Skip to main content

Posts

Showing posts from October, 2017

MIDEYNTA UMMADA SOMAALIYEED PART 1 AXMAD CABDULSAMAD

Jihaadka ujeeddooyinkiisa iyo axkaamtiisa waa in lugu dhigo iskoolada iyo jaamacadaha

Shareecada islaamku waxay u timid inay xaqiijiso danaha addoomada ee adduun iyo aakhiro iyo inay ka hortagto waxyaabaha addoomada dhibaya adduun iyo aakhiro. Jihaadku wuxuu ka mid yahay shacaa'irta (calaamadaha) waaweyn ee diinteena, waana islaamka kuruskiisa meesha ugu sarraysa, wuxuuna leeyahay fadli aad iyo aad u weyn. Ilaahay wuxuu jihaadka u jideeyey in diinta lugu koryeelo, dulmigana lagaga hortago, arrintaas oo lugu xaqiijiyo danaha addoomada, lagagana badbaadiyo dhibaatooyinka. Dagaallada maanta dunida ka socda ee magaca jihaadka wata badankoodu diinta ma koryeelayaan mise hoos bay u dhigayaan?. Dagaalladaas ma suulinayaan dulmiga mise way sii kordhinayaan?. Dagaalladaas ma xaqiijinayaan danaha addoomada ee adduun iyo aakhiro mise wayba fasaadinayaan?. Dadka ay la dirirayaan iyo kuwa ay gumaadayaanse ma yihiin dadkii lugu jihaadi lahaa mise waa dadkii in jihaadka lugu difaaco la rabey?. Ma yihiin dagaalladaas kuwo ajar iyo fadli lagaga helayo Alle agtiisa?.