Ilaahay wuxuu nabiga ku yiri: "Ilaahay waa kan kugu xoojiyey hiilkiisa iyo mu'miniinta, Isla markaasna isu dumay quluubtooda"
Mu'miniinta loogu hiilliyey waa kuwo Ilaahay quluubtooda isu dumay oo
isjecel, iskuna duuban. Haddii aysan sidaas ahayn ee ay noqdaan dad kala
daadsan ama col isu ah nabiga waxba uma tari kareen.
Soomaali
haddaysan quluubta iska jeclaan oo ka midoobin dhib haysata iskama qaadi
karto, horumarna ma gaari karto; waayo awooddii ay wax ku qabsan
lahaayeen ayay u isticmaalayaan inay iyagu isku dhibaan.
Haddaba xooggeenu ha galo meel aynu joognaba sidii dadkeenu u
walaaloobi lahaa, una midoobi lahaa, ugana xoroobi lahaa waxyaabaha kala
geynaya oo ay u horreeyaan cuqdada, qabyaalada iyo caddaalad darrada.
Comments
Post a Comment