Skip to main content

Ilma sheekh iyo dhaxalka diinta

Sheekhu waa ninka diinta barta oo si dhab ah u fahma, naftiisana ku dhaqa, dadkana si xikmad leh u gaarsiiya. Ninkaas Ilaahay wuxuu siiyaa magac iyo maamuus, dadka quluubtoodana wuxuu u galiyaa kalsooni iyo kalgacayl.

Kalsoonida iyo kalgacaylka loo hayo sheekha wuxuu keenaa in la jeclaado oo lugu kalsoonaado, korna loo eego cid kasta oo sheekha xiriir la leh, sida ilmihiisa, qaraabadiisa, xertiisa iwm, waxaana laga fishaa ciddaas fiicnaan iyo khayr maadaama ay sheekhii ku xirantahay.

Sheekhu meekhaankaan hal mar iskama gaarin ee waddo dheer ayuu u soo maray. In sidaa loo aamino oo loo jeclaadana waxay ka dhalatay sifooyin wanaagsan oo lugu bartay iyo waxqabad fiican oo lugu arkay.
Nin kasta oo cilmi barta waxaa sugaya dariiqaa dheer ee sheekhu u soo maray ictiraafka iyo horraysiinta dadweynaha. Waxaa sidaas ka duwan oo aan marayn dariiqaas dheer ilmaha sheekhu dhalay oo iyagu ka faa'iidaysta sumcadii iyo kalsoonidii aabbohood loo hayey.

Haddaba hadday arrintu sidaa tahay sheekha waxaa la gudboon inuu ilmihiisa u diyaariyo inay sheekhnimada ka dhaxlaan oo uu diinta si wacan u baro, si wanaagsana ugu tarbiyeeyo, isla markaasna uu dareensiiyo, kuna tababaro xilka dacwada iyo faafinta diinta; si uu xilka uga la wareego isaga oo u tababaran.

Dhinaca kalena waxaa la gudboon ilmaha sheekhu dhalay wiilal iyo gabdhaba inay yaraantaba ugu diyaargaroobaan siday xilkaas ula wareegi lahaayeen iyagoo u qalma. Waxaa kale oo muhiim ah inay gaadaan in dadweynuhu khayr ka filanayo oo meel sare laga eegayo; sidaa darteed ay ka feejignaadaan inay noqdaan dad liita aqoon ahaan ama dhaqan ahaan ama xilkasnimo ahaan oo aysan ummadda khayrka ka filanaysa ku hungoobin.

Sheekhyadeena iyo ilmohooda
Koox arday ah oo jaamacado dhigta ayaan la kulmay. Waxaa ka mid ahaa labo uu dhalay nin sheekha ah. Waxaan weydiiyey waxa ay bartaan, mise midna diin ma barto. Waxaan kale oo weydiiyey walaalohood magaalo kale wax ka barta, mise mid diin barta kuma jiro. Waxaan ku iri ma garbaa idinka oo ilma sheikh ah in aan midkiina diinta baran?.

Dabadeed Sheekhii ayaan arkay oo arrintii kala hadlay, waxaana xusuusiyey in nabi Zakariyaa uu Ilaahay ka baryay wiil diinta iyo nabinimada ka dhaxla iyo in nin sheikh ah uu qoray kitaab uu u baxshay “Isdhaxalsiinta dacwada” oo uu kaga hadlayo sida sheekhu aqoonta diinta iyo masuuliyadeeda uu ugu diyaarin lahaa ubadkiisa. Sheekhii wuxuu ii sheegay in uu masuuliyadaas hadda rag u diyaarinayo. Culimo kale oo carruurtoodii cilmi adduunyo ku wada mashquuleen ayaan isla su’aashaas weydiiyey. Mindhaa rag badan maba ay ku baraarugin inay diyaariyaan ciddii cilmiga iyo dacwada ka dhaxli lahayd.

Dabcan diintu waa naxariis iyo fadli Ilaahay oo ummadda oo dhan loo soo dajiyey, nina nin kama xigo oo nin walba wuxuu ka qaadanayaa intii uu dadaalo, dadka culimada waaweyn noqdayna culimo ma wada dhalin, kuwa culimadu dhaaleena culimo ma wada noqon.

Gabagabadii waxaan xusuusinayaa dhammaan carruurta ay dhaleen culimada, ducaadda, macallimiinta iyo dadka ehlu-khayrka ah inay u diyaargaroobaan siday waalidiintood uga dhaxli lahaayeen cilmiga, dacwada iyo qaadista masuuliyada diinta, ayna u buuxin lahaayeen kaalintii waalidiintood, culimadana waxaan ku boorrinayaa inay isu xilqaamaan siday ilmohooda u dhaxalsiin lahaayeen cilmiga iyo dacwada.



Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!