Skip to main content

Waa argagixiso!

Dr. Zakir Naik waa caalim Hindi ah oo ku caanbaxay isbarbardhigga diimaha iyo la doodista madax diimeedyada gaalada, sababna u noqday soo islaamida kumanyaal gaalo ah.
Wuxuu bartay cilmiga caafimaadka (dhakhtar), wuxuuse shaqadiisa u badaly ku baaqista diinta islaamka ka dib markii uu dhagaystay muxaadaro uu jeediyey Sh. Axmed Diidaat-kii ku caanbaxay la doodista Kirishtaanka.
Tan iyo xilligaas Dr. Zakir wuxuu ku mashquulsanaa sidii uu dadyowga dunida u soo islaamin lahaa, ugana hortagi lahaa dicaayadaha iyo barabugaanka laga faafiyey diinta islaamka.
Wuxuu aasaasay hay'ado uu islaamka ugu adeego, waxaana ugu caansan, uguna saamayn badan dhinaca warbaahinta oo uu ugu weyn yahay Peace TV oo luqado kala duwan ku hadla.
Wuxuu muxaadarooyin ka jeediyey dalal badan oo dunida ah, wuxuuna doodo badan oo uu ku guulaystay la galay madax diimeedyo iyo aqoonyahano gaalo ah oo isugu jira Kirishtaan, Yuhuud, Buudiyiin, Siikh iyo Hinduus, taas oo keentay inay wadamo Kirishtaan ah dalalkooda u diidaan, sida Maraykanka iyo Ingiriiska.
Kolkii Sheekha nashaadkiisu saameeyey dunida iyo diimaha gaaleed ee ka jiraba ayaa aakhirkii Sheekha loo maleegay shirqool iyadoo loo marayo marmarsiiyaha caanbaxay ee argagixisonimada oo ninkii muslin ah ee la maagan yahayba lugu sunto; si waxyeelayntiisa iyo aamusintiisu u xalaalowdo.
Sheekha oo ku sugan dalka Maleysia ayaa India dacwad u gudbisatay INTERPOL si looga dhigo dambiile fakad ah, aakhirkana loogu khasbo Maleysia inay u dhiibto Hindia.
Gabagabdii markii nabiyaashu ka gar helaan madaxda gaalada oo ay wax daliil iyo xujo ah waayaan waxaa caado u ahaan jirtey inay nabiyaasha ku been-abuurtaan, ka dibna awood u sheegtaan; si ay uga soo kabtaan guuldarrada kaga dhacday garnaqsigii cilmiga iyo mucjisooyinka ahaa. Maantana gaalo waxay isu bahaysatay halkaas Sheekh sidii ay u aamusin lahayd maadaama aan af iyo aqoon la isaga dhicin karin.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!