Skip to main content

Posts

Showing posts from 2017

Sida loo xalliyo khilaafaadka || sh Axmed Cabdisamad

MIDEYNTA UMMADA SOMAALIYEED PART 1 AXMAD CABDULSAMAD

Ma taqaan qabiilka soomaali ugu xun?

Waa qabiilka aadan dadkiisa iyo dhaqankiisa aqoon, isla markaasna warbixin xun lagaa siiyey. Arrintaa waxaa caddaynaya sheekadaan: Wuxuu igu yiri: reer hebel waa dad xun oo wax khayr leh luguma arko!. Waxaan ku iri: hebel ma taqaan?. Wuxuu yiri: waan aqaan oo waa nin fiican. Ok, hebel ma taqaan?. Haa waa aqaan, isna waa nin fiican. Waxaan u tiriyey ilaa toddobo nin oo qabiilkaas u dhashay oo uu wada yaqaan, wuxuuna yiri kulligood waa rag wanaagsan!. Waxaan ku iri: haddaba reer hebel ma xuma ee inta aadan aqoon ayaa xun; waayo raggii aad qabiilkaas ka taqaaney waad wada ammaantay. Taa macneheedu waxaa weeye inta aadan aqoon ayaa xun, magicii qabiilkana inta aadan aqoon ee kula xumayd ayaad siisay!. Waxaa kale oo meesha ku jira in ragga noocaaga oo kale ah ay qabiilkaas ka yaqaanaan rag aan ahayn kuwa aad taqaanid oo iyaguna ay oranayaan inta aan naqaan mooyee inta kale ayaa xun. Haddii la isku daro nin walba inta uu qabiilkaas ka yaqaan maxaad filaysaa?. Dhinac

Kulan Cilmiyeed kii kasocday Garowe oo lasoo afmeeray Iyo Darsigii Sh Ax...

MIDEYNTA UMMADA SOMAALIYEED PART 1 AXMAD CABDULSAMAD

Abshir Bacadle iyo Maxamed Tahaliil .. labo nin oo si gaara iiga dhintay

Abshir Bacadle iyo Maxamed Tahaliil labo nin oo agtayda qiime weyn ka leh ayay ahaayeen, Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu agtiisa ku darajeeyo. Waxaan rajo weyn ka qabey inaan rag ay labadoodu ka mid yihiin isu kaashano walaalaynta bulshada soomaaliyeed iyo salgoynta cuqdadaha iyo kala shakiga dadkeena la dhex dhigay. Sheekh Abwaan Abshir (Alle ha u naxariistee) tii Alle ayaa u timid aniga oo ay igu weyntahay in aan isu helno waqti dheer oo aan arrintaas kaga arrinsanayno. Waxaa samirsiin noo ah aniga iyo dadkeena oo dhan inuu noloshiisii qabtay intii ku aaddanayd waliba annaga oo aan ku caawin, kuna guubaabin. Wuxuu inoo ka tagey dhaxal suugaaneed oo kaalin weyn ka qaadanaysa walaalynta dadkeena iyo ciribtirka qabyaaladda. Maxamed Tahaliil (Alle ha u naxariistee) wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah oo isku darsaday diin, firfircooni, garasho iyo dadaal badan dhinacyo badan leh. Maxamed tahaliil waxaan u sheegay in aan doonayo in aan dadkeena walaalayno oo isku kalsoo

