Skip to main content

ٍSidee uga qaybqaadan kartaa difaaca Dr. Zakir Naik?

1. Ku faafi qalabka warbaahinta iyo baraha xiriirka bulshada duruusta, muxaadarooyinka iyo doodaha uu la galay madaxdiimeedyada gaalada.
2. Go'aanso oo ku dhaqaaq sidii aad meeshaa uga sii wadi lahayd dacwadii iyo diin faafintii uu wadey. Ogowna in laftiisa ay ku dhalatay inuu banii aadanka diinta islaamka ugu yeero ka dib markuu dhagaystay muxaadaro uu Sh. Axmed Diidaat ka jeediyey magaalada Mombay ee dalka Hindiya.
3. Ku difaac codkaaga iyo qalinkaaga adiga oo adeegsanaya hadba luqada aad aqoonta u leedahay oo gaarsii dadka luqadaas ku hadla.
4. Codkaaga iyo qalinkaaga ku abaabul oo ku dhiirrigali muslimiinta awoodda u leh inay arrinta sheekha wax ka qabtaan,, sida madaxda dowladaha muslinka, safaaradaha muslimiinta, hay'adaha garyqaanada, jaaliyadaha muslimiinta, hay'adaha diiniga ah ee muslimiinta.
5. In lugu abaabulo muslimiintu inay olole la garnaqsi ah ku qaadaan dowladda Hindiya, safaaradeheeda iyo ganacsatadeeda gaar ahaan kuwa ka shaqaysta ama dagan dalalka muslimiinta, jaaliyadaha Hindiya ee dibada ku nool iwm.
6. In la soo saaro bayaano, la qabto doodo iyo shirar arrintaas lagaga hadlayo, warbaahintana la galiyo waxa ka soo baxa.
7. In la sameeyo bogag Internetka ah iyo baro bulsho oo lugu taageero Sheekha, luguna faafiyo dacawdii uu wadey.
8. In la sameeyo ururo dhallinyaro oo loogu magacdaro Sheekha oo ka shaqeeya faafinta diinta, islaamka, soo islaaminta gaalada iyo la doodista madax-diimeedka gaalada.
9. In qaddiayada Sheekha looga sheekeeyo guryaha, goobaha waxbarashada, baraha bulshadu fariisato iyo kulamada dadkeenu isugu yimaadaan.
10. In ummadda la fahamsiiyo in sheekha loola dirirayo guulaha waaweyn ee uu ka gaaray qancinta iyo soo islaaminta dad badan oo gaalo ah, sida uu uga gar helay, ugana adkaaday noocyadii gaalada ee doodda la galay, sida: Hnduuska, buudiyiinta, Siikha, Yuhuuda, Kirishtaanka iyo mulxidiinta (diin laawe) oo uu dhammaan iradaha ka soo xiray.
11. In muslimiinta la tuso sida ninkaan uga fogaa rabshad, buuq iyo muran ee uu ugu go'ay dood cilmiyaysan oo keentay in nin walba ku qanco laakiin markii uu caddeeyey in aan lo'du Ilaahyo ahayn, Ciisana ina Ilaah ahayn, uuna ku garyeeshay ayaa la yiri waa argagagixiso.
Gabagabadii waxaan rajeynayaa in ay inoo soo baxaan wiilal iyo gabdho soomaaliyeed oo aqoonyahan ah oo diinta islaamka u hiilliya, gaalada qaybeheedana cilmi iyo xujo kaga wada adkaada, been-abuurka iyo dicaayada ay islaamka ka sameeyeena burburiya sida uu yeelay Dr. Zakir Naik.
Ilaahay ha idinka wada dhigo kuwo diinta islaamka iyo ehelkeeda u hiilliya, aakhiro iyo adduuna liibaana ... Aamiin
Wiilkee ama gabadhee farta taagaya oo inoo bilaabaya???

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!