaa dhici karta ama ninkaan dan gaar ah ugu jirinba ka dhuunto.
Waxaa kale oo dhici kara xilliyada dadku gumoobaan oo ay qaayibaan dullinimada iyo in la dulmiyo in loo baahdo in dadka lugu riixo raadsiga iyo dalbashada xuquuqdooda qof ahaaneed; waayo dhiirrasho la'aan iyo cabsi ay caadaysteen baa ka hortaagan.
Diintu waa wada xaq, axkaamteeduna waa wada caddaalad, mana la ogola in qayb la qaato, qaybna laga tago ee aynu diinta Alle u xukuntano, kuna qanacno, una hoggaansano; waayo ninkii diinta qeyb yeela, qeybna diida hoog adduun iyo khasaare aakhiro ayaa isugu darmanaya. Dhinaca kale yaynaan la mid noqon munaafiqiinta Qur'aanku ka waramay iyo garsoorihii eexda xukumay ee yiri: la jiifiyaana bannaan.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!