Skip to main content

Posts

Showing posts from March, 2013

Warbixin: Muuqaalka iyo meeqaanka dugsiga sare ee Cumar Samatar

Dugsiaga sare ee Cumar Samatar waxaa dhismihiisa laga bilaabay magaalada Gaalkacyo sannadkii 1968kii, wuxuuna furmay sannad dugsiyeedkii 1970/1971. Dugsigu wuxuu la xirmay burburkii dowladda, wuxuuna dib u furmay 1999kii. Tan iyo markii dib loo furay waxaa ka qalinjabiyey toban dufcadood. Ardayda tobankaas dufcadood ka baxday waxay kor u dhaafaysaa 1400 arday. Tirada ardayda dufcada 11aad ee sannadkaan qalinjabinaysana waxay gaaraysaa 370 arday. Dugsiga oo labada galinba shaqeeya tirada ardayda hadda wax ka barata waxay gaaraysaa 2238 arday, waxaana wax ka dhiga 34 macallin oo kala bar ay yihiin jaamiciyiin, toban ka midana ay yihiin ardaydii horey dugsiga uga qalinjabisay . Dugsiga Cumar Samatar wuxuu ka mid yahay kuwa ugu qadiimsan, uguna magaca iyo taariikhda dheer dugsiyada sare ee dalka gaar ahaan gobolka Mudug, wuxuuna leeyahay maktabad akhris ah, hool shirar oo weyn, shaybaar Saynis , shaybaar Kumbuyuutar. Waxaa kale oo sannadahaan dambe aad xoog loo saaray luqada cara