Dugsiaga sare ee Cumar Samatar waxaa dhismihiisa laga
bilaabay magaalada Gaalkacyo sannadkii 1968kii, wuxuuna furmay sannad dugsiyeedkii
1970/1971.
Dugsigu wuxuu la xirmay burburkii dowladda, wuxuuna dib u
furmay 1999kii. Tan iyo markii dib loo furay waxaa ka qalinjabiyey toban
dufcadood. Ardayda tobankaas dufcadood ka baxday waxay kor u dhaafaysaa 1400
arday. Tirada ardayda dufcada 11aad ee sannadkaan qalinjabinaysana waxay
gaaraysaa 370 arday.
Dugsiga oo labada galinba shaqeeya tirada ardayda hadda wax
ka barata waxay gaaraysaa 2238 arday, waxaana wax ka dhiga 34 macallin oo kala
bar ay yihiin jaamiciyiin, toban ka midana ay yihiin ardaydii horey dugsiga uga
qalinjabisay .
Dugsiga Cumar Samatar wuxuu ka mid yahay kuwa ugu qadiimsan,
uguna magaca iyo taariikhda dheer dugsiyada sare ee dalka gaar ahaan gobolka
Mudug, wuxuuna leeyahay maktabad akhris ah, hool shirar oo weyn, shaybaar
Saynis , shaybaar Kumbuyuutar. Waxaa kale oo sannadahaan dambe aad xoog loo
saaray luqada carabiga iyo tarbiyada islaamka oo dugsigu uu horay ugu liitay.
Waxaa kale oo sare loo
qaaday anshaxa iyo suluugga ardayda oo ah mid aad u wanaagsan. Ardayda dugsigu
waxay leeyihiin urur isku xira oo ka qaybqaata nadaafadda iyo dayactirka
dugsiga.
Maamulaha dugsiga Ustaad Siciid Maxamed Xasan ayaa warbixin
faahfaahsan naga siiyey dugsiga, wuxuuna noo sheegay in dugsigu kaalimaha
koowaad kaga jiro dhinaca aqoonta, waxaana kalimad waano iyo dhiirrigalin ah u
jeedinay ardayda, ka dibna maamulaha ayaa nagu soo wareejiyey qaybaha kala
duwan ee dugsiga.
Warbixintii maamulaha iyo kulankii ardaydu wuxuu nagu
dhaliyey inaan talooyin lagu hormarinayo dugsigaan usoo jeedino dadka deegaanka
gaar ahaan aqoonyahanka maadaama uu yahay dugsi leh ahmiyad gaara, saamayn weyna
ku leh mustaqbalka dalka gaar ahaan gobolka Mudug; waayo waa dugsiga sare ee
ugu da’da weyn uguna ardayda badan dugsiyada sare ee gobolka, ardaydiisu inay
hagaagtana waxay qayb weyn ka qaadanaysaa hagaagista deegaanka iyo dadkiisa.
Talo soo
jeedin:
1. Maadaama
ardaydaani yihiin hoggaankii mustaqbalka waa in si gaara la isaga xilsaaro sare
u qaadista aqoontooda, wacyigooda, moralkooda, xilkasnimadooda, isfahamkooda
iyo walaalnimadooda.
2. In laga ilaaliyo
dhaqamada xunxun ee doolka ah iyo kuwa bulshada Soomaaliyeed ragaadiyey gaar
ahaan qabyaaladda oo aqoonyahanka iyo jaahilka ka dhigaysa isku fakar iyo isku
shaqo.
3. In ardayda lagu
guubaabiyo, laguna caawiyo barashada diinta iyo ku dhaqankeeda; waayo barashada
iyo ku dhaqanka diintu waa waajibka ugu weyn ee Alle dadka saaray, tan labaad
da’yarta waxaa olole weyn iyo marinhabaabin ku haya dad aan khayr la doonayn,
sida ugu sahlan ee looga hortagi karana waa inay diinta bartaan, wacyigooda
sare loo qaado.
4. In aqoonyahanka
iyo waxgaradka gobolku si gaara ugu dadaalaan tayaynta iyo taageerida dugsiga.
5. In xiriir dhaw
loo sameeyo ardayda dugsiga iyo ardayda dugsiyada kale ee gobolka, ayna wada
fuliyaan hawlo lagu hormarinayo aqoonta iyo wacyiga bulshada; si loo xoojiyo isbarashadooda
iyo isku xirnaantooda.
Axmed C/samad
Facebook: sh. Axmed Cabdisamad
Twitter: @alwaqaar1
Comments
Post a Comment