Skip to main content

Posts

Showing posts from May, 2017

Qabyaalada dadban

Maxay icraabantahay marka mareeg (website) Soomaaliyeed lugu qoro magaalada Boosaaso ee Puntland, magaalada Kismaayo ee Jubbaland, magaalada Baydhabo ee Koonfur/galbeed, magaalada Burco ee Somaliland iyo magaalada Baladweyne ee Hirshabeelle?. Qof soomaaliyeed oo far-soomaaliga akhrin kara oo aan aqoon magaalooyinkaan iyo meesha ay ku yaalaan ma jiro ee yaa kale oo far-soomaaliga akhrin karaa oo loo sheegayaa meelaha magaalooyinkaas dhacaan?. Tan kale haddaynu kaba soo qaadno in aan dadka soomaaliyeed qaybtood aqoon magaalooyinkaan iyo meelaha ay dalka kaga yaalaan ma idin la tahay ninka garan waayey Kismaayo inuu garan doono Jubbaland?. Waxaa hubaal ah si maamuladaan loo baro dadka aan aqoon in loo baahnaa in lugu baro waa dhulka ay ku yaalaan magaalooyinka Baladweyne, Boosaaso, Kismaayo, Baydhabo iyo Burco ee lidku sax maaha. Summadda xoolaha lugu dhigto caan bay ka tahay xoolaleyda dhexdooda; sidaa darteed neefkii summaddaas lugu dhigo waxaa l

Ilma sheekh iyo dhaxalka diinta

Sheekhu waa ninka diinta barta oo si dhab ah u fahma, naftiisana ku dhaqa, dadkana si xikmad leh u gaarsiiya. Ninkaas Ilaahay wuxuu siiyaa magac iyo maamuus, dadka quluubtoodana wuxuu u galiyaa kalsooni iyo kalgacayl. Kalsoonida iyo kalgacaylka loo hayo sheekha wuxuu keenaa in la jeclaado oo lugu kalsoonaado, korna loo eego cid kasta oo sheekha xiriir la leh, sida ilmihiisa, qaraabadiisa, xertiisa iwm, waxaana laga fishaa ciddaas fiicnaan iyo khayr maadaama ay sheekhii ku xirantahay. Sheekhu meekhaankaan hal mar iskama gaarin ee waddo dheer ayuu u soo maray. In sidaa loo aamino oo loo jeclaadana waxay ka dhalatay sifooyin wanaagsan oo lugu bartay iyo waxqabad fiican oo lugu arkay. Nin kasta oo cilmi barta waxaa sugaya dariiqaa dheer ee sheekhu u soo maray ictiraafka iyo horraysiinta dadweynaha. Waxaa sidaas ka duwan oo aan marayn dariiqaas dheer ilmaha sheekhu dhalay oo iyagu ka faa'iidaysta sumcadii iyo kalsoonidii aabbohood loo hayey. Haddaba hadday arrintu sid

Cadowga islaamka iyo colaadaha uu hurinayo (Qeybta 1aad)

Qormadaan oo taxane noqon doonta, in shaa’ Allaah waxaan kaga hadlaynaa ciidamada kala duwan ee ibliis u shaqeeya kuwa ay yihiin, qaybohooda, shaqooyinkooda, qaar ka mid ah tabaha ay isticmaalaan iyo siyaabihii looga hortagi lahaa. Qur’aanku wuxuu inoo sheegay inay jiraan ciidamo ibliis. Wuxuu kale oo sheegay in nabi kasta lahaa cadow mujrimiin ah. Wuxuu kale oo inoo sheegay in nabi kasta uu lahaa   cadow isugu jira shaydaano jinni ah iyo shaydaano insi ah.  Wuxuu kale oo inoo sheegay in shaydaanku inoo yahay cadow ay colaaddiisu iska caddahay. Wuxuu kale oo sheegay in gaaladu inoo yihiin col ay cadaawadiisu caddahay. Wuxuu kale oo sheegay in munaafiqiintu ay yihiin cadowga dhabta ah, wuxuuna yiri: ka digtoonow. Haddaba ciidamada ibliis ee Qur’aanku sheegay waa seddexda qolo ee aynu kor ku soo xusnay ee kala ah: shaydaan, gaal iyo munaafiq, waxayna ku midaysan yihiin (Jinni iyo insiba) tilmaamaha shaydaanimada iyo gaalnimada oo isugu jirta mid muuqata iyo mid qarsoon. 