Saaka dareenkaygu Somaliland buu jiraa

Toddobaadyadii la soo dhaafay dareenkeenu xagga Xamar cadde ayuu u sii jeeday iyo dadkeenii cadaawuhu ku gumaaday laakiin saaka dareenkeenu xaggaa iyo Somaliland buu u sii jeedaa oo waxaa wadnaha farta lagaga hayaa sida doorashadu ku dhammaanayso. Ilaahow sidii khayr ah oo diinta iyo ummadda dan u ah noogu dhammee. Walwalka badan ee dadkeena meelay joogaanba haya maaha ninkee madaxweyne noqon doona ee waa doorashadu si nabad ah ma nagaga dhammaan doontaa?. Haddii doorashadu nabad inoogu dhammaato waxaan rajeynaynaa in aan wax dhib ah oo ka dambeeyaa dhicin. Shaki ma leh in aynu u baahanahay inuu soo boxo madaxweyne wanaagsan oo diinta iyo ummadda waxtaraya ama ugu yaraan aan dhib u geysanayn laakiin waxaynu ka hadlaynaa in aanay inagu dhicin "wax badso wax beel bay leedahay" . Ilaahow nabadgalyo noogu dhammee, inta tartamaysa kan noogu nafci badana noo soo saar.

MIDEYNTA UMMADA SOMAALIYEED PART 1 AXMAD CABDULSAMAD

Jihaadka ujeeddooyinkiisa iyo axkaamtiisa waa in lugu dhigo iskoolada iyo jaamacadaha

Shareecada islaamku waxay u timid inay xaqiijiso danaha addoomada ee adduun iyo aakhiro iyo inay ka hortagto waxyaabaha addoomada dhibaya adduun iyo aakhiro. Jihaadku wuxuu ka mid yahay shacaa'irta (calaamadaha) waaweyn ee diinteena, waana islaamka kuruskiisa meesha ugu sarraysa, wuxuuna leeyahay fadli aad iyo aad u weyn. Ilaahay wuxuu jihaadka u jideeyey in diinta lugu koryeelo, dulmigana lagaga hortago, arrintaas oo lugu xaqiijiyo danaha addoomada, lagagana badbaadiyo dhibaatooyinka. Dagaallada maanta dunida ka socda ee magaca jihaadka wata badankoodu diinta ma koryeelayaan mise hoos bay u dhigayaan?. Dagaalladaas ma suulinayaan dulmiga mise way sii kordhinayaan?. Dagaalladaas ma xaqiijinayaan danaha addoomada ee adduun iyo aakhiro mise wayba fasaadinayaan?. Dadka ay la dirirayaan iyo kuwa ay gumaadayaanse ma yihiin dadkii lugu jihaadi lahaa mise waa dadkii in jihaadka lugu difaaco la rabey?. Ma yihiin dagaalladaas kuwo ajar iyo fadli lagaga helayo Alle agtiisa?.

Kaniisada Hargeysa inay tijaabo ahayd maxaa ka jira?

Ninkii saaxiibkay u waramay wuxuu yiri: magaalooyinka muhiimka ah ee soomaaliyeed oo dhan mashruucyo ayaa u diyaarsanaa, waxaana la qorsheeyey haddii furitaanka kaniisada Hargeysa hirgalo in magaalooyinka kalena lagaga dhawaaq,o iyadoo xujo laga dhiganayo Hargeysaba waa laga furay, dawladuna waa ogolaatay, culimada Hargeysana kama hor-imaan ee miyaydnaan isku dad iyo isku diin ahayn?. Arrintaas waxaa la mid ah hay'ad mar ho re wadaado ka saxiixatay in aan diinta islaamku qabin gudniinka gabdhaha, ka dibna ay meel walba oo ay shir gudniin ku qabtaan culimadii ku dhahayeen culimada magaalo hebla ayaa noo saxiixday ee miyaydnaan isku diin ahayn?. Waxaa kale oo lugu doodi lahaa in kaniisadahaan loo dhisayo shaqaalaha hay'adaha ajnabiga ah iyo soomaalida masiixiyada qaadatay!. Ninkii wuxuu yiri magaaladaan hebelkaas reer hebel baa mashruuca kaniisada u qaabilsan!. Haddaba xogtaan dhawr arrimood oo muhiim ah ayay ina tusaysaa: 1. Hadalka kaniisada ku s

