Skip to main content

Posts

Showing posts from April, 2016

Soomaali ma colbaa mise waa saaxiib? (Qeybta 1aad)

Ma xiriir colaadeed baa ka dhexeeya, mise xiriir dhexdhexaadnimo, mise xiriir saaxiibtinimo mise xiriir nooc kale ah?. Bal aynu eegno kitaabka soomaalida distuurka u ah waxa ku qoran iyo xiriirada muuqda ee u dhexeeya qabiilooyinka ama deegaanada ama kooxaha soomaali u qeybsan tahay; si jawaabteenu aysan u noqon male-awaal. Soomaali waxaa distoor u ah hal kitaab oo ay wada aaminsan yihiin inuu xaq yahay oo wada saxan yahay, wayna wada jecelyihiin, inkastoo xagga ku dhaqankiisa iyo u adeegidiisa ay ku kala duwan yihiin. Kitaabkaan distoorka soomaalida u ah waxaan u dooranay waxaan jirin wax kale oo ay wada aaminsanyihiin, isku wada raacsanyihiin. Kitaabkaas waa Qur'aanka kariimka oo nabigii la inoogu soo dhiibayna uu ku sharxay axaadiis caddaynaysa ujeeddooyinka iyo macnayaasha kitaabkaasi xambaarsan yahay. Xiriirada muuqda ee aan sheegaynana waa waxyaabo ay soomaalidu isku raacsan tahay ee ma keenayno arrimo ay ku kala aragti duwanyihiin. Tan kale Qur'aanku tilm
Mooryaankii mu'adinka dilay maxaa ku dhacay? Inta badan kolkay barqadii tahay ayay xaafadaha ku daqaqami jireen, waxayna ka qaylisiin jireen dumarka oo ay u geysan jireen dhac iyo kufsi. Nin masjidka mu'adin ka ah ayaa markay dumarka ka qaylisiiyaan adin ku dhufan jirey, kolkaas ayay guryaha ka soo yaaci jireen. Malaha faldambiyeedka ay ku dhexjiraan ayaa iyaga iyo shaydaankii u dirayba adinka ka cararayaan. Muddo ka dib ninkii kaaba-mooryaanka ahaa ayaa wadaadkii ku yiri mar dambe ma adimi kartid haddii kale waan ku dilayaa!. Dabcan xumaantii uu jeclaa ayaa adinku ka hor-istaagay; si uu u soo ceshadana inuu adinka joojiyo ayay la noqotay. Maalintii dambe ayay sidii caadada u ahayd xaafadihii ka cabaadiyeen, wadaadkiina sidii caadada u ahayd buu adaankiisii ku dhuftay, kolkaas ayaa kaaba-mooryaankii oo shaydaankiisii dabada ka wado oo rooraya wuxuu yimid masjidkii laga adimayey, wadaadkii oo munaarada saaran, adinkiina afka ku ahaya ayuu xabbad kaga soo tuuray, nafna dhu