Skip to main content

Posts

Showing posts from June, 2013

Hoggaamiyaha Al-Shabaab oo bayaan ka soo saaray garabka ka soo horjeestay

Qoraal lagu daabacay barta Internetka ee lagu magacaabay   Aljahad   oo inta badan lagu faafiyo qoraalada ururka Al-qaacid ayaa waxaa lagu faafiyey maanta bayaan loo tiiriyey ururka Al-shabaab gaar ahaan hogaankooda sare  , bayaanka ayaa waxaaa laguu magac daray  “ Tani waa Fariin wadareen ku socota Bulshada”                Bayaanka loo tiiriyey hogaanka Sare ee Al-shabaab  ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili maalmihii u danbeeyey mareegaha Internetka  la soo dhigay Bayaano,qoraalo , Waraysiyo si gaar ah looga cabanayo Hogaamiyaha Ururka  Al-shabaab Axmed Cabdi Godane. Bayaanaadkii iyo waraysiyadii la soo dhigay baraha internetka ayaa waxaa soo dhigay:- 1-Ibraahim Xaji Jaamac Miicaad (Afgaani) 2-Abu Mansuur Al-amriiki 3-Zubeyr Al-muhaajir 4-Sh  Xassan Daahir Aweys Eedeynaha ay u soo jeediyeen  masuuliyiintaan  Hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa waxaa ka mid ah:- 1-In isku xukumidii Kitaabka Allaah inay noqotay mid ay ka saramartay kaligii talinimo iyo wadatash

MachadKA Al-Sunna ee Muqdisho Oo Xaflad Qalinjabin ah u Qabtay Ardeyda Dufcadii 8-Aad

Machadka Barashada Diinta & Dhaqanka Islaamka ee Al-SUNNA ayaa Xaflad Qalin jabin ah oo si heer sare ah loo soo Agaasimay u qabtay 93 Ardey oo qalin jabisay mac-had ka Sanad Dugsiyeedka 1433 - 1434H, taas oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Ugu horeyn xaflada waxaa kalimooyin ka jeediyay Ardeyda qalin jabisay, waxayna ku soo bandhigeen Gabayo isugu jira Carabi & soomaali oo ka hadlaya Machadka Al-Sunna iyo Barashada Cilmiga Sharciga, sidoo kale waxay ku soo bandhigeen kalimad ku saabsan Sii wadida Cilimiga sharciga iyo fadliga uu leeyahay iyo sidii ay salafkii hore ugu samri jireen barashadiisa. Xafladan oo la qabtay 05/ Shacbaan/1434H waxaa ka soo qeyb galay qeybaha Bulshada oo ay ka mid yihiin: Culimaa’udiinka Soomaaliyeed, Bahda waxbarashada Sida: Jaamacada Islaamiga, Jaamacada Banaadir, Jaamacada Imaam, Jaamacada Baladweyn iyo Mu’asasada Al-Imaam Al-Shaafici. Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Qaar ka mid ah Shirkadaha ganacsiga oo ay ugu horeeyaan Bangiga Salaam

War iga qabta! (nin gabar kufsaday oo waashay)

Saaka ayaan arkay nin dhalinyaro ah oo xoog weyn oo waalan. Wuxuu ku qaylinayaa ereyo kala duwan. Mararka qaarkood wuxuu u qaylinayaa sidii haweeneeydii. Wuu ooyayaa. Wuxuu cod dumar ku leeyahay: War iga qabta, Hooyooy, Nacasyohow iga daa, ba'ayeey iwm.  Dr-ku wuxuu ii sheegay in ninkaani gabar kufsaday oo uu lix sano xirnaa, xabsigana uu ku waashay . Oohintaan iyo hadaladaan qaylada cabaadka ahna waa markuu gabadha miskiinta ah kufsanayey wixii ka maqlayey oo uu niska dhagatirayey!. Dr-ku wuxuu yiri: dadku waxay leeyihiin miskiintii ayaa gashay oo ka dhex-hadlaysa. Si kastaba ha ahaatee waa ciqaab Ilaahay ninkaas dunida ugu soo dadajiyey, cid kasta oo ficilkaas xun samaysana adduunka ku sugaysa, aakhirana u taal. Waxaa iyana khatartaas mid la mid ah sugaysaa nimanka gabdhaha masaakiinta ah xumaanta ku sameeya iyaga oo ku sasabanaya waan ku guursanayaa. Gabdhaha wiilasha masaakiinta ah ku qaabila hadalka iyo dharka jilicsan ama gaagaaban laftoodu shar weyn oo ciqaab badani ka

Sheekh wasiirkii dhimayaye anaga ha nagu darin!

Dhul Sheekhu magaalada ku lahaa ayaa wasiirku warqado foojari ah u samaystay, waana calaamadaystay. Sheekhii ergo ayuu ugu tagey, wuxuuna ka codsaday in la wadahadlo oo ninkii qaldan dadkiisu qabto. Wasiirku wuxuu ku jawaabay waan dhisanayaa, wadahadal iyo wax kaloo aan ka ogolahayna ma jiraan!. Wasiirku Daydaynimo ayuu soo maray, mooryaan hubaysana wuu haystaa, waliba duqa magaaladana saaxiib ayuu la yahay. Saaxiibkiis ayuu warqado ka samaystay, dhulkiina dhisme ayuu ku bilaabay!. Sheekhii ciidan buu keensaday oo wixiiba wuu ka kala tuuray. Dabadeed muddo ayaa la kala nastay, sanad ka dib ayuu wasiirkii meel walba oo mowduucu khuseeyey warqado ka soo dhamaystay. Waxaa hay'adihii oo dhan lagu wargaliyey in wasiirku dhulkiisa dhisto, ciddii soo agmartana xabsiga la dhigo. Sheekhu maalin ka hor ayuu ogaaday halka wax marayaan, meelihii awal sheekhu isku halaynayey oo dhana waa la kala furfuray. Sheekhu wuxuu arkay inay arrintu taagantahay in la xiro iyo inuu dhulkiisa faraha ka qaa