Skip to main content

MachadKA Al-Sunna ee Muqdisho Oo Xaflad Qalinjabin ah u Qabtay Ardeyda Dufcadii 8-Aad


Machadka Barashada Diinta & Dhaqanka Islaamka ee Al-SUNNA ayaa Xaflad Qalin jabin ah oo si heer sare ah loo soo Agaasimay u qabtay 93 Ardey oo qalin jabisay mac-hadka Sanad Dugsiyeedka 1433 - 1434H, taas oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn xaflada waxaa kalimooyin ka jeediyay Ardeyda qalin jabisay, waxayna ku soo bandhigeen Gabayo isugu jira Carabi & soomaali oo ka hadlaya Machadka Al-Sunna iyo Barashada Cilmiga Sharciga, sidoo kale waxay ku soo bandhigeen kalimad ku saabsan Sii wadida Cilimiga sharciga iyo fadliga uu leeyahay iyo sidii ay salafkii hore ugu samri jireen barashadiisa.

Xafladan oo la qabtay 05/ Shacbaan/1434H waxaa ka soo qeyb galay qeybaha Bulshada oo ay ka mid yihiin: Culimaa’udiinka Soomaaliyeed, Bahda waxbarashada Sida: Jaamacada Islaamiga, Jaamacada Banaadir, Jaamacada Imaam, Jaamacada Baladweyn iyo Mu’asasada Al-Imaam Al-Shaafici.

Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Qaar ka mid ah Shirkadaha ganacsiga oo ay ugu horeeyaan Bangiga Salaam oo qeyb weyn ka qaatay Hoolka lagu qabtay Xaflada, sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Maktabada Daarul Macrifa oo iyadana kaalin weyn ka qaadatay Abaalmarinta 10 Ardey ee kaalimaha hore galay.

Xafladan ayaa waxaa kalimooyin ka jeediyay Bahda waxbarashada oo dhamaantood tilmaamay inay farxada la qeybsanayaan Ardeyda baratay Cilmiga Sharciga ah isla markaana marxaladan adag u dhabar adaygay inay bartaan Cilmiga Sharciga & Culuumta Carabiga.

Sheikh Maxamed Yaasiin oo ka mid ah Culimada xaflada ka hadashay ayaa sheegay in Machad Al-sunna lagu bartay inuu soo saaro ardey ka dhisan Cilmiga sharciga iyo Culuumta Carabiga.
Sheikh Maxamed Yaasiin ayaa kalimad dar-daaran ah u jeediyay Ardeyda qalin jabisay wuxuuna kula dardaarmay in Cilmiga Sharciga ah ee ay barteen ay itqaaniyaan kuna camal falaan, siina gudbiyaan, wuxuuna farta ku fiiqay in ardeyda qalin jabisay ay Dacwada dad u yihiin.

Bahada waxbarashada oo ay ugu horeysay jaamacada islaamiga ayaa goobta ka hadashay waxaana afkeeda ku hadlay Ustaad C/llaahi Axmed Ciise oo ah Madaxa Kuliyada Maamulka & Dhaqaalaha ee Jaamacada Islaamiga, waxaana hadaladiisa ka mid aha“Machad Al-Sunna run ahaantii dowrkaas uu soo qabtay waa dowr aad muhiim u ah, ardeyda halkaan fadhidana kaliya ma uusaan soo saarine,wuxuu soo saaray dufacaad hore, sida macahad al-sunna uga shaqeeyo dhinaca sunnada & shareecada ayaa jaamaca islaamiya u tahay dowr mukamil ah, … Jaamacaduna dowrka ay leedahay waa dowr mukamil ah oo machadkaasi dhameystiraya”

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay jaamacada Banaadir oo afkeeda ku hadlayay Gudoomiyaha Kuliyada Shareecada & Qaanuunka Ustaad C/raxmaan Xasan Cumar wuxuuna yiri:“Waxaan leeyahay Maamulka Machadka oo maraaxil kala duwan, dhib fara badan soo maray juhdi fara badan ku soo bixiyay sidii ay u soo gaarsiin lahaayeen marxaladaan iyada oo la soo maray Barakac fara badan, Qax fara badan, jahli fara badan, dhib fara bdan, waxaan leeyahay juhdigaas ay soo bixiyeen in loogu mabruukeeyo, waxaan idin leeyahay aad ayaad u mahadsantihiin dadaalkiina sii wada”

