Skip to main content

Posts

Showing posts from February, 2017

Midnimadu xaggee ka bilaabataa?

Markay ceelalyo heshiiso ayaa reer guri biyo cabbaan. Saldhigga midnimada soomaaliyeed waa in ay isku duubmaan madaxda dalka gaar ahaan baarlamaanka dhexdiisa iyo, Baarlamaanka iyo madaxtooyada , iyo madaxtooyada iyo golaha wasiirada. Waxaa iyana saldhig ah in madaxda dowlada dhexe oo isku duuban xiriir adag la leeyihiin madax goboleedyada oo aysan dhicin in la isu adeegsado golayaasha dowlada ama dowlada iyo fowlad goboleedyada. Haddii madaxda dowlada nin walba ama gole kasta fowlad goboleed walba gaarkiisa isugu dayo inuu awood u yeesho uma suurtoobayso, awooddii dawlada iyo tii ummadduna way wiiqmaysaa. Haddaba waxaa la gudboon madaxweynaha cusub inuu dadka ka wada dhigo hal xisbi oo u midoobay xaqiijinta danaha danta diinta, dadka iyo dalka ee aysan u qaybsamin mucaarad iyo muxaafid. Waxaa muhiim ah in aan dib loo milicsan marxaladii ololaha doorashada iyo wixii ragga dhexmaray ee lugu mashquulo mustaqbalka iyo sidii wax weyn loo wada qaban lahaa; w

Ilaahay quluubteena ha mideeyo

Ilaahay wuxuu nabiga ku yiri: "Ilaahay waa kan kugu xoojiyey hiilkiisa iyo mu'miniinta, Isla markaasna isu dumay quluubtooda" Mu'miniinta loogu hiilliyey waa kuwo Ilaahay quluubtooda isu dumay oo isjecel, iskuna duuban. Haddii aysan sidaas ahayn ee ay noqdaan dad kala daadsan ama col isu ah nabiga waxba uma tari kareen. Soomaali haddaysan quluubta iska jeclaan oo ka midoobin dhib haysata iskama qaadi karto, horumarna ma gaari karto; waayo awooddii ay wax ku qabsan lahaayeen a yay u isticmaalayaan inay iyagu isku dhibaan. Haddaba xooggeenu ha galo meel aynu joognaba sidii dadkeenu u walaaloobi lahaa, una midoobi lahaa, ugana xoroobi lahaa waxyaabaha kala geynaya oo ay u horreeyaan cuqdada, qabyaalada iyo caddaalad darrada.

Maxay ku nuugtaa, maxayse ka nuugtaa?

Dhurwaa aaminimo sheegtay ayaa hal iyo nirigteedii la raaciyey. Dabcigiisii dhurwaanimada ayaa ka adkaaday, kolkaas ayuu go'aansaday inuu hasha iyo nirigta ka cuno meelo aan laga dareemi karin. Hashii wuxuu ka goostay naasaha, nirigtiina wuxuu ka goostay faruuryaha. Dabadeed markii loo yimid baa la yiri nirigta hasha u soo daa. Kolkaas buu gartay inuu fashilan yahay. Qosol buu la dhacay , wuxuuna yiri : maxay ku nuugtaa illaa anaa nirigt a bushimihii ka goostaye, maxayse hasha ka nuugtaa illaa anaa naasihii ka cunaye!. Madaxda soomaalida badankeeda dhaqan bay u noqotay in xoolaha dowlada la xado ilaa ay gaartey heer aan la iskulaba yaabin. Sidaas oo ay tahay waxaa kale oo caado noqotay in lugu khudbeeyo musuqmaasuq ma ogoli iwm laakiin waxaa yaab noqotay inay xadaan mushaarkii Shaqaalaha oo ay noqdaan dhurwaagii hasha iyo nirigteeda la raaciyey oo faruuryaha iyo naasaha ka goostay. Gabagabadii yaan xoolaha ummadda la xadin. Haddaan la daynayn wixii xadmi kara