Qabyaalada dadban

Maxay icraabantahay marka mareeg (website) Soomaaliyeed lugu qoro magaalada Boosaaso ee Puntland, magaalada Kismaayo ee Jubbaland, magaalada Baydhabo ee Koonfur/galbeed, magaalada Burco ee Somaliland iyo magaalada Baladweyne ee Hirshabeelle?. Qof soomaaliyeed oo far-soomaaliga akhrin kara oo aan aqoon magaalooyinkaan iyo meesha ay ku yaalaan ma jiro ee yaa kale oo far-soomaaliga akhrin karaa oo loo sheegayaa meelaha magaalooyinkaas dhacaan?. Tan kale haddaynu kaba soo qaadno in aan dadka soomaaliyeed qaybtood aqoon magaalooyinkaan iyo meelaha ay dalka kaga yaalaan ma idin la tahay ninka garan waayey Kismaayo inuu garan doono Jubbaland?. Waxaa hubaal ah si maamuladaan loo baro dadka aan aqoon in loo baahnaa in lugu baro waa dhulka ay ku yaalaan magaalooyinka Baladweyne, Boosaaso, Kismaayo, Baydhabo iyo Burco ee lidku sax maaha. Summadda xoolaha lugu dhigto caan bay ka tahay xoolaleyda dhexdooda; sidaa darteed neefkii summaddaas lugu dhigo waxaa l

Ilma sheekh iyo dhaxalka diinta

Sheekhu waa ninka diinta barta oo si dhab ah u fahma, naftiisana ku dhaqa, dadkana si xikmad leh u gaarsiiya. Ninkaas Ilaahay wuxuu siiyaa magac iyo maamuus, dadka quluubtoodana wuxuu u galiyaa kalsooni iyo kalgacayl. Kalsoonida iyo kalgacaylka loo hayo sheekha wuxuu keenaa in la jeclaado oo lugu kalsoonaado, korna loo eego cid kasta oo sheekha xiriir la leh, sida ilmihiisa, qaraabadiisa, xertiisa iwm, waxaana laga fishaa ciddaas fiicnaan iyo khayr maadaama ay sheekhii ku xirantahay. Sheekhu meekhaankaan hal mar iskama gaarin ee waddo dheer ayuu u soo maray. In sidaa loo aamino oo loo jeclaadana waxay ka dhalatay sifooyin wanaagsan oo lugu bartay iyo waxqabad fiican oo lugu arkay. Nin kasta oo cilmi barta waxaa sugaya dariiqaa dheer ee sheekhu u soo maray ictiraafka iyo horraysiinta dadweynaha. Waxaa sidaas ka duwan oo aan marayn dariiqaas dheer ilmaha sheekhu dhalay oo iyagu ka faa'iidaysta sumcadii iyo kalsoonidii aabbohood loo hayey. Haddaba hadday arrintu sid

Cadowga islaamka iyo colaadaha uu hurinayo (Qeybta 1aad)

Qormadaan oo taxane noqon doonta, in shaa’ Allaah waxaan kaga hadlaynaa ciidamada kala duwan ee ibliis u shaqeeya kuwa ay yihiin, qaybohooda, shaqooyinkooda, qaar ka mid ah tabaha ay isticmaalaan iyo siyaabihii looga hortagi lahaa. Qur’aanku wuxuu inoo sheegay inay jiraan ciidamo ibliis. Wuxuu kale oo sheegay in nabi kasta lahaa cadow mujrimiin ah. Wuxuu kale oo inoo sheegay in nabi kasta uu lahaa   cadow isugu jira shaydaano jinni ah iyo shaydaano insi ah.  Wuxuu kale oo inoo sheegay in shaydaanku inoo yahay cadow ay colaaddiisu iska caddahay. Wuxuu kale oo sheegay in gaaladu inoo yihiin col ay cadaawadiisu caddahay. Wuxuu kale oo sheegay in munaafiqiintu ay yihiin cadowga dhabta ah, wuxuuna yiri: ka digtoonow. Haddaba ciidamada ibliis ee Qur’aanku sheegay waa seddexda qolo ee aynu kor ku soo xusnay ee kala ah: shaydaan, gaal iyo munaafiq, waxayna ku midaysan yihiin (Jinni iyo insiba) tilmaamaha shaydaanimada iyo gaalnimada oo isugu jirta mid muuqata iyo mid qarsoon. 