Dhinaca kale Jaamacada Baladweyn oo iyana ka mid ah Jaamacadaha goobta ka hadashay ayaa minxo waxbarasho oo lacag la’aan ah ugu deeqday ardeyga ugu horeeya 93 ardey ee qalin jabinaysa, kaas oo magaciisa la yiraahdo Caadi Cali Aadam.

Ugu dambayntii waxa xaflada ka hadlay Maamul ku xigeenka Machadka Al-Sunna Fadiilatu Al-Sheekh C/llaahi Sheekh Yuusuf Maxamuud wuxuuna ka warbixiyay Heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray Machadka, wuxuuna xusay inay ka qalin jabiyeen intii uu furnaa ardey gaaraysa 768 ardey kuwaas oo kala ahaa Sideed dufcadood.

Sheekh C/llaahi wuxuu sheegay inuu Machadku 4 farac ku leeyahay Caasimada Muqdisho kuwaas oo kala ah:

1- Faraca Degmada Hodan,
2- Faraca Degmada Huriwaa,
3- Faraca Degmada Madiina &,
4- Faraca Deegaanka Garasbaaleey, wuxuuna tilmaamay inay rajeynayaa inay furuuc kale ka furaan gobolada dalka gaar ahaan koonfurta Soomaaliya.

Maamule ku xigeenka machadka wuxuu kaloo sheegay in Machadka uu hoostago Raabidada Macaahidda Sharciga ee Soomaaliya, taas oo ay ku Midaysanyihiin 16 Machad oo lagu barto Culuumta Sharciga.

Xafladan ayaa si gaar ah 10-ka ardey ee u horeysa lagu gudoonsiiyo Abaalmarino & Shahaadooyin, waxayna magacyadooda kala ahaayeen sida tan:

- Kaalinta koowaad: Caadil Cali Aadam
- Kaalinta labaad: Anas Saalax Xaashi
- Kaalinta Saddexaad: C/Raxmaan C/Risaaq Mumin
- Kaalinta Saddexaad: C/Raxmaan Cali C/Raxmaan
- Kaalinta Afaraad: Maxamed Xasan Ibraahiim
- Kaalinta Shanaad: Maxamed C/Llaahi Cali
- Kaalinta Lixaad: Bashiir C/Llaahi Cabdi
- Kaalinta Todobaad: Zam-Zam Cali Jimcaale
- Kaalinta Sideedaad: Saciida Axmed Daahir
- Kaalinta Sagaalaad: Caa’isha Axmed Daahir
- Kaalinta Tobnaad: Xasan Maxamuud Cali

Dhanka kale wuxuu maamulka shahaado sharaf gudoonsiiyay Gudigii qaban qaabada xaflada oo kala ah:

1- C/raxmaan Maxamed Siigaale
2- Xuseen Cusmaan C/llaahi
3- Ayaan Sheekh C/llaahi Cumar
4- Zahra Maxamuud Axmed,

Sidoo kale wuxuu machadku gudoonsiisay qalab waxbarasho.
5- C/ladiif Maxamed Axmed
6- Iyo Saciida Axmed Daahir

Sidoo kale Ardeyda qalin jabinaysa ayaa Macalimiintooda gudoonsiiyay hadiyado qaali ah taas ooy ku muujinayeen abaalka ay u hayaan macalimiintii wax soo bartay.

Machadka Al-Sunna waa machadkii ugu horeeyay oo laga furo koonfurta Soomaaliya ee lagu barto Culuumta Sharciga & Carabiyada waxaana xusid mudan in Machadkani ardeydii ka qalin jabisay ay qaarkood ka soo ka qalin jabiyeen jaamacado ku yaala dalka gudihiisa & Dibadiisa iyada oo qeyb ka mid ah ardeydaasna ay diyaarinayaa Darajada Mastarka.

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!