Hala qarxiyo ama hala toogto ama dagaal ha lugu laayee dadkii soomaaliyeed waxaa ku socda xasuuq joogto ah, dadkii looga fadhiyey inay dabargoyntaas wax ka qabtaana iyagaa dhexdooda isku mashquulsan ee culimadu maxay la aamusan tahay oo la kici weyday?.
Dadweynaha soomaaliyeed oo wada muslimiin ah, culimadoodana u haya kalsooni iyo qadarin weyn waxay aaminsan yihiin in culimadu tahay meesha ugu dambaysa oo loo baxsanayo Alle ka dib, waxayna ka filanayaan inay u istaagaan badbaadinta dadkooda iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta; sidaa darteed ayay isweydiiyaan mar kasta oo dhib weyn dhoco meeye culimadii?.
Ugu horrayn dadkeenu way ku gar leeyihiin booska mudnaanta leh ee ay culimadooda dhigeen iyo kaalinta ay ka filanayaan labadaba, isla markaasna aynu qirno in aysan culimadeenu wada buuxin kaalimihii ku aaddanaa, wixii laga filanayeyna aysan wada qaban gaar ahaan arrimaha waaweyn ee jiritaanka ummadda taabanaya.
Intaa ka dib aynu isweydiino nooca uu yahay xilka culimada saaran. Tan koowaad culimada waxaa si gaar ah u saaran xilka faafinta diinta, baristeeda, ku tarbiyaynteeda, difaaceeda, wanaag farista, xumaan reebista, inay fatwo iyo taloba ka bixiyaan sida loo dhaqangalinayo axkaamta diinta guud ahaan iyo masalooyinkii markaas taaganba. Dadka intooda kale oo dowladdu ugu horraysana waxaa waajib ku ah inay culimada ku taageeraan gudashada waajibkaas.
Way ila tahay in culimadu waajibkaas gaarka ah intii awooddeeda ah ka soo baxday iyada oo taageerada dowladda iyo tan dadweynuhuba yartahay.
Tan kale culimada waxaa saaran xil ay la wadaagaan ummadda inteeda kale, waana wax ka qabashada ficilka ah ee danaha ummadda.
Marka laga hadlayo joojinta xasuuqa dadkeena lugu hayo masuuliyada tooska ah waxay saarantahay dowladda, dadka intiisa kale oo culimadu ka mid tahayna waxaa waajib ku ah inay dowladda gacan ku siiyaan gudashada waajibkaas.
Dowladda xilkaas Ilaahay baa saaray, adduun iyo aakhirana iyagaa la weydiinayaa. Tan labaad awood qaanuuni ah baa shacabku u siiyey oo way doorteen. Tan seddexaadna awooddii ummadda lahayd gacantooda ayaa la galiyey hadday tahay ciidan, hub, dhaqaale iwm. Intaa waxaa sii dheer inay iyagu soo doonteen xilkaan oo shafka u garaaceen, dhaarna ku mareen inay sida uu yahay uga soo baxayaan.
Taa macmeheedu waxaa weeye in eedda ugu weyn ee wax ka qabasha la’aanta xasuuqa ay dowladdu leedahay oo xilkaani iyada toos u saaran yahay, dadweynaha oo culimadu ugu horraysana waxaa la eedayn karaa markii gacan siintii xaqa loogu lahaa laga waayo.
Haddaba aynu isweydiinee culimadu ma ka gaabiyeen inay dowladda u naseexeeyaan oo samaha faraan, xumahana ka reebaan ama ay talo ka siiyaan arrimaha danta guud ama ay dadweynaha ku guubaabiyaan in dowladda lagala shaqeeyo xaqiijinta danta ummadda iyo ka hortagga dhibaatooyinka?.
Jawaabtu waa maya; waayo waxaa hubaal ah in culimadu intaas dowladda ku taageeraan, ayna intaa in la mid ah galiyaan qabaa’ilka iyo kooxaha xasuuqa ka qaybqaadanaya laakiin waxaa qirasho mudan in culimadu intaa ka badan qaban lahaayeen hadday midaysan yihiin, danta guudna ay hal meel uga soo wada jeedaan.
Waa socotaa ...
Comments
Post a Comment