Dr. Zakir Naik iyo duruus xeeldheer oo ku jirta dulmiga lugu hayo

Ma aha in Sheekhu argagixiso yahay iyo in dulmiga lugu hayo kaligi ku gaaryahay ee waa olole iyo qorshe guud oo bah gaalaad meelay joogaan iyo magac ay leeyihiinba isugu habar-wacdeen la dagaalanka diinta islaamka iyo dadka ku baaqaya iyaga oo u adeegsanaya magacyo iyo kaarar kala duwan. Dr. Yuusuf Qardaawi oo ka mid ah culimada caalam al-islaami ugu waaweyn baa loo diiday inuu dalka Ingiriiska dacwo u tago, dh awaana dowlada Denmarka ayaa soo saartay qaraar ay rag culimo waaweyn ah kaga mamnuucayso imaanshaha dalkeeda, ka horna waxaa lugu shirqoolay Dr. Caa'id Alqarni dalka Philippians, haddana waa tan Dr. zakir la tuhmaystay, loona kaashaday Inrepol. Saynu niri arrintu argagixisonimo iyo dhib ay gaysteen maahee waa diidmo bah gaalo isku raacsantahay in ay cid saamayn dunida ku leh samayso waxqabad weyn oo muuqda ama isbadal samayn kara. Waa hubaal inay ku taageeraan kuwa ay argagixisada ku sheegayaan hub, dhaqaale, xog iyo codba maadaama ay dano gaara

Soomaaliyeey islaamnimada iyo Qur'aanka ku farxa, waxyaabaha dadku uruursanayaan iyagaa ka khayr badane

Intaasi waa macnaha aayad Qur'aan ah oo inoo sheegaysa nicmooyinka Ilaahay inoo galay oo ah islaamnimada iyo barashada Qur'aanka inay ka wanaagsan tahay dhamaan waxyaabaha ilma aadan uruursanayaan ee ah maal, xaasas, carruur, jagooyin, shahaadooyin, aqoono, afkaaro, xirfado iwm. Nicmada Alle ina siiyey weynankeeda waxaynu aad u fahmaynaa markaynu aragno dad kaa badan caqli iyo aqoon aduunyo oo Ilaah ka dhigtay lo' ama dhagax ama xayawaano kale ama mugdi ama iftiin ama dad ama jinni iwm oo har iyo habeen cibaado ula jeensanaya wax aan ogayn cibaadadooda. Sawiradaan hoose ka eeg dad Hinduus ah oo lo' u cibaadaysanaya, waadna aragteen iyagoo faantada iyo kaadida lo'da isu dhigaya ama isku dhayaya!. Dadkaas qaar baa haysta PHD oo ah shahaadooyinka ugu sarreeya ee la qaato, isla markaasna aqoontooda iyo caqligoodu aysan ka leexin gaalnimada, kuna duwin xaqa.Halka xilligii Rasuulka ay dadka qaarkood ku soo islaameen markay arkeen SANAM-koodii

ٍSidee uga qaybqaadan kartaa difaaca Dr. Zakir Naik?

