Skip to main content

Kaniisada Hargeysa inay tijaabo ahayd maxaa ka jira?


Ninkii saaxiibkay u waramay wuxuu yiri: magaalooyinka muhiimka ah ee soomaaliyeed oo dhan mashruucyo ayaa u diyaarsanaa, waxaana la qorsheeyey haddii furitaanka kaniisada Hargeysa hirgalo in magaalooyinka kalena lagaga dhawaaq,o iyadoo xujo laga dhiganayo Hargeysaba waa laga furay, dawladuna waa ogolaatay, culimada Hargeysana kama hor-imaan ee miyaydnaan isku dad iyo isku diin ahayn?.

Arrintaas waxaa la mid ah hay'ad mar hore wadaado ka saxiixatay in aan diinta islaamku qabin gudniinka gabdhaha, ka dibna ay meel walba oo ay shir gudniin ku qabtaan culimadii ku dhahayeen culimada magaalo hebla ayaa noo saxiixday ee miyaydnaan isku diin ahayn?.
Waxaa kale oo lugu doodi lahaa in kaniisadahaan loo dhisayo shaqaalaha hay'adaha ajnabiga ah iyo soomaalida masiixiyada qaadatay!.

Ninkii wuxuu yiri magaaladaan hebelkaas reer hebel baa mashruuca kaniisada u qaabilsan!.
Haddaba xogtaan dhawr arrimood oo muhiim ah ayay ina tusaysaa:
1. Hadalka kaniisada ku saabsan ee naagtu sida iyo meesha siloon ka jeedisay wuxuu u socday in si sibiq ah oo sahlan mashruucu ku hirgalo iyadoon culimada iyo dadweynuhu aad ugu baraarugin; si hadhow magaalooyinka kalee soomaaliyeed halaq-mareen looga dhigto, iyadoo lugu andacoonayo reer Hargeysaba way aqbaleen.

2. Arrinta kaniisadu inay ahayd moolin ama cabbir laga qaadayey dadweynaha soomaaliyeed, culimadooda iyo maamuladooda inta ay qodan yihiin ama ay sirmi karaan ama loo cagajuglayn karo. Tijaabadaas raggii qaadayna maanta xog ay tolkood u geeyaan way heleen.

3. In dadka baadilka iyo gaalnimada faafiyaa isticmaalaan tabo iyo xeelado xeeldheer oo dadweynaha lugu dagi karo, ciddii wacyi yari ama dhoohnaan laga helana la marsanayo laakiin culimo iyo dadweyne soojeeda ayay la kulmeen.

 4. In culimada reer Hargeysa, dadweynahooda iyo maamulkooduba u babac-dhigeen weerar saf ballaaran ah oo soomaali oo dhan ku socday, ayna mudan yihiin in loo mahadceliyo, loona duceeyo..

 5. In dadweynaha soomaaliyeed meelay joogaanba ay ka feejignaadaan dhagarta iyo shirqoolada diintooda iyo dalkooda loo maleegayo, ayna u dhug lahaadaan dhaqdhaqaaqyada iyo hawlaha ay wadaan hay'adaha dalka ka shaqeeya iyo shaqaalohoodaba; si aynaan u gabgab oran goor xeero iyo fandhaal kala dheceen.

 6. In qofkii ogaada dhaqdhaqaaqyo gaalaysiin iyo fasaadin ah oo ay hay'adaha ama cid kale wado ay dhaqso ugu gudbiyaan culimada, maamulada iyo saxaafadaba; si tillaabo ku habboon oo degdeg ah looga qaado. Waliba waxaa loo baahan yahay in aan sharka la yaraysan, wax ka qabadkiisana aan dib loo dhigan.

 Gabagabadii qof kasta oo muslim ah xil baa ka saaran ilaalinta diinta, dadkeeda iyo dalkoodaba gaar ahaan dadka bulshada hormuudka u ah ee ay ugu horreeyaan culimada, hooggaanka siyaasada iyo hoggaanka dhaqanku ee qof walba iyo qolo walba xilkeeda sida ugu fiican ha u gudato.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!