Skip to main content

Hoggaamiyaha Al-Shabaab oo bayaan ka soo saaray garabka ka soo horjeestay

Qoraal lagu daabacay barta Internetka ee lagu magacaabay Aljahad oo inta badan lagu faafiyo qoraalada ururka Al-qaacid ayaa waxaa lagu faafiyey maanta bayaan loo tiiriyey ururka Al-shabaab gaar ahaan hogaankooda sare  , bayaanka ayaa waxaaa laguu magac daray  “Tani waa Fariin wadareen ku socota Bulshada”              

Bayaanka loo tiiriyey hogaanka Sare ee Al-shabaab  ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili maalmihii u danbeeyey mareegaha Internetka  la soo dhigay Bayaano,qoraalo , Waraysiyo si gaar ah looga cabanayo Hogaamiyaha Ururka  Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.
Bayaanaadkii iyo waraysiyadii la soo dhigay baraha internetka ayaa waxaa soo dhigay:-
1-Ibraahim Xaji Jaamac Miicaad (Afgaani)
2-Abu Mansuur Al-amriiki
3-Zubeyr Al-muhaajir
4-Sh  Xassan Daahir Aweys
Eedeynaha ay u soo jeediyeen  masuuliyiintaan  Hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ayaa waxaa ka mid ah:-
1-In isku xukumidii Kitaabka Allaah inay noqotay mid ay ka saramartay kaligii talinimo iyo wadatashi la’aan.
2-Xabsiyo Qarsood ah oo Xarakadu ay leedahay.
3-Hay’adda Garsoorka  oo si toos ah uga amar qaadata Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.
4-In qof walba oo isku daya in uu wax saxo  loo hanjabo ama lagu tuuro tuhmooyin.
5-Dil joogta ah oo loo geysto dad aan shareecada Islaamka dhiigooda  banaynin.
Bayaanka maanta lagu faafiyey barta internetka ee Aljaha loona tiiriyey hogaanka ururka Al-shabaab ayaa sidoo kale waxaa eed culus loogu soo jeediyey  qaar ka mid ah masuuliyiinta ururka Al-shabaab ee  qoraalo , bayaano iyo waraysiyo ku faafiyey  Internetka  waxaana lagu eedeeyey.
1-In ay kala dhantaalayaan Midnimada umada  iyo wadajirka ururka.
2-Faafin warar aan sal lahayn  oo kala dhantaalaya midnimada iyo wadajirka  ururka.
3-Suuro xumeyn  Mujaahidinta ururka Al-shabaab , madaxdooda iyo Manhajkooda.
4-Faafin siraha  Mujaahidiinta Al-shabaab iyagoo gaarsiinay Cadawga islaamka.
5-Isku dir Madaxda Mujaahidiinta iyo shacabka.
6-Dhiiga Mujaahidiinta  oo ay banaysteen.
7-Inay ka dhago Adeygeen Markii looga yeeray Maxkamada shareecada ee Ururka.
Halkan Ka Akhriso Bayaanka Lagu faafiyey aljahad maanta oo lagu eedeeyey garabka Sh Xassan Daahir iyo Ibraahim Miicaad   ama Halkaan ka akhriso
Halkan ka Akhriso Bayaankii Ibraahim Afgaani
Halkan ka Akhriso Wareysigii Abu Mansuur Al-Amriki
Halkan ka Akhriso Qoraalkii Zubeyr Al Muhaajiri
Halkan ka Akhriso Warsaxaafadeedkii Sheekh Daahir Aweys.
Halkan ka Akhriso Fatwo laga soo saaray isku daygii lagu khaarajin lahaa Abu Mansuur Al-amriki

Comments

Popular posts from this blog

Walaalnimo

1- waa in ummadda muslimka ah ka nabadgasho afkaaga iyo addinkaaga oo aadan midna ku waxyeelayn naftooda, maalkooda iyo sharaftooda. 2- waa in aad ula dhaqantid sida naftaada adoo ka duulaya xadiiskii nabiga ee ahaa "qofkiin mu'min noqon maayo ilaa uu walaalki la jeclaado waxa uu naftiisa la jecelyahay" ogow walaalku waa walaalka diinta. 3- darajada seddexaad waxaa weeye inaad walaalka naftaada wax uga doortid oo aad u hurtid waxaad aad ugu baahantahay. Haddaba adiga oo xasiloon si dagan uga fakar ninka oranaya: diinta iyo ehelkeeda ayaan wax u tarayaa oo wax uu muslimiinta y tara iska daaye ay ka maan heli waayeen.

فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري

بسم الله الرحمن الرحيم فتوى العلماء في التحذير عن منهج حسان حسين التكفيري بعث بعض الطلاب الصوماليين في الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية سؤالا حول منهج حسان حسين العقدي إلى علماء الصومال، وفيما يلي نص السؤال: إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونستهديه ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالها من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمدا عبده ورسوله وبعد: فإن الله سبحانه وتعالي قد قيض لهذا الدين في كل زمان عدولا ينفون عنه تحريف الغالين وانتحال المبطلين وتأويل الجاهلين، وأمر بالرجوع إليهم في أمور الدين حيث قال سبحانه (فاسألوا أهل الذكر إن كنتم لا تعلمون)، فهم مصابيح الدجى وأئمة الهدى، إليهم يفزع بعد الله في أوقات الفتن، واشتباه الحق بالباطل، ونحن طلاب الجامعة الإسلامية بالمدينة النبوية  نكن محبة لا توصف واحتراماً تقتضيه الديانة لعلمائنا الأفذاذ في الصومال الذين أحيا الله بهم منهج السلف بعد موات، وهدى بسببهم جموعاً لا تعد ولا تحصى، ونسأل الله أن يجزيهم عنا وعن المسلمين في الصومال خير ما جزى عالماً عن أمته وداعياً

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday

Seddex iyo soddon qiso oo rasuulka ka sugnaaday              Tusmada kitaabka   Mowduuca                                                Bogga 1. Tusmo ……….………………………………1 2. Ducada Furfurashada ……………………..4 3. Mahadnaq …………………………………..6 4. Gogoldhig ……...……………………………7 5. Hordhac ...……....…………………………..12 6. Nabi Ibraahiim, Xaaskiisa Iyo boqorkii faajirka ahaa ...............................................................17 7. Habar khayrka aad ugu hanweyn ..............26 8. Dhagaxii la cararay maradii Nabi Muuse.. 33 9. Qorraxda oo Ilaahay Nebi Yuushac u joojiyey ..38 10. Samirkii Nabi Ayyuub ..………......……......44 11. Labo dumara oo mid wiilkeedii Yey ka cunay …52 12. Nabi Suleymaan oo ilmo hal jeex   ah u dhashay 58 13. Shan waxyaabood oo Ilaahay Nabi Yaxye ku amray . ...64 14. Nabi ay qowmkiisii cajabgaliyeen! ..............76 15. Nabigii quraanyada gubay ………………..81 16. Daanyeer nin ganacsade ah lacagtiisii barkeed badda ku riday!