1. Ku faafi qalabka warbaahinta iyo baraha xiriirka bulshada duruusta, muxaadarooyinka iyo doodaha uu la galay madaxdiimeedyada gaalada. 2. Go'aanso oo ku dhaqaaq sidii aad meeshaa uga sii wadi lahayd dacwadii iyo diin faafintii uu wadey. Ogowna in laftiisa ay ku dhalatay inuu banii aadanka diinta islaamka ugu yeero ka dib markuu dhagaystay muxaadaro uu Sh. Axmed Diidaat ka jeediyey magaalada Mombay ee dalka Hindiya. 3. Ku difaac codkaaga iyo qalinkaaga adiga oo adeegsanaya hadba luqada aad aqoonta u leedahay oo gaarsii dadka luqadaas ku hadla. 4. Codkaaga iyo qalinkaaga ku abaabul oo ku dhiirrigali muslimiinta awoodda u leh inay arrinta sheekha wax ka qabtaan,, sida madaxda dowladaha muslinka, safaaradaha muslimiinta, hay'adaha garyqaanada, jaaliyadaha muslimiinta, hay'adaha diiniga ah ee muslimiinta. 5. In lugu abaabulo muslimiintu inay olole la garnaqsi ah ku qaadaan dowladda Hindiya, safaaradeheeda iyo ganacsatadeeda gaar ahaan kuwa ka shaqa

Waa argagixiso!

Dr. Zakir Naik waa caalim Hindi ah oo ku caanbaxay isbarbardhigga diimaha iyo la doodista madax diimeedyada gaalada, sababna u noqday soo islaamida kumanyaal gaalo ah. Wuxuu bartay cilmiga caafimaadka (dhakhtar), wuxuuse shaqadiisa u badaly ku baaqista diinta islaamka ka dib markii uu dhagaystay muxaadaro uu jeediyey Sh. Axmed Diidaat-kii ku caanbaxay la doodista Kirishtaanka. Tan iyo xilligaas Dr. Zakir wuxuu ku mashquulsanaa sidii uu dadyowga dunida u soo islaamin lahaa, ugana hortagi lahaa dicaayadaha iyo barabugaanka laga faafiyey diinta islaamka. Wuxuu aasaasay hay'ado uu islaamka ugu adeego, waxaana ugu caansan, uguna saamayn badan dhinaca warbaahinta oo uu ugu weyn yahay Peace TV oo luqado kala duwan ku hadla. Wuxuu muxaadarooyin ka jeediyey dalal badan oo dunida ah, wuxuuna doodo badan oo uu ku guulaystay la galay madax diimeedyo iyo aqoonyahano gaalo ah oo isugu jira Kirishtaan, Yuhuud, Buudiyiin, Siikh iyo Hinduus, taas oo keentay inay wadamo Kirishtaan

Waraysi ku saabsan Jamaacada Assaadicuuna Bil Xaq (Qeybta 3aad)

11. dowlada Puntland waxay soo jeedisay in lala yimaado istraatijiyad lagaga hortago kooxdan iyadoo la kaashanayo culumada iyo dowladda federaalka. Maxay noqonaysaa istartaajiyaddaas: ma in jamaacada xoog lagu muquuniyaa sida Somaliland ay samaysay, mise waa xal kale? Jawaab: horta in baadilka ama qaladka laga hortago waa waajib muslimiinta oo dhan saaran qof walba intii awooddiisa ah gaar ahaan dowlada iyada oo la marayo maraatibtii inkirida munkarka (xoog, carrab iyo qalbi). Mid kasta oo maraatibtaas ka mid ahna waa la isticmaali karaa markii uu noqdo xalka ugu wanaagsan. Tan labaad culimada iyo maamulada ka jira meelaha kala duwan iyagaa qiimeyn kara nooca ay yihiin dadka fikradaan xambaarsan ee deegaankooda jooga iyo habka ugu habboon ee loo daweyn karo. Midda kale jamaacadan waxay soo bandhigtay waxay aaminsanayd ama la saxnaa, fahamkeeda qaldana kuma ay tarjumin fal-dambiyeedyo. Haddaba masuuliyada koowaad ee dowlada iyo culimada saaran waa inay raggaas qanciyaa