Dr. Zakir Naik iyo duruus xeeldheer oo ku jirta dulmiga lugu hayo

Ma aha in Sheekhu argagixiso yahay iyo in dulmiga lugu hayo kaligi ku gaaryahay ee waa olole iyo qorshe guud oo bah gaalaad meelay joogaan iyo magac ay leeyihiinba isugu habar-wacdeen la dagaalanka diinta islaamka iyo dadka ku baaqaya iyaga oo u adeegsanaya magacyo iyo kaarar kala duwan. Dr. Yuusuf Qardaawi oo ka mid ah culimada caalam al-islaami ugu waaweyn baa loo diiday inuu dalka Ingiriiska dacwo u tago, dh awaana dowlada Denmarka ayaa soo saartay qaraar ay rag culimo waaweyn ah kaga mamnuucayso imaanshaha dalkeeda, ka horna waxaa lugu shirqoolay Dr. Caa'id Alqarni dalka Philippians, haddana waa tan Dr. zakir la tuhmaystay, loona kaashaday Inrepol. Saynu niri arrintu argagixisonimo iyo dhib ay gaysteen maahee waa diidmo bah gaalo isku raacsantahay in ay cid saamayn dunida ku leh samayso waxqabad weyn oo muuqda ama isbadal samayn kara. Waa hubaal inay ku taageeraan kuwa ay argagixisada ku sheegayaan hub, dhaqaale, xog iyo codba maadaama ay dano gaara

Soomaaliyeey islaamnimada iyo Qur'aanka ku farxa, waxyaabaha dadku uruursanayaan iyagaa ka khayr badane

Intaasi waa macnaha aayad Qur'aan ah oo inoo sheegaysa nicmooyinka Ilaahay inoo galay oo ah islaamnimada iyo barashada Qur'aanka inay ka wanaagsan tahay dhamaan waxyaabaha ilma aadan uruursanayaan ee ah maal, xaasas, carruur, jagooyin, shahaadooyin, aqoono, afkaaro, xirfado iwm. Nicmada Alle ina siiyey weynankeeda waxaynu aad u fahmaynaa markaynu aragno dad kaa badan caqli iyo aqoon aduunyo oo Ilaah ka dhigtay lo' ama dhagax ama xayawaano kale ama mugdi ama iftiin ama dad ama jinni iwm oo har iyo habeen cibaado ula jeensanaya wax aan ogayn cibaadadooda. Sawiradaan hoose ka eeg dad Hinduus ah oo lo' u cibaadaysanaya, waadna aragteen iyagoo faantada iyo kaadida lo'da isu dhigaya ama isku dhayaya!. Dadkaas qaar baa haysta PHD oo ah shahaadooyinka ugu sarreeya ee la qaato, isla markaasna aqoontooda iyo caqligoodu aysan ka leexin gaalnimada, kuna duwin xaqa.Halka xilligii Rasuulka ay dadka qaarkood ku soo islaameen markay arkeen SANAM-koodii

ٍSidee uga qaybqaadan kartaa difaaca Dr. Zakir Naik?

1. Ku faafi qalabka warbaahinta iyo baraha xiriirka bulshada duruusta, muxaadarooyinka iyo doodaha uu la galay madaxdiimeedyada gaalada. 2. Go'aanso oo ku dhaqaaq sidii aad meeshaa uga sii wadi lahayd dacwadii iyo diin faafintii uu wadey. Ogowna in laftiisa ay ku dhalatay inuu banii aadanka diinta islaamka ugu yeero ka dib markuu dhagaystay muxaadaro uu Sh. Axmed Diidaat ka jeediyey magaalada Mombay ee dalka Hindiya. 3. Ku difaac codkaaga iyo qalinkaaga adiga oo adeegsanaya hadba luqada aad aqoonta u leedahay oo gaarsii dadka luqadaas ku hadla. 4. Codkaaga iyo qalinkaaga ku abaabul oo ku dhiirrigali muslimiinta awoodda u leh inay arrinta sheekha wax ka qabtaan,, sida madaxda dowladaha muslinka, safaaradaha muslimiinta, hay'adaha garyqaanada, jaaliyadaha muslimiinta, hay'adaha diiniga ah ee muslimiinta. 5. In lugu abaabulo muslimiintu inay olole la garnaqsi ah ku qaadaan dowladda Hindiya, safaaradeheeda iyo ganacsatadeeda gaar ahaan kuwa ka shaqa

Waa argagixiso!

Dr. Zakir Naik waa caalim Hindi ah oo ku caanbaxay isbarbardhigga diimaha iyo la doodista madax diimeedyada gaalada, sababna u noqday soo islaamida kumanyaal gaalo ah. Wuxuu bartay cilmiga caafimaadka (dhakhtar), wuxuuse shaqadiisa u badaly ku baaqista diinta islaamka ka dib markii uu dhagaystay muxaadaro uu jeediyey Sh. Axmed Diidaat-kii ku caanbaxay la doodista Kirishtaanka. Tan iyo xilligaas Dr. Zakir wuxuu ku mashquulsanaa sidii uu dadyowga dunida u soo islaamin lahaa, ugana hortagi lahaa dicaayadaha iyo barabugaanka laga faafiyey diinta islaamka. Wuxuu aasaasay hay'ado uu islaamka ugu adeego, waxaana ugu caansan, uguna saamayn badan dhinaca warbaahinta oo uu ugu weyn yahay Peace TV oo luqado kala duwan ku hadla. Wuxuu muxaadarooyin ka jeediyey dalal badan oo dunida ah, wuxuuna doodo badan oo uu ku guulaystay la galay madax diimeedyo iyo aqoonyahano gaalo ah oo isugu jira Kirishtaan, Yuhuud, Buudiyiin, Siikh iyo Hinduus, taas oo keentay inay wadamo Kirishtaan