Skip to main content

Posts

Showing posts from March, 2018

Xasaradaha iyo xaalad-abuurka siyaasadeed iyo amni ee aynu ku xiiqnay

Waxaynu maqaal hore ku soo sheegnay in dalka iyo dadka soomaaliyeed ay ku xiran yihiin xargo badan oo isku murugsan oo isugu jira kuwo ay iyagu shirarkii loo qabanayey isku xirxireen iyo heshiisyo caalami ah oo ay ugu dabran yihiin quruumo ka awood roon. Dabadeed waxaynu isweydiinay maxaa hortaagan in aynu iska furno xargahaan innaga isku keen dabraya ama dadyow kale inoo dabraya?. Qormadaan ayaynu arrintaas ku eegaynaa.   Haddii dad wacyigoodu hooseeyo ama aan iyagu isku kalsoonayn isku dayaan inay shirqoolada iyo siriqda loo dhigay ka baxaan waxaa la galiyaa xasarad, xaalad-abuur iyo mashaakil joogto ah mar kasta oo uu muuqdo fakar xor ah ama isku tashi ama horumar ama la diido waxaan daw ahayn, waana sida ay muddada dheer soomaaliya ku jirtay. Xasaradaha iyo xaalad-abuurka joogtada ah ee soomaali lugu mashquuliyo ama ay iyadu isku mashquuliso waxaa ka mid ah: 1.    Alshabaab ayaa qaraxyo waaweyn samaysay ama magaalooyin qabsatay. Marka xaalad amni oo noo

Dadkii la dhammee ee culimadu maxay la aamusan tahay?

Hala qarxiyo ama hala toogto ama dagaal ha lugu laayee dadkii soomaaliyeed waxaa ku socda xasuuq joogto ah, dadkii looga fadhiyey inay dabargoyntaas wax ka qabtaana iyagaa dhexdooda isku mashquulsan ee culimadu maxay la aamusan tahay oo la kici weyday?. Dadweynaha soomaaliyeed oo wada muslimiin ah, culimadoodana u haya kalsooni iyo qadarin weyn waxay aaminsan yihiin in culimadu tahay meesha ugu dambaysa oo loo baxsanayo Alle ka dib, waxayna ka filanayaan inay u istaagaan badbaadinta dadkooda iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta; sidaa darteed ayay isweydiiyaan mar kasta oo dhib weyn dhoco meeye culimadii?. Ugu horrayn dadkeenu way ku gar leeyihiin booska mudnaanta leh ee ay culimadooda dhigeen iyo kaalinta ay ka filanayaan labadaba, isla markaasna aynu qirno in aysan culimadeenu wada buuxin kaalimihii ku aaddanaa, wixii laga filanayeyna aysan wada qaban gaar ahaan arrimaha waaweyn ee jiritaanka ummadda taabanaya. Intaa ka dib aynu isweydiino nooca uu yahay xilka culimada